Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer ilaaliyaha guud oo Seeftu saaran tahay

Hargeysa(Waaheen) warar hordhac ah oo ka soo baxaya Isku-shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo bilaabay ayaa la sheegaya in ay sahayan doonto Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed.

pppppIlo wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyadda ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo buuxinayo xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda sare ka kooban tahay oo dhan 11 xubnood oo ay ka shaqaynayeen oo kali ah shan xubnood.

Magacaabista xubnahan ayaa la sheegaya in ay ku jirto xil ka qaadaista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaasoo la hadal hayo in lagu bedelayo Qareenka Guud ee Xukuumadda Qareen Ibraahim Iidle Saleebaan, kaasoo beeshooda Sacad Yoonis loo balan qaaday kursigaasi, iyadoo uu hore u hayan jiray Oomane oo ay isku beel yihiin.

Sababaha Xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ayaa loo aanaynayaa dibu-habayntii Garsoorka ee Madaxweyne Siilaanyo ku balanqaaday oo socon weyday. Dhinaca kale waxa Beesha uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ka soo jeedo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga oo laga dhigay Cabdi Daahir Camuud.

Magacaabista Cabdi Daahir Camuud ayaa keenaysa in Beesha Ayuub banayso kursiga Maxkamadda sare maadaama marka horeba Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka qaaday Kurisga Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga oo ay lahaan jireen.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa lagu wadaa digreetada u horaysa ee la filayo ee xil ka qaadista ah in uu ku jirayo, hase yeeshee ilaa hada si cad looma oga xilkaas qof ka loo magacaabi doono, inkasta oo ay wararku u badinayaan Beesha Saaxil in Garsoore ka soo jeeda loo magacaabi doono, maadaama Beesha Ciise Muuse aanay ku lahayn masuuliyiinta Xukuumadda Halw asiir mooyaane wax kale.

Garsooraha la hadal hayo ayaa ah Cismaan Ibraahin Bullaale (Fanax) oo hada gacanta ku haya Dacwadda Wargeyska Hubaal, horena u riday Dacwadihii Xukuumaddu dhibanaha ka ahayd ee Boqor Buurmadaw iyo Boqor Raabi, kaasoo la filayo in uu xukuumadda u dhuun daloolo. Jagadaasna uu uga faa’iidayn doono.

Si kasta ha ahaatee waxa loo dhegtaagayaa Digreetada danbe ee hawada ku soo jirta oo laga yaabo inay dhakhso u soo baxdo.

 

Filed in: Waaheen News

You might like:

breaking Wefti ka socda Dalka Suudaan oo ka soo dagay madaarka Hargeysa
fidhinle Waxaa Geed dheer iyo Geed Gaabanba loo fuulay oo foox badan iyo Faal lala hoos fadhiyaa sidii loo xaraashi lahaa ee Dilaal looga qaadan lahaa Dekeda Berbera.‏
CiroWadani20 Maal Mahan Waxaa Soo Baxay Qaar Maryo Cad-cad Oo Wixii KULMIYE ka Baxa weeraraya”Guddomiye Cirro
qor Mucaarid Li’ida Jirtaa Waa Hargeysa Mayd Keeda Ha Sidato!!!
IMG_7421-777x437 Wasaaradda Warfaafinta Oo Xarun Cusub Ka Hirgalisay Gobolka Awdal
Capture Daawo: Telesom oo Dhaqaale ugu Deeqday Sadex Mashruuc oo danta guud ah‏

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2015 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.