MAANAGAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYA

Qalinkii: Liibaan Xaaji Fagadhe

 

HADHUUDHKII CARAALE

HUFTOO HUFMI WAAYE

MAXAAD KALA HAADIN

Akhriste waa yaab iyo amakaag waa yeelkeede maqaalkeenani waa halacsiga hadalo horey u yeedhey  iyo heybinta howraartii siilaanyo oo sadex sano kahor horteena uu ka lahaa  kama yeedhsine kalmadaa fakateyoo  kalahaadba lama sugine kownkoo wada hurduu kala waraaqey . Ku noqo ayaamo tagey  waa xiliguu xilka la wareegey iyo xiliguu usoo safree waxa uu inoo mariyey safarkii dheeraa ee ololihii doorashooyinka wadanka waxaan ka safeynayaa hadaan siilaanyo ahey musuq maasuqa oo anuu sidaa Riyaale iyo xukuumadiisu ay xoolii umada ugu tagri faleyso noqon maayee waxbadan ayaan badalayaa barigaana hadaad xasuusantiin caalamkan aynu joognaa wuxuu ku ololeyn jirey kalmadii uu soosaarey madaxweynaha mareykanka ee Obaama waana (Change) ama isbadal oo ilaa Mr. Siilaanyo qaatey .

 

Si aynaan u fogaan aynu u dhaadhacno dulucdee ragii uu odhanjirey Madaxweyne Silaanyo ama uu ku taamaayey inuu badalidoono  ayuu hadana xukuumadii ku soo celiyey oo ay ka mid ahaayeen raga ilaha dhaqaalaha joogey oo uu dib ugu soo celiyey markaa taa macnaheedu waa idinkaa yaqaan musuq maasuqee kaalaya ana I caawiya .

 

Waxaa hadaba wax la layaabo ah markii uu madaxweyne Siilaanyo la wareegey talada dalka shirkii jaraa id ee abid ay saqdhexe labadii habeenimo dadka reer somaliland mudo 20 sano ah kadib ku cusbaa  saq dhexe uu siilaanyo  oo ayney cidba soo jeedin inuu ku tiraabey hadalo ay dadku qaar moodeen Citiraafkii oo uu ka warbixinaayo , halka ay kuna moodeen in leyna yidhi dunidiiba idinkaa hogaaminaaya caawa laga bilaabo aniga lafteyduna anigoon muraayada tvga uba dhawaanjirin oo ka fogaan jirey markaan daawanaayo aan kuba soo dhawaadey oon labada dhagoodna ufurey misna  yaab ayaabey igu noqotey Mafaxweynii oo ilaa suudhkiisii xidhan oo shirjraa id qabtey  oo ku weerarey xisbiyadii mucaaridka aan idiin soo qaado waa wax duuban oo warbaahinta galaye Cali waran cadow maalinwalba aflagaado ayaad meelahaa la taagantiin , doorashadii ayaanu idinka adkaaney umadu way iska kiin garatey imbadan ayaad umada soo hortaagneydeen boobkii iyo hantidii aad dhacdeen iyo musuq maasuqii ayaanu iska kiin deyney oo aanu idin saamaxney anagoo eegeyna midnimada dadka iyo dalka wadajirkooda bal halkan ka daawo madaxweynahoo afkiisa ka le

<iframe width=”420″ height=”315″ src=”http://www.youtube.com/embed/1s6qIa8iqp0″ frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

 

 

Waxaa layaable hadaba kii shaley sidaa la lahaa oo xil kii hadana in loo dhiibo aqbaley markaa wuu isku cadeeyey waxaa uu sheegaayo inuu yahey misna kii lahaa waa tuug oo xoolihii umaduu dhacey ayaa soo celiyey sow markaa madaxweyne siilaanyo male hadana kaaley oo inta hadheyna ku darso  oo dhac wixii hadhey .Madaxweyne sidee laguu raacaa ma maalinba sidaad doontaa mise kursigan inaad mar uun ku fadhiisato ayuu hafafkaagu ahaa oo hadii lagu odhanlahaa saxeex waxkasta oo aad ku heleyso way kaa suurtowdaa taasi isweydiin malaha daba la heshey kursigiiye dee xukuumadu kulmiyey ku bilaabantey sida muuqata udub ku dambeyso Miyaaney aheyn in uu siilaanyo arintii ceebeynta udub iyo qeyladii uu xaalkabixiyo cadeeyana inuu qaldanaa markuu tuugnimada iyo musuq maasuqa ku sheegayey ileyn waadiganoo kiishkii Riyaale kolba in soo faqanaayee oo aaney waliba cadeyn u aheyn in kulmiye laga waayey xubno buuxiya ? ( Maanagaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa?Dadka shicibka ah maanta wax loo sheegayaa majirto ee maxaa xigi barina ?!!!!!!!!!

 

DHAMAAD

GUUL ALLA

 

Filed in: Articles

You might like:

cc Madaxweyne Xassan Sheekh oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliya u Magacaabay Garyaqaankii Guud ee Somaliland
bile Wuxu ku yidhi, Dalkaaga Soomaaliland, Distoorkaaga iyo Dawladnimadaadu waa xaraan? Waxaanu kuu raaciyey, haddii ad Dawladnimadaa iyo Distoorkaa taageertana, adaa xaaraan ah. Bal adigu shakhsiyan inta ad shawrto, isweydii waxa ad uugu jawaabeyso muwaadinkaasi. Waa wadaadkii 6 sanadood horteed Hargeisa uuga ololeynayey doorshada shakhsi uu wato oo meel kasta u marey ololahaa. Iminka oo uu hal shakhsi iyo hal xisbi diidanyahay, ayaa halkii uu waxa uu qoonsadey sheegi lahaa, ku waramey in distoorka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliland ba xaaraan tahay, maadaama ay dimuqraadiyad ku saleysanyihiin. Alla Wadaadkaasi faanweynaa. Sheekhow meeshan lama kala dooranayo Ilaahey Subxaanahu Wa Tacaala iyo Soomaaliland. Umadda reer Soomaaliland Ilaahey wey balameen iyaga oo aan wadaad iyo sheekhtoona u dhexeynin. Soomaaliland jiritaankeeda waxa ay tiir uuga dhigatey Tawxiidka Alle. Calankeeda ayey ku qoratey distoorkeedana wey ku xaradhey Inaan Ilaahey Mooyee, Ilaah kale Jirin, Muxammed-na uu Yahay Rasuulkii Ilaahey. Haddii doorkan aanu doorasho ku jirin raggii ad u ololeyneysey, waxay aheyd uun inad ra’yigaaga cabbirto oo ad tidhaa hebel uuma codeynayo. Mey aheyn inad kitaab uugu soo gabato oo ad kuuliga iyo caanadiiqda Baqo-Maasho. Maqasha ayaa marka ay yara korto ee ay orgi ismooddo, ku boodbooda hooyadood oo orginimada ku barta. Wax kale ma sameeyaan ee, wey ka daba qeyliyaan qeyliyaan hooyadood. Wadaadku haddii uu rabo inu soo can baxo, waxa u habooneyd inu tago golayaasha culimada Islaamku ku doooddo. Waxa u habooneyd inu qoro buugaag laga faa’iideysto oo isagana lagu xusuusto. Waxa kaloo u habooneyd inu la rafiiqo culimada kale ee diinta iyo nolosha is qabadsiiyey ee wax laga faa’iido, sida Sheekh Dirir iyo Sheekh Mustafe. Mey aheyn inu Soomaaliland tii isaga wax ka dhigtey ku khudbad barto. Wadaadkii Hargeisa ka hadley, waxa u soo jawaabey wadaad Xamar jooga. Waa wadaad 15 sanadood ku nool dhuumasho. Wey ku adagthay inu si nabad ah ku maro dhulkii uu ku dhashey ee uu u ku korey. Waxa uu in badan warbaahinta kala hadley dadka ka soo horjeeda fikirkiisa iyo wacdigiisa oo uu kula taliyey inaaney fawdada iyo dhiigga muslinka xalaashan. Sheekhani waxa uu leeyahay cadaw badan oo u badan cadawga Islaamka oo diidan aqoonta wanaagsan ee uu sheekhani fidinayo. Sidaasooy tahay, sheekhan HINAASE iyo XIN ayaa hadlkiisa ka muuqda. Sheekhani waxa uu ku soo taliyey, fitno hor leh isaga oo ku talinaya in dadka reer Soomaaliland xukunka gacantooda ku qaataan maadaama ay dawladdii ka gaabisey oo ay gaaladii la dagaalami laadahay. Waxa uu sheekhu si dadban u leeyahay dadku ha kaco oo dawladda hala tuuro, taasi oo dhalin karta in nabadda iyo nidaamku burburo. Sheekhani dhowr goor ayuu Soomaaliland yimid oo uu wacdi wanaagsan ka jeediyey oo dadku u soo baxey oo lagu ammaaney oo uu wax faa’iideeyey. Muxuu ka heleyaa tolow , haddii dawladnimada Soomaaliland burburto. Muxuu ka heli 5 malyuun oo qof oo dagaal iyo qax ku noolaada. Dhibaato miyaaney uugu filneyn waxa maanta Muqdisho ka dhacayaa, ee uu u seexan waayey gurigiisii wadadana u mari waayey isaga oo aan ciidan ilaalineyn. Haddii ay fawdadu dhacdo, waxa qiil heleya cadawga islaamka oo fursad u helaya iney dalkeena ciidamo soo geliyaan oo ay dadka xasuuqaan iyaga oo ku marmarsoonaya argagixiso ayaan la dagaalameynaa. Kuwaasaa dadka xasuuqi oo hablaha kufsan. Waa waxa ka dhacaya Soomaaliya maanta. Soomaaliland weli mey gaadhin heer la yidhaa waa dawladnimo buuxda oo aan wax u dhinneyn. Adduunkana ma jirto dawlad dhameys tirani. Balse intii dadaalkeeda aheyd, Soomaaliland wey dedaashey, inta ka dhimanna waxa laga sugayaa umadeeda inta aqoon iyo diinba baratey oo la rabaa iney halkaa ka sii qaadaan oo ay gaadhsiiyaan heerkan iminka la joogo heerka ku xiga. Culimada iyo aqoonyahaynka dadka u dhashey waa kuwa uu dalku ku fadhiyo. Maantaba waa kuwaa ka jawaabey ee muujiyey iney dalkooda iyo dadlkoodaba taageersanyihiin. Midhimidhka leexdana haloo caqliceliyo. Alla Mahad leh Maxamed Cali Bile Aqoonta U Adeegta Nolosha qorane.bile@gmail.com
G2A-Consortium-Members Telesom oo ku Guulaysatay inay Ogolaansho rasmi ah u hesho Adeega G2A ee Internet-ka iyo shirkadda Jabuuti Telecom oo dar-dar galisay Adeega DARE
IMG_20160503_231630 Premier Bank oo Shalay ku Daahfurey Magaaladda Hargeysa Adeegyo ku cusub Waddanka
DSC_0002 (1) Kulan loogu Diyaar Garoobayey 18-MAY oo Qasriga Madaxtooyada ka Qabsoomay
998+ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Beeniyey in loo Diiday Fiisihii Waddanka Maraykanka

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2016 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.