Dood Khamiistii dhex martay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha dibeda oo sababtay Bedelkiisa

Waxay isku maan-dhaafeen qaabka dawladda Itoobiya iyo Ganacsatadeedu u isticaamlayso Dekedda Berbera

sssHargeysa(Waaheen) Shirkii Golaha Wasiiradda ee labadii toddobaad ee u danbeeyay ayay Golaha wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si adag ugu lafa gureen waxa laga yeelayo Isticmaalka Dekedda Berbera ee Dawladda Itoobiya ku baaqday, waxaanay Wasiiraddu warbixin ay ka dhagaysteen Guddi ka kooban wasaaradaha oo wadahadal dheer la lahaa Dhigooda Itoobiya kadib Golaha Wasiiradda oo uu Guddoominayo Madaxweyne Siilaanyo sii ambaqaadeen talooyinkii uga timi guddida.

Wargeyska Waaheen waxa uu hore idiinku soo gudbiyay doodah ore oo si adag Golaha wasiiraddu ugu kala qaybsameen aaraada arrintaas lagu falanqaynayay, iyagoo ka dareeray maalintaas arrinta oo qabyo ah.

Hase yeeshee Khamiistii u danbaysay Dooda arrintaasi waxa ay isku shareertay cirka, waxaanay gaadhay meel adag oo ay ku kala safteen Golaha Wasiiraddu, inkasta oo aan la hubin in ay dhamaatay Doodaasi oo ay xukuumaddu gaadhay go’aan akama danbaysa ah iyo inkale, hadana waxay u muuqatay mid soo af-jarantay oo lagu kala adakaaday mawqifka loola tagayo Dawladda Itoobiya kulanka soo socda oo dalkeeda lagu balansan yahay.

Saf ka mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland oo uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo waxa ay istaageen mawqif adag oo ay xidhiidhka Ganacsi ee ay Itoobiya la yeelanayaan laba dhinac u kala qaadeen. Dhinaca koowaad waxa ay ku taliyeen in Dawladda Itoobiya wixii qalab ah ee ay Dawladdu la soo dagayso heshiis gaar ah ay labada Dawladood ka wada gaadhaan, iyadoo Somaliland tanaasulka ugu badan u samay naysa Xukuumadda Itoobiya.

Hase yeeshee qoddobka labaad ee Doodoodu waxa uu ku qotomay dhinaca Ganacsatada Itoobiya iyo macaamilka Dekedda Berbera ee aya Xukuumadda Somaliland la yeelanayso, arrintaas waxa ay u arkayeen in aan Somaliland marna gor gortan kala gelin Ganacsatada Itoobiya wixii wax u dhimaya Dakhliga iyo Cashuuraha Dalka, iyagoo ku dooday dhaqaalaha Dawladnimada Somaliland ku dhisantahay in uu ku tiirsan yahay oo kali ah Dekedda Berbera.

Dooda dhinaca kale eek a soo horjeeday Safka Madaxweyne Siilaanyo waxa hogaaminayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar, waxaanay nuxurka Doodoodu u badnayd in Dawladda Itoobiya loo aqbalo wax kasta oo ay ka damacsantahay isticmaalka Dekedda Berbera, waxaanu u arkayay in Itoobiya oo macaamil lagaga yeesho sidii ay Dekedda Berbera Transit ugu marin lahayd alaabaheeda haddii ay Ganacsi tahay iyo haddii aya Xukuumad tahayba Somaliland dan badani kaga xidhan tahay, isla markaana danaha Siyaasadeed ee lagaa helaa Somaliland Qiimo weyn ugu fadhido.

Labadan Doodood oo aad loogu kala aragti fogaa waxa ay horseedeen in Safka Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay ku bateen cod ahaan aragtidoodu in ay tahay ta ka turjumaysa danta Dawladda iyo Ganacsatada Somaliland, waxaanay u muuqatay doodaasi mid lagaga itaal roonaa dhinaca kale ee wasiirka Arrimaha Dibedda.

Madaxweyne Siilaanyo ayay wararku sheegayaan in uu Wasiirka si adag ula hadlay kulankaasi, isagoo ku booriyay Danta Qaranka in uu waxkasta ka hormariyo, balse Wasiir Maxamed C/laahi ayaa u muuqda mid u arkayay shaqadiisu in ay ku wanaagsanaanaysay u dhibirsanaanta Dawladda Itoobiya oo la sheegay caqabado door ah in uu kala kulmay safaradiisii ugu danbeeyay.

Madaxweynayaashii kala danbeeyey ee Somaliland soo maraa waxay markasta ka taagnaayeen xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland u dhaxeeyaa dhinac kasta in uu ahaado mid dhaabad adagi u dhaxayso oo aan si fudud la isugu dhex milmin.

 

 

 

 

Filed in: Waaheen News

You might like:

madaxweyne-siilaanyo Dhegeyso: Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in Shirkii London lagu qabtay ee lagaga hadlayey Maalgashiga Somaliland uu ahaa Mid Guul Somaliland u soo hooyey.
Siilaanyo Madaxweyne Siilaanyo oo Beeniyey inuu ka Tanaasulay Doorashada 2015-ka
cali guray “Ama shakiga mucaaridka ayaa been noqon, Ama qawlka iyo ficilka xukuumada ayaa rumoobi” Cali Guray
boobe “Xisbiga Kulmiye Ee Qabsan Kari Waayay Shirkiisii Golaha Dhexe, Ayaa Aayaha Somaliland Ka Talinayaa Mid Caqliga Galaysa Maaha”Mujaahid Boobe
cali khaliif Cali Khaliif Galaydh oo saaka Buuhoodle ka Duulay, kana qayb galay shir Addis ababa loogu qabanayo Maamuladda Somaliya
maxamud3 Dalladda Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolka Hawd Oo Shahaado Sharafeed Iyo Xeedho Ku Maamuusay Wasiirka Duulista Somaliland

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.