Xasan Ciise oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyay inuu ka baxaya wadahadaladii

Waxa uu ka biyo diiday wasiiru dawle iyo Wasiir ka tirsanaa Xaq-soor oo la magacaabay

xasanHargeysa(Waaheen) Xasan Ciise Jaamac ayaa soo saaray Digreeto uu ku cadaynayo in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu ka baxeen wadahadaladii ay la lahaayeen Ururka Xaq-soor, isagoo ku Eedeeyay magacaabista uu magacaabay Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsan Ururkiisa.

WARSAXAAFADEED

Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo xukumada waxaa ka baxay  dhinacii xukumada.

Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa  ururka xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu geli lahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukuumada.  Iyada aanay xukuumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor iyaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hogaankii ururka.

Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas.  Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada ka dib markii ay iyagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano.   Waxaanu sidaas u yeelnay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur gar-maqaate ah.  Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada.   Imika xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay  inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa  mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.

Gudoomiyaha  ururka Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac

 

Filed in: Waaheen News

You might like:

11821974_884453971602300_103370138_o Xildhibaanada Galbeedka Somalilaand Oo Ka Hadlay abaaro Ku Dhuftay Gobolada Awdal iyo Salal
carwo Daawo: Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Oo Hargeysa Laga Furay.
gaas “Rabshadda Jaamacadda waxaa wada oo masuul ka ah ninka Cadaad la yidhaahdo” Prof. Gaas
Aadan siiro Sheekh Aadan siiro oo ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka iyo Xadhiga Jaamacad Hargeysa
GRORE Xaalada Bukaanka Dhakhtar Hargeysa oo laga dayrinayo
cunug Qaramada Midoobay oo Cambaraary ilmayar oo falastiini ah oo la Gubay

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2015 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.