ISKU BADALKA WASIIRADA FADHIIDKA AH EE MADAXWEYNE SIILAANYO OO NOQTEY QABAALAD LA KORDHABEY IYO SIYAASADA FOOFDARAN HABOWDEY EE SOMALILAND.‏

maqaalUgu  horeyn  waxaan  salaamaya  saxaafada  somaliland. Ka  dib  markiii  aan  arkey    wax  loogu  yeedhey  isku  shaandheyn  ee  uu  soo  saarey  madaxaweyna  Somaliland  ,axmed  maxamed  siilaanyo,  waxey   noqotey  wax  lala  yaabo  oo  runtii  u  eeg  in  uu  Odeygu  leeyahey  ujeedooyin  qarsoon  oo  soo  bixi  doona,  waxaana  gabi   ahaanba  aanu  taaban  ama  aanu  meeshoodii  ka  qaadin  wasiiradii  fadhiidka  ahaa  ee  hantida  ummada  ku  mabey,  sida  wasiirka,  maaliyada, duulista  ,madaxtooyada,  waxaanu  meesha  ka,  qaadey  wasiiradii  ugu  wax  tarsanaa  sida  , arimaha  gudaha,  iyo dibada,  waxa  kale  oo  aanu  badali  habkii  ahaa  qabiil  la  kordhabey  oo  wali  sideedii  ah.

Waiirada  uu  badaley  oo  aaney  ka  muuqan  cid  ay  madxweynaha  hayb  wadaagaan,  wasiirada  uu  magcaabey  oo  qaarkood  aaney  dalka  iyo  dadkaba  aqoon  u  laheyn  lana   aqoonin  marka  laga  tagi  waayo  waxa  uu  u  shaqeynaayey  hey’ado,  shisheeye.

isku  soo  wada  duub    oo  madaxweyne  siilaanyo  wax  uu  soo  wadaa   waa  colaaad  sokeeye  ,iyo  in  uu  hankii  ummada  somaliland  ku  celiyo  meeshii  ay  ka  timid  20  sano  ka  hor,  balse  waxaa  suaashu  tahey  mala odhankaraa  waxa  uu  ururusadey  xaabadii   uu  dabka  ku  sii  shidanlaaa,  waana  dabcan  nin  ujeedo  qarsoon  leh,  waxaana  muuqata   in  uu  urursadey  xaabda  intii  ugu  jilicda  saneyd  ee  hore  u  guban  jirtay.

 

 

Isku  shaandheyn  maahan  ee  waa  qabbil  la  kordhabey  ayaan  odhanlahaa,  waxanan  odhanlahaa  dadkii  somaliland  ay  ka  heyso  lexejecladu  waa  in  ay  u  diyaargaroobaan  sidii  odeygan  meesha  loo  dhaafinlahaa.  waayo  ninkaan  arkeynaa   aqli  kuma  laabna,  isku  shaandheynta  odeygu wasiiradii  la  rabey  muu  badalin  taasina  wax,  ummada  qancinaya  maahan.

 

Qore.Tahir hussein/ From  holland.

 

 

Filed in: Articles

You might like:

brreea Kooxda Khaatumo oo kala jabtay qayb Puntland ku biiraysa iyo Qayb wadahadal Dalka Jabuuti uga bilaabmay wasiiro Somaliland ah
Kooxda Khaatumo oo kala jabtay qayb Puntland ku biiraysa iyo Qayb wadahadal Dalka Jbauuti uga bilaabmay wasiiro Somaliland ah
Maqaal Naga guursada ama naga guura
download (1) Wakaalada Biyaha Burco Oo Tahli Kariwayday Inay Daboosho Surmiga Iyo Haraadka Burco
1379568_180538115466384_1373620502_n GEEDKA SOOMALIDU CID MA LEEYAHAY‏
ciidanka Ciidamada Somaliland oo Taleex Dib uga soo baxay markii ay waayeen cid iska caabida

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.