Somaliland oo ku jirta diyaar garawga sanad guuradii 53 aad ee 26-kii Juun 1960-kii

Hargeysa(Waaheen) Madaxtooyadda Hargeysa ee Somaliland ayaa ku jirta diyaar garawga Xuska sanad guuradda 53-aad ee maalintii Xoorriyadda Somaliland ka heshay Boqortooyaddii Ingiriiska 1960-kii.

juunSanadkasta Somaliland waxa ay xustaa maalintaas oo ahayd maalin ku weyn dadweynaha Reer Somaliland oo xusuustoodii dib ugu noqonayso halgankii dheeraa ee ay u soo mareen Xoorriyadoodii ay ka heleen Gumaysigii.

Sidoo kale, waxa ay xusuusta maalintani ku dheertahay shacbiweynaha Somaliland sidii fududayd ee ay u lumiyeen iyo Hayaankii dheeraa ee ay u soo mareen in ay dib ula soo noqdaan Xorriyadaasi.

Xuska sanad guuradan 53 aad ee maalintii Xorriyadda Somaliland 1960-kii ayaa habeenimada ay ku beegantahay lagu qabtaa qasriga Madaxtooyadda waxaana laga dareemayay ilaa shalay diyaar garawga loogu jiro munaasibadaasi, oo ah mid taariikhi ah.

Munaasibada lagu maamuusayo Habeenkan oo ahaa Habeen hamiga dadweynaha Somaliland ku weynaa balse la lumiyay ayaa lagu muuneeyaa Suugaan iyo Hab masrixiyadeed ka turjuma sooyaalkii taariikhdii halgan ee loo soo maray, iyadoo ay ka qayb galaan masuuliyiinta Xukuumadda iyo marti sharaf kale.

Filed in: Waaheen News

You might like:

rabshado Rabshado ka socda magaalo ka mid ah Maraykanka
dhulgarirnepal1 Dhulgariirkii Ugu Xumaa Oo Ka Dhacay Dalka Nepal, Tirada Dhimashada Oo Boqolaal Gaadhay + SAWIRO
al shabaa Al-shabaab Oo Macallimiin Kenyan ah Afduub Ku Kaxaysatay
qoxoonti Qulqulka Qaxootiga Somalida ee Yemen
WHG1 “Waxaan dib u hawlgelin doonnaa hay’addii Sahminta, Cabbirka iyo Diiwaangelinta Dhulka”Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliya
golaha DAAWO: Baarlamaanka S/Land oo Ansixiyey Wareegtadii Madaxweynuhu Ku Casilay Gudoomiyahii Maxkamada sare‏

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2015 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.