Agaasimayaasha Guud ee Xukuumadda oo Seeftu sidato

Hargeysa(Waaheen) Agaasimayaasha Guud ee Wasaarada kala duwan ee Dawladda ayaa la filayaa si la mid ah isku shaandhayntii Golaha Wasiiradda ku habsatay in iyana loo dhex qaado, iyadoo qaarkoodna la bedeli doono, qaarkooda dibeda la dhigi doono.

newsSidoo kale, waxa la magacaabi doonaa Agaasimayaal cusub oo la jaan-qaadi doona wasaaraddaha cusub ee Mdaxweyne Siilaanyo soo kordhiyay, kuwaas oo aan hore u jiri jirin, isla markaana aan lahayn qorshe ku cad sanad Miisaaniyadeedkan 2013-ka ee kala badhka ah.

Ma cada Agaasimayaasha la bedeli doono iyo kuwa Xilka waayi doona, hase yeeshee dadka ka ag dhaw dhaw Madaxtooyadda ay ka soo burqanayaan Digreetooyinku waxa ay sheegayaan in lagu mashquulsan yahay sidii ay ula jaan-qaadi lahaayeen wasaaradaha iyo masuuliyiinta cusub ee la sameeyay.

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha oo ah Halbawlaha kala haga hanaanka Maamul ee Hay’adaha dawladda ayaa ah kuwo la kawsaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee sadex sano jirsatay, iyadoo aanu hal Agaasime Guud kaga hadhin Xukuumaddii UDUB.

Isku bedelka Agaasimayaasha ee wakhtigan ayaan la garanayn waxa ay soo kordhin doonto haddiiba la kala bedelay Wasiiraddii waxaanay dadka fagaarayaasha ku falanqaynaya Isku-shaandhayntani u arkaan in ay tahay deg deg kale oo ay xukuumaddani ku talaabsanayso maadaama ay imika uun ka soo doogayaan waayo aragnimo la’aantii haleeshay iyaga iyo Wasiiradaba.

 

Filed in: Waaheen News

You might like:

Xasan-Daahir3 DAAWO:- CAJAL DEG-DEG AH OO UU HADDA SOO DUUBEY SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS OO WAXYAABO BADAN UU KAGA HADLAY
xir Daawo: Hogaamiye Xirsi oo Muuse Biixi ku sifeeyey Arday Saaqid ah
abwaan Askari Daawo Muuqaal:-Abwaan Maxamed Cismaan Askari Oo Gabay Ku Muujiyey Fadhiidnimada Saddexda Xisbi Qaran.
5555 Wasaaaradda Hawlaha Guud oo Xalay ka Joojisay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo Baloodhaystay Xarunta Waxbarashada Gobolka Hargeysa.
Madaxtooyada-SLN Wasiirada Xukumada Siilaanyo oo aan Tagin Xafiisyadooda iyo Shacabkii oo la Cid u shaqeysa
fffrfr Roobab ka Da’ay Sool, Sanaag iyo Awdal

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.