Madaxweyne Maxaad ka ogtahay Caqabadaha Hortaagan Dib u habaynta iyo Tayeynta Nidaamka Garsoorka iyo Caddaaladda Dalka?

18 kii May 2013, Sommaliland waxay u dabaal dagtey Sannad guuradii 22aad ee dib ula soo noqoshada madax banaanideeda. Hal ku dhaga xusak siilyomaalinta qiimaha weyn ugu fadhiya shacabka soomaalilandna waxa uu ahaa “horumar iyo Citiraaf”. Suaasha is weydiinta lehi se waxay tahay sidee loo gaadhi karaa horumar iyo citiraaf? Su aashan jawaabteedu ma fududa. Waxayse u baahan tahay in la qabto hawlo faro badan iyo dadaal.  Si kastaba ha ahaato eh waxa aan muran ku jirin in dhismaha nidaam caddaaladeed hufan oo la is ku halayn karo uu sal u yahay ka  midho dhalinta in Soomaliland hesho horumar iyo citiraaf.  Doodaasina  waxa aan ku salaynayaa sababaahan soo socda:

1.       Si horumar loo gaadho, waxa daruuri ah in ay jirto xaalad nabadeed, ammaan iyo kal dambayn sugan. Taasina suurto gal ma aha hadii aanay jirin nidaam cadaaladdeed iyo garsoor hufan oo ay dadweynuhu kalsooni buuxda ku qabaan.

2.       Horumar si aad u gaadho waxa loo baahan yahay in aad hesho maalgashi la maalgashado ilaha dhaqaale ee wadanka. Si aad maal gashi u heshona waxa aad u baahantahay in aad soo jiidato oo aad ku qanciso shirakadaha waawen iyo tijaarta, gaar ahaanna kuwo shisheeyaha ah ( foreign investors),  in ay maal gashadaan wadan kaaga. Hase yeeshee su’aasha ugu horeysa ee ay is waydiiyaan maal gashadeyaashu waxa ay tahay tan: ma jraa nidaam caddaaladdeed la isku haleynkaro oo dammaanad qaadaya in la maal gasahado Soomaaliland? Sidaasi darted waxa lagama maar maan ah in Soomaliland xaqiijiso dhismaha nidaam cadaaladded iyo garsoor  ay ku qanci karaan kalsooni buuxdana ku qabi karaan maal gashadeyaashu.

Dhismaha nidaam caddaaladded wanaagsani oo ay Soomaaliland yeelato waa baahi taagan manta. Tanina waa qodob ka mid ah ajandahii uu xisbga talada wadaanka manta hayaa uu ku ulooleeyey ee u suurto galisay in lagu aamino talada waddanka. Sida ku cad Qaybta 4aad ee buugga Ajandaha siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu ummadda soomaaliland u balan qaaday in dib u habayn lagu samayn doono nidaamka caddaladda iyo garsoorka wadanka. Madaxweyhana Soomaalinad, Mudne Axmed Maxamaed (Siilaanyo) isagoo ka duulaya ajandaha siyaasdeed ee xisbigiisa iyo kadib markuu ay u caddaaday caqabadaha hortaagan caddaladda iyo garsoorka Soomallailnd, waxa uu muddo yar kadib markii uu xafiisaka la wareegay ku dhawaaqay in uu qaadayo tallaabo kasta oo suurto gal ah oo lagu hagaajinayo garsoorak iyo caddaaladda. Islamarkiibana waxa uu Badhtamihii Bishii June ee 2011kii ku baaqay kulan heer Qaran ah oo uu isgu yeedhay bahda cadaalada iyo wax garadka bulshada, kaasi oo soo bandhigay qorhse shansandood ah oo dib loogu habaynayo Garsoorka/caddallada Soomaaliland. Qorshe hawleedkaasi oo la is laqaatay lana meel mariyay Bishii Sebtember , waxa uu sidoo kale qayb ka yahay Qorsha Qaran ee Horumarinta Soomaalind ee dhawaantan Dawladaa Soomaaliland meelmarisay.

Qorshe hawleedka Shanata sano ee Dib u Habeynta Garsoorku/Caddaaladdu waxa uu ka turjumayay oo uu  diiradda saarey tabashooyinka ay dadweynuhu tabanayaan ee  ku waajahan nidaamka Caddaaladda ee u baahan qaadista talaabo dawladeed oo wax ka qabata gal-daloolooyinkaasi jira siloo xaqiijiyo jiritaanka nidaam Caddaaladeed tayaysan oo ay dadweynuhu kalsoono buuxda ku qabaan. Qorshe hawleedkuna waxa uu ka duulayaa xaqiiqada aan la dafiri karin ee ah in dadweynaha ku nool Soomaaliland ay xaq u leeyihiin in ay fursad u helaan maxkamado ama nidaam kale ooy ku xalistaan khilaafaadkooda; nidaamyadaasi oo ah mid ay sal u yihiin ixtiraamka sharafta iyo xaqa dadweynaha ee u sinaanta sharciga iyo Caddaaladda. Sidoo kalena Qorshe hawleedku waxa uu tix galin gaar ah siiyay wax ka qabashada arimo bulsheedyo saameyn weyn ku leh nidaamka Caddaaladda iyo addeega garsoorka kuwaasi oo ay ka mid yihiin tirtirida musuqmaasuqa, dhamaan noocyada kala duwan  ee adeegsiga awoodda dawladnimo ee aan loo meel dayin iyo takoorka. Si tan loo gaadhona Qorshe hawleedku waxa uu qeexayay hawlo ay tahay la meel mariyo si loo gaadho ujeedooyinka Qroshaha oo ah in la dhiso lana xaqiijiyo in garsoorak Soomallailand noqdo garsoor madax-bannaan, lala xisaabtami karo, waxtar leh,  la gaadhi karaan ( accessable) oo taahna furan (taransparent).  Si loo meel mariyo oo looga madhi dhaliyo ujeedooyanka qorsha hawleedkanna, Waxa la is la qaatay in Wasaaradda Caddaaladdu  hogaamiso meel marinta iyo fulintiisa iyadoo taasi u mareysa wada shaqayn iyo iskaashi hoose oo ay ka wada qayb qaadanyaan  Garsoorka, hay adaha dawliga ah eek u foogan caddalladda, qaybaha siyaasada iyo urur bulshedyada maxaliga ah ee  Soomaaliland.

Xiligii Qorshehawleedka Dib U Habaynta Garsoorka Soomaaliland la soo saaray,  wax ka soo wareegay muddo hadda laga joogo 2 sano. Nasiib daro, waxa manta muuqata in aanu qorshahaasi u fulin sidii loogu talo galay, amaba haddii aan si kale u dhigno wax la taaban karo kama fulin qorshahani. Taasina waxa ay marag cad u tahay in ay jiraan caqabdo hortaagan fulinta qorshahani. Sidaasi darted, waxa aan jecleysanay in aan wax ka tilmaamno caqabadaha iyo dhibaatooyinka hortaagna habsami u fulinta Qorshe hawleedka Dib U Habaynta Garsoorka kuwooda aan is leenahay waa kuwa ugu waaweyn. Caqabadaha aynu tilmaami doonno waxa ka mid ah:

1.      Wasaaradda caddaaladda oon ka soobixin doorkii laga filayay ee isku-duwidda ( Coordination) fulinta iyo meel marinta qorshe hawleedka.

Sida ku cad qorshe hawleedka shanta sanno ee dib u habaynta garsoorka/caddaalada, waxa Wasaaradda Caddaalladda la siiyay doorka agaasimidda ama isku-diwiddaa  fulinta qorshaha, iyadoo taasi u maraysa wada shaqayn iyo iskaashi hoose oo ay la yeelato garsoorka iyo hay’adaha kale ee cadaaladda ku hawlan. Si ay doorkeedan isku duwineed u ciyaartona Wasaaradda waxa looga fadhiyay in ay dhisto Guddi hogaamineed mas’uul ka noqda habayna, isku dubaridka iyo jaan goynta kala mudnaanta fulinta  hawlaha qorshe hawleedka, iyo  hogaaminta habsami u socodka guud ahaanba qorshe hawleedka. Waxa ay ahayd in Wassaraddu, iyadoo kaashanaysa Guddiga hogaaminta Qorshe Hawleedka, ay ka diyaariso mashaariicda iyo hawlaha loo baahan yahay in la meel mariyo si uu  qorshe hawleed u fulo, kaasi oo noqon doona mid loo gudbiyo deeqbixiyeyaasha iyo daneeyayaasha caawiya nidaamka caddalladda iyo garsoorka soomaaliland, si loo helo maaliayadda lagama maarmaanka u ah ka midho dhalinta qorshe hawleedka.

Guddiga Hogaaminta Qorshe Hawleedku waxa xubno ka ah Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Xeer Ilaalinta Guud, Maxkamadda Sare, Guddida Caddaladda,  Ciidanka Booliiska iyo ciidanka Asluubta.  Hase yeeshee Guddidani magac ahaan ayuunbuu u jiraa, hawshii laga filayayna ilaa iyo manta wax uu ka qabtay ma jiro. Sababta Guddigani fadhiidka u noqdayna waxa loo aaneyaa Wasiirka Caddaaladda oo isaga iyo wasaaraddisa uun ku koobay fulinta qorshe hawleedka isagoona iska indho tiray doorka ay masuuliyiinta kale ee garsoorka iyo cadaaladda ee xubnaha ka ah guddigu ay ku leeyihiin hogaaminta qorshe hawleedka iyo fulinta hawlha khuseeya hay’adaha ay mas’uulka ka yihiinay. Taasina waata keentay in Wasiiraka caddaaladda oo ay ahayd in uu meel mariyo doorka isku diwineed ee fulinta qorhse hawleedku uu ku  guulaysan waayo  isla markaana kariwaayo  in uu si joogto ah u  kulmiyo Guddiga Hogaaminta Qorshe Hawleedka. In kasta oo uu wasiirku dhawr jeer isug yeedhay Guddiga, balse nasiibdarro  kulan qabsoomey oo go’aamo la sheegi karaa ka soo baxeen ma jiro. 

                                                          

2.      Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda oo si qaldan u fahmay waajibaadka iyo awoodaha Wasaaradda, tasi oo dhalisa wada shaqeyn  la’aan iyo isfaham la’aan ka dhex jirta wasaaradda caddaaladda iyo garsoorka.

Sida  ku cad  Qodobka 97aad ee Dastuurka Soomaliland Garsoorka waa waaxda saddexaad ee dawalladda, waxa ayna ka madaxbannaantahay laamaha kale ee Fulinta iyo Sharci dajinta. Si madxbanaanidaasi loo ilaaliyo dastuurku waxa uu si cad u qeexay in maxkamdda sare tahay maxkamdda ugu sareysa maxkamdaha dalka, sidoo kalena waxa uu datuurku aasaasey Guddiga caddaaladda oo u xil saran ilaalinta madax banaanida iyo laxisaabtanka garsoorka.

Marka aynu ka hadleyno Madaxbannanida garsoorka waxa mudan in la xuso in taasi ay ku iman karto in aanay hay’adaha fulintu faro galin ama maamulin hawlaha iyo hawl gudahsada garoorka hay’ad ahaan iyo shaqsi ahaanba ( institutional and personnel). Halkan waxa mudan in aan tilmaamno in madax banaanida garsoorka/maxakamdahu aanay suurto gal noqon Karin, hadii miisaaniyada ( Mushaahaarka iyo khrashaadka ) iyo shaqaaleha  maxakamadaha ay maamusho hay’ad katirsan waaxda fulinto. Waayo? In hay’ad amaba mas’uul dawladeed uu si toosa ama si dadban u maamulo ama saameyn ugu yeesho hawl gudashada hay’ad kale iyo shaqaalaheeda, waxa muhiim ah oo aan marnaba laga maarmi Karin in hay’adaasi amaba mas’uulkaasi leeyahay mas’uuliyad gaadhsiisan go’aan ka gaadhista diyaarinta iyo maamulka miisaaniyadda hay’adaasi, iyo maamulaka shaqaaleha hay’addasi.

In kasta oo uu Dastuurka Soomaaliland dhisay Garsoor madax banaan, hadana waxa uu sidoo kale si cad u bayaamiyay muhiimadda ay leedaha wada shaqaynta garsoorka iyo hay’adaha fulinta. Iyadoo taasi laga duulayo Qodobka 106 ee Dastuurku waxa uu qeexay in uu jiridoono xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhaxeeya Garsoorka iyo Wasaaradda Caddaaladda. Sida Ku xusan farqadda 1aad ee Qodobka 106 aad ee dastuurka, Wasaaradda caddaaladu waxa ay u xil saran tahay fulint go’aamada maamul eek a soo baxa Guddiga Caddaaladda. Isla Qodobkan farqadiia 2aad na waxa ay si cad u qeexaysaa in Xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaradda caddaaladda iyo Garsoorka uu noqonayo sida uu qeexo xeer la soo saari doono.  Balse waxa iyana mudan in xidhiidhka wada shaqayneed ee garsoorka iyo wasaaradda cadaaladda aan loo turjumi Karin in ay wasaaraddu leedahay awood dawladeed oo sharciya oo ay si toosa ugu maamusho hawlaha maxkamadaha, sida misaaniayadda iyo shaqaaleha.

Inkasta oo dastuurku damaanad qaaday madax banaanida garsoorka dalka, hadana Maxkamadu may noqon kuwo haysta madax bannaanidooda Dastuurku garsoorka siiyay. Tani waxa ay ka timid habdhaqan laga dhaxley Dawladdii Soomaaliya la odhan jiray, kaasi oo ahaa in Wasaaradda Cadaaladu maamusho Garsoorka. Habdhaqankaasi laga dhaxley Dawaladdi Soomaaliya oo dhaqan gal ka noqday Sommaaliland ayaa  horseedey in Wasaaradda Caddaaladdu ay maamusho missaniyadda iyo shaqaale hoosaadka  maxkamadaha dalka oo dhan, marka laga reebo Maxkamdda Sare, taasina waxay ku yeelatay saameny weyn oo taban islamrkaana wiiqay madax banaanida Maxkamadda/garsoorka:. Tanina waa mid kamid ah sababaha kalifay in madaxwene Siilaanyo iyo Xisbigiisa  kulmiye ay balan qaadaan in ay wax ka qabanayaan kor uqaadista iyo xaqiijinta Madax bananinda Garsoorka. Waana tan ta dhalisay in mid ka mid ah Ujeedooyinak Qorshe Hawleedka Dib U Habaynata Garsoorku noqoto xaqiijinta in Soomaaliland yeelato Garsoor madax-banaan.

Waxa la filyay in Wasaarada Cadaaladu qaado oo garsorka kala shaqayso talaabooyin la gu xaqiijinayo madaxbanaanida maxkamadaha oo islamarkaana lagu dhiso nidaam wada shaqayned oo dhex mara Garsoorka iyo Wassaraada. Hase yeeshee wasiirka wasaaraddu waxa uu qaaday talaabooyin hoos u sii dhigaya Madax banaanida Garsoorka/maxkamadaha islamarkaana   lid ku ah ujeedooyinka Qorshe Hawleedka iyo Madax banaanida Garsoorka ee Dastuurku qeexay. Talaabooyinkaasi uu Wasiirkam Caddaaladu qaaday  waxa ka mid ah kuwan soo socda:

b.      Wasaaradda caddaladda waxa magaceedii loo badalay Wasaaradda Caddaalada iyo Arimaha Garsoorka. Sida aad magacan ka dhandhan san karto, Wasaaraddu waxay ku talo gashay in ay maamusho arimaha garsoorka, oo ay si sidii hore ka sii balaadhan u  maamusho  misaaniyadda iyo shaqaale hoosaadka maxakamadaha dalka, marka laga reebo Maxakamdda Sare. Arintani waxay abuurtay oo laga wada war qabaa khilaaf ka soo dhexbaxa Wasiirka caddaladda iyo Guddoomiyaha maxkamadda Sare. Waxa kale oo iyana ka biyo diidey ujeeddada ku ladhan badalka magaca Wasaaradda caddaaladda masuuliyiin kale oo ka tirsan bah-wenyta Cadaaladda. Muranka iyo khilaafka ka dhashay arintani waxa uu gaadhay heer madaxda garsoorka iyo caddaaladdu warbaahinta ku wada hadlaan.

Ujeeddada ka dambaysa magic badalista Wasaaradda waxa  caddayn u ah Xeer Wasiir uu Wasiirka caddalladdu ku magacaabey isku- duweyaal iyo Madaxa maamulka iyo Missaaniyadda Wassaradda Caddaalada iyo Arimaha Garsoorka ee Heer gobol. Nuqul ka mid ah Xeerka wasiir ee Wasiirka caddaaladdu soo saaray ayaa ah midka ku taariikhsan 10/03/2013 tixraaciisuna yahay  Ref: WC & AG/XW/G-2/ 107/13 kaasi oo uu wassirku ku magacaabay:

1.       Isku-duweyaasha Wassaradda Caddaladda iyo Arimaha Garsoorka ee Gobolada Sool iyo Sanaag; iyo

2.       Madaxda Maamulka iyo Missaaniyadda Wassaradda Caddaalada iyo Arimaha Garsoorka ee Gobolada Sool iyo Sanaag.  

Sida aad ka dheehan karto xeerkan wasiirka caddaaladda ee dusha xu xusan, ujeedada iyo yoolka wasiirku waxa ay tahay in wasaaraddu si toos ah u maamusho misaaniyadda ( sida bixinta kharashaadka maxakamdaha iyo mushaarooyinka garsooreyaasha iyo shaqqale hoosaadka maxkmadaha racfaanada, gobolada iyo degmooinka) iyo maamulka shaqaale hoosaadka maxkamadaahaasi, taasi oo meesha ka saareysa doorkii iyo mas’uuliyadihii maamul ee  guddoomiye-yaasha iyo kaaliye-yaasha sare ee maxakmadaha racfaanada.  Tani waxay sii xoojinaysaa doorka iyo saameynta ay wasaaradda caddaalada oo hay’ad fulineed ahi ku leedahay hawlaha iyo geedi socodka garsoorka, taasi oo xad gudub iyo gaf ku ah madax banaanida garsoorka ee dustuuriga ah. Waxa kale oo ay taasi caddayn buuxda u tahay sida aanuu wasiirka caddaladdu diyaarka ugu ahayn fulinta iyo ka midho dhalinta ujeedooyinka Qorsha hawleedka Dib U Habeynta Garosorka dalka.

t.        Wasiirka caddaaladu waxa uu la soo baxay hab dhaqan ka duwan hab dhaqan kii wasiiradii isga ka horeeyey ay u maareyn jireen dooka wasaaraddu ku leedahay maamulka shaqaale hoosaadka maxkamadha hoose ee dalka. Inta aan ogahay hore u may dhicin, in uu Wasiir cadaaladdaed uu gacan dhaafo Guddoomiyeha Maxkamadda sare iyo Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha oo uu si toos ah ula macaamilo ama talaabo uga qaado shaqaale hoosaadka maxkamaddaha. Nasiib darose, waxa dhacady in Wasiirka caddaaladdu uu tago maxkamadaha oo uu shir u qabto shaqaalaha Maxkamadaha isagoo aan kala tashan lana socod siinin Gudoomiyaha Maxkamadda sare. Waxa ay ahayd dabayaaqadii Bishii Saddexxad ee Sannadkan 2013, markii uu Wasiirka cadaaladdu tagay maxkamadda Gobolka Hargeisa ee uu u qabtay shir shaqaalaha maxkamadahaasi isagoo abaal marino siiyay qaar ka mid ah shaqaalahaasi, halka kuwo kalena uu sheegay in la eryey.  Hab dhaqan kan wasiirku waa fariin kale oo tusinaysa sida aanuu diyaarka ugu ahayn xaqiijinta madax banaanida Garsoorka iyo filinta Qorshe hawleedka Dib U Habaynta Garsoorka Dalka. Waxaana is weydiin mudan sababta uu wasiirku isugu taxluujinayo maamulka shaqaaleha maxkamadda ee aan loo arag qiimeyn iyo abaal marino uu siiyay shaqaalaha wasaaradiisa!!

.

3.      Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddiga Cadaaladda oo Si Weyn uga Gaabiyay Gudashada Waajibeedkeeda Dastuuriga ah. 

Sida ku xusan Qodobka 108 ee Dastuurka Soomaaliland, Guddiga cadaaladu waxay u xil saarantahay magacaabista, la-xisaabtanaka iyo anshax marinta, iyo xaqiijinta madax bannaanida garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha dalka. Markii uu madaxweyne Axmed maxamed ( Siilaanyo) talada waddanka la wareegay, waxa dhagahiisa soo gaadhay una muuqatay cabashooyin badan oo dadweynuhu ka tabanayaan hay’adaha garsoorka. Sidaasi darteedna, madaxweynuhu isagoo ka duulaya balanqaadkiissii ahaa inuu dib u banyan ku samayanyo garsoorka iyo caddaaladda wadanka, waxa uu wax kabadak ku sameeyay hogaankii garsoorka taasi oo horseedey in la magacaabay Xubno ay ka mid yihiin Gidoomiyaha Maxkammadda Sare iyo xubno kale oo Goleyaasha xeer dajintu u soo magacaabeen Guddiga Caddaaladda.

Waxa la filayay in Hogaanka cusub ee garsoorku uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku habsaday garoorka ee dadweynuhu tabanayeen, oo ay sidoo kalena kaalinta kaga aadan ka qaataan fulinta iyo dhaqan galinta Qorshe Hawleedka Dub U Habeynta Garsoorka. Nasiibdaro, Guddoomiyah iyo Guddigu Caddaaladdu wax la taaban karo kama aysan qaban dhibaatooyinkii iyo caqabadihii garsoorka ee laga sugayay in ay xal u helaan, si loo helo addeeg garsoor hufan oo dadweynuhu kalsooni ku qabaan. Tusaale wax inoogu filan in ay jiraan tabshooyin iyo cabshooyin ka imanaya daweynaha oo sheegaya jiritaanka dhibaatooyin hortaagan addeegga garsoorka sida laaluush, dhagysiga iyo go’aan ka gaadhista dacwadaha loo gudbiyo garoorka oo muddo dheer qaata, ku tagri fal mas’uuliyaddi garsoorenimo iyo arimo kale oo lid ku ah fidinta addeega garsoorka.

 Waxa mudan in aan xusno in Guddiga Caddaaladdu, kadib culays ay kusaareen hay’adaha cawiya garsoorka Soomaaliland, uu markii ugu horeysay sooyaalka taariihkeed intii dhidibada loo taagey Qaranka Soomaaliland meel mariyay xeer nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax Marinta Garsooreyaasha iyo Xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliland kaasi oo muhiimad weyn ugu fadhiya garoorka; looguna talo galay in lagula tacaalo tabshooyinka dadweynuhu ka tabanayaan garsoorka, sida kuwa aan kor ku soo sheegney.  Xeer-nidaamiyahan  oo ay guddigu ansixsay 04, Ogosto 2012, ujeedooyinkiisu waxay yihiin in la xaqiijiyo madax banaanida garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha, sidoo kalena loo suurto galiyo Guddiga caddaladda in ay la xisaab tanto garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha: si ujeedooyinkaasi looga midho dhaliyana, xeer nidaamiyuhu waxa uu si cad u qeexayaa waajibaadyada iyo akhlaaqiyaadka laga filayo garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha, iyo waliba ficilada iyo sababaha uu garssoruhu ama xeer ilaaliyuhu ku mutaysan karo talaabo anshax marineed oo noqonkarta in xataa shaqada laga eryo. Hadii Xeer nidaamiyahan sida uu yahay Guddigu u meel mariso oo u adeegsato, waxa hubaal ah in ay guddigu ku guulaysan lahaayeen suulinta laaluushka, ku tagrifalka awoododa garsoorka iyo dhammanba caqabadaha kale ee hortaagn fidinta addeegga garsoorka oo ay sidaasina wadada ugu xaadhi lahaayeen in wadaadnku yeesho garsoor kalsooni buuxda ka haysta dadweynaha uu u adeego, oo islamrkaana awoodi kara in uu bixiyo adeegga garsoor ee ay dad weynihu ka filayaan.

Waxa iyana xusid mudan in Gudoomiyaha maxkamadda Sare iyo xubno ka mid ah Guddiga Caddaaladdu ay warbaahinta si toos ah uga hadleen ugana siidaayeen barnaamishyo ay ku faah faahinayaan Xerr nidaamiyaha aan kor ku xusanay, dadkana ku wacyi galiyeen in ay xafiiska guddiga caddaaladda iyo waaxda Kormeerka iyo dabo galka ee Guddiga Cadaaladda ay usoo gudbiyaan waxii cbasho ah ee ay ka qabaan garooreyaasha, xeer ilaaliyeyaaha iyo dhammaanba bahda garsoorka. Hase yeesho e, Guddiga caddaaladdu xeer nidaamiyahan maysan fulin, kuma aysan dhaqmin kamana ay gudan waajibaadkii uu sharcigu saaray. Si kale haddii aan u dhigno, Xeernidaamyahaasi muhiimka u ah garsoorka ee Guddigu ansixisay waxa uu manta u jiraa magic ahaan kaliya lagumana camal falin. Tanna waxa caddeyn buuxda u ah inuu jiray muwaadin dhawaan ka hadley oo cabashadiisa mariyay warbaahinta oo sheegay in uu jiro garsoore laaluush weydiiyay kuna qasbay in uu bixiyo. Inkasta oo uu Guddoomiyaha Maxkamdda Sare sheegay in ay cabashada muwaadinkaasi baadhi doonaan oo wax ka qaban doonaan si waafaqsan Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax marinta garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha, haddana ilaa iyo manta lama cabshada muwaadinkaasi wax laga qabtay lama shhegin. Sidoo kalena sida laga helayo ilo wareedyo u dhuun daloola hawlaha guddiga Caddaaladda, waxa jira in waaxda kormeerku baadhay cabashoiyin dhan ka ah tiro garsooreyaal ka hawlgala maxkamadaha magaalada Hargeysa oo ay natiijadii baaadhistooda u gudbiyeen Guddiga Caddaaladda balse ilaa maantadaas aan joogno lama arag lamana maqal garsoore kaliya oo ay Guddiga caddaaladdu la xisaabtantey oo laga qaaday talaabo anshax marineed  uu ku mutaystay gef uu ka galay garsoorka.

Iskaba daa in ay ku dhaqmaan oo ay fuliyaan xeernidaamiyaha Anshxa Garsoorka e, Guddigu Caddaladdu waxa uu dhawaan qaaday talaabooyin baal marsan oo gaf ku ah Xeer nidaamiayhan. Talabbadaas xad gudub ka ku ahayd xeer nidaamiyaha ee uu guddigu qaaday waxa ay ahayd go’aan ka soo baxay dhawaan Guddiga oo lagu kala badalay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha maxkamadaha recfaanda, gobolada iyo degmooyinka, iyo ku xigeenada Xeer ilaaliayaha Guud ee gobolada, halka kuwo kalena looga qaadey xilkii guddomiyenimo ee ay hayeen. Go’aankan Guddigu waxa uu si cad u khilaafsan yahay Qodobada 13 iyo 31 ee Xeer nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax marinta garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha, kuwaasi oo qeexaya  sababaha ay Guddiga cadaaladdu xilka gudoomiye-nimo kaga qaadi karto Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanada, Gobolada iyo Degmooyinka, iyo Ku- xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee mas’uulka ka ah Xafiisyada Xeer Ilaalinta ee Gobolada.Go’aankaas guddigu gaadhay waxa uu dadafeeyey ujeeddadii Xeer nidaamiyaha ee ahayd in la sugo madax bannaanida garsoorka: waayo? Waxa aad suurto gal u ah in guddoomiyaha fiicnaa ee shaqadiisa ka adkaa laga badalay goobtiisii uu jeclaa iyo kan marka horeba liitey ee loo soo bedeley goob uu jecleysnayo ay u dhago nuglaan doonaan oo ay fulin doonaan amarkasta oo uu siiyo amaba siiyaan ama arin kasto ka dalbadaan hogaanka iyo xubnaha guddiga xataa hadii ay sharci darto taasi tahay.

Mar haddii Guddiga iyo hogaan koodu ka gab sanayaan in ay baadhaan oo talaabo anshax ka qaadaan xubnaha garsoorka ee laga soo cawdo oo ay sidoo kalena qaadayaan baal marsan yahay xeer nidaamiyaha sida ka aan kor ku tilmaamnay ee gudoomiyayaasha maxkamdaha iyo ku xigeenada Xeer ilaaliyha Guud lagu kala badalay qaarna xilkii gudoomiyenimo looga qaaday, waxa gar ah oo ay tahay in aan idhaahdo Hogaanka garsoorka iyo Xubnaha Guddiguba waxay ku talo galeen in ay ku shaqeeyaan oo  ku saleeyaan  go’aan kooda nin jecleysi, ilaalinta dano gaar ahaaneed ee xubnaha ama in la raali galiyo doonista hogaanka garsoorka iyadoo la iska indho tirayo saamaynta taban ee ay taasi  ku yeelanayso tiirarka aas aaska u ah garsoorka ee la xisaabtanaka iyo madaxbanaanida garsoorka.   Marka aad eegto sida Guddiga Caddaaladdu uga gaabsatay hirgalinta iyo fulinta Xeer nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax marinta garsooreyaasha iyo Xeer ilaaliyeyaashu, waxa si cad u muuqanaysa in aany guddigu diyaar u ahanyn amaba aysan fahamsanayn doorka iyo waajibaadka ka saaran meel marinta iyo ka midho dhalinta ujeedooyinka Qorhse Hawleedka Dib u Habaynta Garsoorka, ee ah in la helo nidaam garsoor madax banaan oo lala xisaabtami karo.

 Asbaabahaasi aan kor ku sheegnay waa tusaaleyaal kooban oo ka mid ah sida hogaaanka sare ee Wassaradda caddaaladda iyo garsoorku ay caqabadda ugu yihiin fulinta Qorshe Hawleedka Dib u Habaynta Garsoorka iyo Caddaaladda Soomaaliland, iyo  ka midho dhalinta balan qaadkii Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliland ee ahaa inuu dhisayo nidaam garsoor iyo cadaaladdeed dadweynuhu ku diirsadaan. Waxa aan isku dayo doona in aan soo bandhigno dhibaatooyin iyo hagardaamooyin kale oo la soo darsay wiiqayna nidaamka caddaaladda iyo garsoorka Soomaaliland oo ay sababtooda leeyihiin wasiirka iyo saraakiisha Sare ee Wasaaradda Gaddaaladda, iyo hogaanka Garsoorka Dalku. Haseyeeshee waxa aan qoraalkan ku soo gabo gabeynayanaa fariin aan u dirayno madaxweynahe jamhuuriyadda Soomaaliland, taasi oo ah in madaxweynaha looga baahan yhay in u u dib u eego habdhaqanka iyo hawlgudashada saraakiisha uu u igmaday hogaaminta Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’adda Garsoorka si uu uga dhabeeyo ama u  xaqiijiyo ka midho dhalinta balanqaadkiisii ku aadanaa dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka garsoorka iyo caddaaladda dalka.

Allaah Mahadleh

 

 

 

 

Filed in: Articles, Sports

You might like:

SiyaadADigaal GUURTIDU MA SHAAMBADDII XIRSIBAA?
gabay Cunno Duub ( Gabay) Abwaan Max’ed Xuseen Jaamac(Xikmaawi)
hamb AROOS WACAN
hambalyo-meher AROOS WACAN
sall Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo Siciid Cali Muuse iyo C/qaadir Iimaan Warsame u magacaabay Komishanka Doorashooyinka cusub
sawir-maqaal HORTA YAAD TAHAY IS SHEEG ? C/Xakiim Hindi ( Qalinmaal)

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.