Madaxweyne Siilaanyo oo Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Arrimaha Dibeda u magacaabay

maxaHargeysa(Waaheen) Madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa Maxamed Biixi Yoonis u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, halka uu wasiirkii hore ee Wasaaradaasi u bedelay Wasaaradda Ganacsiga iyo iyo Maalgashiga.

Hadaba waa kuma Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibedu

Ergaygii qaramada midoobay u qaabilsana gobolka Darfur ahaana madaxii barnaamijka Midawga Afrika iyo qaramada midoobay ee UNMID ee gobolka Darfur Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ahaana ninka ugu darajo sareeya dunida afka soomaaliga ku hadasha ee qaramada midoobay xil ka hayey wakhitgani marka laga reebo Cabdiraxiim Caabi Faarax oo mar noqday ku xigeenkii xoghayaha guud ee qaramada midoobay,  ayaa la filayaa inuu horaanta bisha July ee soo socota uu ku soo guryo laabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Maxamed Biixi Yoonis oo hadda ku sugna magaalada Newyork ee dalka maraykanka oo uu kaga qayb gallaayey shirka madaxda haayadaha iyo danjirayaasha  qaramada midoobay ayaa wararka ku dhawi tibaaxayaan inuu nasasho ka galli doono dhawaan laba xil oo uu hayey qaramada midoobay iyo ururka midawga Afrika isla markaana la filayo inuu ku laabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaasi oo uu ku biiri doono siyaasadda Somaliland, lana filayo inuu sannadka 2015-ka u tartamo doorashada madaxtinimada Somaliland.

Warar Tibaaxaya Inuu Ku Soo Biirayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dhawaana u tartami doono xilka musharaxa xisbiga KULMIYE

Warar aan la xaqiijin balse ku dhaw dhaw kambuulyada madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya inuu jiro xidhiidh wada hadal oo dhex maray Maxamed Biixi Yoonis iyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyadoo xidhiidhkaasina yahay inuu Maxamed Biixi Yoonis ku soo biiro xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda dabadeedna uu isku sharaxo xilka musharaxnimada madaxtinimada xisbiga Kulmiye, ee la filayo inuu dabayaqada sannadkani ka dhaco caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Warar Tilmaamaya In Maxamed Biixi Yoonis Loo Magacaabayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Somaliland

Wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin, xogo soo ifbaxaya ayaa tibaaxaya in Maxamed Biixi Yoonis loo magacabi doono xilka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah isla markaana madaxweyne Siilaanyo u wakiilan doono wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u socda.

Waa Kuma Maxamed Biixi Yoonis

Maxamed Biixi Yoonis ayaa ah diblomaasi heer sare ah oo u dhashay Somaliland, wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexe ku dhamaystay magaalada Hargeysa, isagoo shahaadada Diploma ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta ee Hargeysa.

sannadahii 1970-naadkii ayuu waxbarasho sare u tagay dalka maraykanka isagoo shahaado sare ka qaatay jaamacadda Harvard University oo uu ku bartay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna isla jaamacadda Harvard University ee dalka maraykanka ka qaatay cilmiga maamulka bulshada, siyaasadda iyo xidhiidhka caalamig ah.

Maxamed Biixi Yoonis wuxuu noqday madaxii maalgelinta ee Baanka horumarinta Afrika, sannadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay agaasimahii fullinta ee hawlgalkii  qaramada midoobay ee Lebnon iyo Israel, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii qaramada midoobay ee magaalada Televiv ee caasimadda dalka Israel, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii xoghayaha qaramada midoobay ee Lebnaan iyo Israel.

Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii haayadda u qaabilsan qaramada midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Israel iyo carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka  waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan gobolka Darfur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha qaramada midoobay ee gobolka Darfur.

Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Darfur, Israel, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, sida xogo ay Halbeegnews iftiiminayso tibaaxayaan waxaa la filaayey inuu dhawaan noqdo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday inuu shaqada caalamiga ah ka nasto oo uu dib ugu laabto Somaliland.

Muxuu Ku Soo Kordhin Kara Siyaasadda Somaliland

Dad badan ayaa aaminsan in haddii Maxamed Biixi Yoonis ku soo biiro siyaasadda Somaliland ay taasi soo dedajinayso in Somaliland aqoonsi buuxda ay bulshada caalamka ka hesho, waxaanay dadkaasi aaminsanyahiin inuu yahay masuul aad looga qiimeeyo bulshada caalamka agteeda, wuxuu badiba la saaxiib yahay hogaamiyayaasha caalamka, jaamacadda Harvard ee dalka maraykanka ayey mar waxay wax ka wada baran jireen madaxweynaha haatan ee dalka maraykanka Barack Obama, wuxuuna ka soo shaqeeyey 22 dawladood oo dunida dacaladeeda ku yaalla.

Ambassador Cabdiraxmaan Muuse Qarami oo ahaan jiray Agaasimahii waaxda siyaasadda iyo arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkii Soomaaliya 1980-naadkii ah, haddana ku sugan dalka ingiriiska ayaa Halbeegnews u sheegay in haddii Maxamed Biixi Yoonis uu dalka hogaankiisa qabto ay soo dedejinayso inay bulshada caalamku u istaagto qaddiyadda Somaliland “waa nin garanaya sida dal Somaliland oo kale ah loo hogaamiyo, 20 sannadood ayuu dawlado burburay iyo goobo halis ah ka soo shaqaynaayey, waa nin sumcad ku leh gudaha qaramada midoobay, albaab kastana si fudud u garaaci kara, haddii Axmed Siilaanyo gartay taasi waa mid la soo dhawayn karo” ayuu yidhi Ambassador Qarami.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa dhashay 1947-kii, waa 66 sanno jir wuxuu leeyahay seddex caruur ah.

 

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

taliyaha Ciidhanka badaha Somaliland Dhagayso: Taliyaha Ciidan Xeebaha Somaliland oo Somaliya Uga Digay inay Sheegato Maamulka Xeebaha Dalka.
askar Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka oo isku dilay dhul
Siilaanyo_murgo Somaliland Waxa Lagu Badbaadin Karaa By Mukhtar Cilmi‏
qor Talooyin ku saabsan aasaaska ciidanka dabdamiska
S5970036 Burco: Xildhibano, Saladiin, Cuqaal iyo Waxgarad Eedeyay Wasiirka Xananada Xoolaha‏
GetAttachment RAYSAL WASAARAHA SOMALILAND OO WARAMAY‏

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.