Horjooge Xasan Daahir Aweys oo isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb

awaysXimin-xeeb(Waaheen)Maxamed Cumar Hagafey Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shaaca ka qaaday in xalay fiidkii ay gacanta ku dhigeen Xasan aahir Aweys iyo ciidamo uu wato oo ku suganaa degaan ka tirsan gobolka Mudug.

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed (Baarleex) iyo ciidamo uu watay ayaa gaaray goobta uu ku sugnaa Xasan Daahir Aweys, waxaana suuragashay wadahadal dheer kadib in isku af gartay inuu isku dhiibo maamulka Ximin iyo Xeeb.
Xasan Daahir Aweys ayaa haatan ku sugan magaalada Cadaado isla markaana ciidamadii uu watay laga dhigay hubkii ay wateen, waxaana halkaasi ku ilaalinaya ciidamo gaar ah oo maamulka Ximan Xeeb ka tirsan oo si aad ah u xooggan.
Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey waxa uu warbaahinta u sheegay in goobta ay ku qabteen Xasan Daahir aanu ka dhicin wax iska hor imaad ah, isagoo isku soo dhiibay qaab wadahadal ah oo nabadeed, taasina guul laga gaaray.

Filed in: Waaheen News

You might like:

boobe Aragtidii Hogaamiye Cigaal Qormada: 8aad
kulmiye Shirwaynihii Xisbiga Kulmiye oo 28-ka bishan Qabsoomaya
doorashooyinka somaliland Wefti ka socda Kenya oo Somaliland u yimid Sidii ay Safaarada Kenya Ee Hageysa u furi lahaayeen.
telsom Shirkadda Telesom Oo $8,000 oo Dollar ku Tabarucday Saddex Waddo Oo Magaalada Hargeysa Laga Hirgaliyey .
pic4 Wasiirada Somaliland ee Addis ababa ku sugan oo la kulmay Wasiirka Federalka Itoobiya
Breaking-News-from-Interviews-2013 Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo Dublamaasiyiinta Shisheeyaha oo isaga baxaya Somaliya

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.