Wasiir Geel-jire oo kursigii laga qaaday ku kalena an la fadhiisiin

geel jireHargeysa(Waaheen) Wasiirkii hore ee wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland C/laahi Cismaan Geel-jire ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku daray Liiska wasiiradda Xilka laga qaaday, oo waxa uu wasaaradiisii u magacaabay wasiir kale.

Hase yeeshee hadana Madaxweyne Siilaanyo waxa ka muuqata isla Digreetada uu xilka kaga qaaday isagoo Geel-jire ku daray kuwa la bedelay, ha yeeshee meelna hadana looma magacaabin.

Miyay Iu soo socotaa oo Liis danbuu ku jiraa mise sidaasuu kugu daayay Wasiir Geel-jire Bal adba Madaxweyne meelna ma fadhiyo Ninkaasi.

Dhinaca kale, laba Wasiir oo waaweyn oo rug cadaa dhinaca Siyaasadda ku ah ayaa xilalkii wasiirnimo laga qaaday waxaana laga dhigay La taliyayaal waa kuwama? Xaabsade iyo Gacamay, wasiiradii Hawlaha Guud iyo Deegaanka.

Isku shaandhayn tii ugu weynayd ee dhacda intii uu Madaxweyne Siilanyo xilka hayay, wali way socotaa…

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Xassan Rakuub Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 12aad
shir Beelaha Garxajis Oo Hargeysa Ku Kulmay iyo Qodobada Laga Soo Saaray
shil diyaaradeed ndonisia: 38 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed
Maqaal Qoramdii 12aad; Dadku Ma Aha Sida Ay Kuula Muuqdaan!
Kulankii-Mucaaridka-iyo-Muxaafidka Haweenay ka socota Midawga Yurub oo Kulan Xasaasi ah la yeelatay Saddexda Xisbi qaran iyo Dhambaalka Xukumada Siilaanyo ay ka Gudbisay.
wasiir-xirsi Wasiirka Madaxtooyada Oo Dhaliilay Xisbiyada Mucaaradka Ah Kana Hadlay Wadada Ceerigaabo

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2015 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.