Xafiiskii Xidhiidhka Golayaasha oo laga dhigay wasaarad

Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu xafiiskii xidhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda hoos tagi jiray ka dhigay wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha isagoo ku daray in ay wasaaradaasi ka shaqayn doonto Cilmi baadhista iyo Tiknoolajiyada.

ssWasaaradan madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayuu sanadkan ku soo daray Miisaaniyadda 2013-ka iyadoo xafiis ah balse markii Golaha laga Ansixinayay ayaa la isku qabtay waxaanu wasiirka Maaliyadda oo markaa golaha hor joogay sheegay in aanay wasaarad ahayne xafiis uun tahay.

Dhinaca kale, waxa jiray xafiiska ICT-ga ama Tiknoolajiyada oo gaar u taagnaa balse sida muuqata imika hoos iman doona ama noqon doona Waax ka tirsan wasaaradan,

Dhinaca kale, waxa isla digreetada Madaxweynaha ka muuqata in wasaaradii Macdanta, Biyaha iyo Tamarta la qaybiyay oo wasaarad gaar ah laga dhigay biyaha halka inta kalena loo dayn doono wasaarad la yidhaahdo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Filed in: Sports

You might like:

raaligalin Sixid iyo Raaligalin: Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Macdanta
dolar Sarrifkii Lacagaha Qalaad oo markale cirka Isku shareeray, Xukuumadda oo waxba ka qaban kari weyday iyo Saraakiil Lacag loo soo qoray oo Doolar ku Weyday
FADXIYA Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka oo qabtay Shir wadatashi iyo Xog-isweydaarsi ah oo lagu falanqaynayey xaaladda Xuquuqal Insaanka Somaliland
45 Ishii Caalamku waxay dul hogonaysaa Gacanka Cadmeed iyo Baabal Mandab.
xil Badhasaabka G. Awdal oo Xilkii u kala wareejiyey Xoghayihii hore iyo Xoghayaha cusub
farmaajo Madaxweye Farmaajo Oo Somaliland ka dacweeyey Sucuudiga

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.