Xil ka qaadista Wasiir Geel-jire oo ka yaabisaya dadweynaha

Geel-jire oo kursigiisii laga qaaday kii loo bedelayna la baafinayo

Hargeysa(Waaheen) Wasiirkii hore ee wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland C/laahi Cismaan Geel-jire ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku daray Liiska wasiiradda Xilka laga qaaday, oo waxa uu wasaaradiisii u magacaabay wasiir kale.

Hase yeeshee hadana Madaxweyne Siilaanyo waxa ka muuqata isla Digreetada uu xilka kaga qaaday isagoo Geel-jire ku daray kuwa la bedelay, ha yeeshee meelna hadana looma magacaabin.

Miyay u soo socotaa oo Liis danbuu ku jiraa mise sidaasuu kugu daayay Wasiir Geel-jire Bal adba Madaxweyne meelna ma fadhiyo Ninkaasi.

Dhinaca kale, laba Wasiir oo waaweyn oo ruug cadaa dhinaca Siyaasadda ku ah ayaa xilalkii wasiirnimo laga qaaday waxaana laga dhigay La taliyayaal waa kuwama? Xaabsade iyo Gacamay, wasiiradii Hawlaha Guud iyo Deegaanka. Miyay aqbali mise dantooday raacan.?

Isku shaandhayn tii ugu weynayd ee dhacda intii uu Madaxweyne Siilanyo xilka hayay ayay noqotay Isku-shaandhayntani, waxaana la hadal hayaa tallow imisa kale ayay jiidhi.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

4 Baro jidka Tahriibka oo Ha Tahriibin ! Qalinkii : Khaalid Mohamed Abdilahi (KMC)
123 Maxkamadda ICC oo maanta xukun ku rideysa nin ka tirsan Islaamiyiinta Mali
siilaano nin wayn Nuxurka Warqad Uu Madaxweyne Siilaanyo ka helay Beesha Caalamka
dsc_0009 Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminaayo Oo U Safray Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska
dhagax-dhiga-cusbitaalka-ceerigaabo Xafladda Dhagax-dhigga ee bilowga Dib u dhiska iyo Dayactirka Cisbitaalka Guud ee Ceerigaabo
ciro Daawo Akhri : Khudbad Uu Guddoomiye Cirro Ka Jeediyey Gunaanadkii Diiwaan-Gelinta Codbixiyeyaasha Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2016 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.