Isku shaandhaynta la hadal hayo oo dalka ka abuurtay hadal hayntii ugu badnayd

qorrrIlaa hada lama oga qorshaha uu Madaxweyne Siilaanyo ku feegan yahay ee la xidhiidha hadal haynta in uu Golihiisa Wasiiradda ku samaynayo isku shaandhayn isugu jirta xil ka caydhin iyo magacaabis mansabyada kala duwan ee Xukuumaddiisa, hase yeeshee waxa soo baxaya walaahow dadka qaarkood ka soo waajahay arrintan oo ay ka mid yihiin kuwa Xilalka haya iyo kuwa raajicinaya labadaba.

Wallow aan si rasmi ah loo ogayn goorta iyo tirade ay saamayn doonto arrintani hadana ilo wareedyada suuqa la isla dhex marayo ayaa tibaaxaya masuuliyiinta saaxada ka bixi doona iyo kuwa soo geli doona wakhtiga dhaw ee farta wadnaha lagu wada hayo.

Tibaaxaha ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qasriga Madaxtooyadda looga yeedhay rag badan oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Madaxtooyadda xiligii Marxuum Cigaal Jaamac Saalax, Wasiirkii Duulista Hawada Wakhtigii Rayaale Cismaan Xasan Mire, Wariye Ducaale, Maxamed Xuseen Mu’adinka, iyo Wakiilka Addis ababa u fadhiya Somaliland.

Sidoo kale waxa la hadal hayaa rag kale oo Telefoono iyo Farriimo lagula xidhiidhay, kuwaas oo qurbaha looga gacan haadiyay oo uu ka mid yahay Maxamed Biixi Yoonis oo ah sarkaal ka shaqeeya mashruuca Qaramada Midoobay ka wadaan Dalka Koonfurta Suudaan ee Daarfur.

Lama oga ragan xilalka loo dhiibi doono, hase yeeshee tuhunada laga qabo kulamada loogu yeedhay ayaa wax aka mid ah in Cismaan Xasan Mire lagu bedelayo wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur oo la hadal hayo in uu hore u codsaday in laga bedelo Wasaradda Warfaafinta. Abiib lama oga jagada loo bedeli doono, hase yeeshee ilo wareedyo madaxtooyadda u dhuun daloola ayaa sheegaya in loo magacaabi doono Wakiilka Jabuuti.

Maxamed xuseen Mu’adinka oo ah Guddoomiyaha Jamada Alpha oo ka soo jeeda beesha Wasiirada Aw-qaafta iyo Cadaaladda ayaa la filayaa in mid ka mid ah kuraastaas lagu fadhiisiiyo, wallow dadka qaarkood oo u dhuun daloola xidhiidhka isaga iyo xukuumadda ka dhaxeeyaa aanu buurnayn, hadana waxa jira sida la hadal hayo in Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo ay aad isugu dheer yihiin badka soo dhigay, iyadoo loo aanaynayo in uu beeshiisa saamayn badan ku leeyahay, wakhtiyadan danbena xiisada beesha iyo xukuumaddu kacsan tahay.

Jaamac saalax ayaan la garanayn ilaa hada kursiga loo qoondeeyay, hase yeeshee warar ayaa sheegaya in loo dhiibi doono wasaaradda Waxbarashada oo loo kala saari doono laba wasaaradood oo kala ah Waxbarashada iyo tacliinta sare in loo dhiibi doono Tacliinta sare, iyadoo Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare ee wasaaradaasi ay isku beel yihiin.

Aadan Nuux Dhuule oo ah xubnaha ugu dhaw qasriga Madaxtooyadda ayaa la hadal hayaa in laga dhigi doono xafiiskii Wasiir Xirsi Golaha Wasiiradda ka soo fuulay ee Chief of Cabinteka, halka Saaxiibkii Ducaale oo ay isku wariyayaal ahaan jireen isna lagu wado in uu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland, kursigaas oo aad loo tabey.

Wasiir Geel-jire ayaa wararka soo baxaya farta ku godayaan in uu salaanka ka siiban doono, iyadoo wararka ugu badan ee soo baxayaa sheegayaan in uu sahayan doono Proff Axmed Ismaacii Samatar oo uu gacan yare u ahaa mudadii uu dalka ku sugnaa, kaasoo aanay Xukuumaddu mahadin soo dhaweyntiisa gaar ahaana markii laga waayay wixii laga filayay oo ahayd in uu qadiyadda Somaliland si toos ah u taageero.

Ilo wareedyadu waxay hadal hayaan in Wasiir Geel-jire kursigiisa la siin doono Cali Maxamed warancade, balse Cali Xilka loo dhiibayo ayaa isna lagu sheegayaa  dhanbal ka mid ah wasaaradda Arrimaha Gudaha oo loo kala qaadi doono Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada iyo wasaaradda Arriamaha gudaha.

Wasaaradan la kala dhanabalayo waxa la sheegayaa wasiirka haysta Maxamed Nuur Caraale Duur in laga qaadi doono, iyadoo la hadal hayo in uu dhaafi doono Golaha iyo in uu ku sii negaan doono oo la geyn doono Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo ay dadku aad ula jecel yihiin.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa isna la hadal hayaa in uu ka mid noqon doono wasiiradda la weydaarin doono xayndaabka hase yeeshee ilaa hada ma cada cida beeshiisa ah ee ay xukuumaddu dhigi doonto halkiisa.

Wassiiradda Maaliyadda, Madaxtooyadda iyo Arrimaha dibeda ayaa iyaga laftooda dadweynuhu waxay ishaarayaan in meelaha ay joogaan laga rari doono hase yeeshee ilaa hada way ku kala afkaar duwan yihiin dadku, oo xog iyo saadaal midna kama hayaan inkasta oo warar hoose sheegayaan in Hogaanka Xisbiga lagu wareejin doono oo ay isku noqon doonaan Guddoomiye iyo ku-xigeen.

Halka Maxamed C/laahi isaga farta lagu godayo Daarfuur in ay liqi doonto, wallow Masuulka daarfuur looga gacan haadiyay la leeyahay waxa uu ka dhaxeeyaa UCID iyo Kulmiye oo wali iskumaba luga duwan ee lab aka dhaxeeye ayuu ku jiraa, laga yaabo Maxamed C/laahi in uu ku sii negaan doono Kursigiisa.

Maxamud Xaashi, Cali Siciid Raygal, Gacamay ayaa la hadal hayaa in au kuraastooda rag beelahooda ahi kulaalayaan laakiin ilaa hada lama hayo in uu Madaxweyne Siilaanyo uga kicin doono iyo inkale.

 

Si kasta ah ahaatee saadaasha ay dadku ka bixinayaan Isku shaandhaynta dadka wareerisay ayaa la filayaa in uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo daawaha ka qaadi doono, waliba maaha goor sii fog, waxa la filayaa in uu ugu wan qalo sanad guuradiisa sadexaax ee uu talada Dalka shookaanta u hayay oo ku began Bishan July.

 

 

Filed in: Sports

You might like:

cc Madaxweyne Xassan Sheekh oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliya u Magacaabay Garyaqaankii Guud ee Somaliland
bile Wuxu ku yidhi, Dalkaaga Soomaaliland, Distoorkaaga iyo Dawladnimadaadu waa xaraan? Waxaanu kuu raaciyey, haddii ad Dawladnimadaa iyo Distoorkaa taageertana, adaa xaaraan ah. Bal adigu shakhsiyan inta ad shawrto, isweydii waxa ad uugu jawaabeyso muwaadinkaasi. Waa wadaadkii 6 sanadood horteed Hargeisa uuga ololeynayey doorshada shakhsi uu wato oo meel kasta u marey ololahaa. Iminka oo uu hal shakhsi iyo hal xisbi diidanyahay, ayaa halkii uu waxa uu qoonsadey sheegi lahaa, ku waramey in distoorka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliland ba xaaraan tahay, maadaama ay dimuqraadiyad ku saleysanyihiin. Alla Wadaadkaasi faanweynaa. Sheekhow meeshan lama kala dooranayo Ilaahey Subxaanahu Wa Tacaala iyo Soomaaliland. Umadda reer Soomaaliland Ilaahey wey balameen iyaga oo aan wadaad iyo sheekhtoona u dhexeynin. Soomaaliland jiritaankeeda waxa ay tiir uuga dhigatey Tawxiidka Alle. Calankeeda ayey ku qoratey distoorkeedana wey ku xaradhey Inaan Ilaahey Mooyee, Ilaah kale Jirin, Muxammed-na uu Yahay Rasuulkii Ilaahey. Haddii doorkan aanu doorasho ku jirin raggii ad u ololeyneysey, waxay aheyd uun inad ra’yigaaga cabbirto oo ad tidhaa hebel uuma codeynayo. Mey aheyn inad kitaab uugu soo gabato oo ad kuuliga iyo caanadiiqda Baqo-Maasho. Maqasha ayaa marka ay yara korto ee ay orgi ismooddo, ku boodbooda hooyadood oo orginimada ku barta. Wax kale ma sameeyaan ee, wey ka daba qeyliyaan qeyliyaan hooyadood. Wadaadku haddii uu rabo inu soo can baxo, waxa u habooneyd inu tago golayaasha culimada Islaamku ku doooddo. Waxa u habooneyd inu qoro buugaag laga faa’iideysto oo isagana lagu xusuusto. Waxa kaloo u habooneyd inu la rafiiqo culimada kale ee diinta iyo nolosha is qabadsiiyey ee wax laga faa’iido, sida Sheekh Dirir iyo Sheekh Mustafe. Mey aheyn inu Soomaaliland tii isaga wax ka dhigtey ku khudbad barto. Wadaadkii Hargeisa ka hadley, waxa u soo jawaabey wadaad Xamar jooga. Waa wadaad 15 sanadood ku nool dhuumasho. Wey ku adagthay inu si nabad ah ku maro dhulkii uu ku dhashey ee uu u ku korey. Waxa uu in badan warbaahinta kala hadley dadka ka soo horjeeda fikirkiisa iyo wacdigiisa oo uu kula taliyey inaaney fawdada iyo dhiigga muslinka xalaashan. Sheekhani waxa uu leeyahay cadaw badan oo u badan cadawga Islaamka oo diidan aqoonta wanaagsan ee uu sheekhani fidinayo. Sidaasooy tahay, sheekhan HINAASE iyo XIN ayaa hadlkiisa ka muuqda. Sheekhani waxa uu ku soo taliyey, fitno hor leh isaga oo ku talinaya in dadka reer Soomaaliland xukunka gacantooda ku qaataan maadaama ay dawladdii ka gaabisey oo ay gaaladii la dagaalami laadahay. Waxa uu sheekhu si dadban u leeyahay dadku ha kaco oo dawladda hala tuuro, taasi oo dhalin karta in nabadda iyo nidaamku burburo. Sheekhani dhowr goor ayuu Soomaaliland yimid oo uu wacdi wanaagsan ka jeediyey oo dadku u soo baxey oo lagu ammaaney oo uu wax faa’iideeyey. Muxuu ka heleyaa tolow , haddii dawladnimada Soomaaliland burburto. Muxuu ka heli 5 malyuun oo qof oo dagaal iyo qax ku noolaada. Dhibaato miyaaney uugu filneyn waxa maanta Muqdisho ka dhacayaa, ee uu u seexan waayey gurigiisii wadadana u mari waayey isaga oo aan ciidan ilaalineyn. Haddii ay fawdadu dhacdo, waxa qiil heleya cadawga islaamka oo fursad u helaya iney dalkeena ciidamo soo geliyaan oo ay dadka xasuuqaan iyaga oo ku marmarsoonaya argagixiso ayaan la dagaalameynaa. Kuwaasaa dadka xasuuqi oo hablaha kufsan. Waa waxa ka dhacaya Soomaaliya maanta. Soomaaliland weli mey gaadhin heer la yidhaa waa dawladnimo buuxda oo aan wax u dhinneyn. Adduunkana ma jirto dawlad dhameys tirani. Balse intii dadaalkeeda aheyd, Soomaaliland wey dedaashey, inta ka dhimanna waxa laga sugayaa umadeeda inta aqoon iyo diinba baratey oo la rabaa iney halkaa ka sii qaadaan oo ay gaadhsiiyaan heerkan iminka la joogo heerka ku xiga. Culimada iyo aqoonyahaynka dadka u dhashey waa kuwa uu dalku ku fadhiyo. Maantaba waa kuwaa ka jawaabey ee muujiyey iney dalkooda iyo dadlkoodaba taageersanyihiin. Midhimidhka leexdana haloo caqliceliyo. Alla Mahad leh Maxamed Cali Bile Aqoonta U Adeegta Nolosha qorane.bile@gmail.com
G2A-Consortium-Members Telesom oo ku Guulaysatay inay Ogolaansho rasmi ah u hesho Adeega G2A ee Internet-ka iyo shirkadda Jabuuti Telecom oo dar-dar galisay Adeega DARE
IMG_20160503_231630 Premier Bank oo Shalay ku Daahfurey Magaaladda Hargeysa Adeegyo ku cusub Waddanka
DSC_0002 (1) Kulan loogu Diyaar Garoobayey 18-MAY oo Qasriga Madaxtooyada ka Qabsoomay
998+ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Beeniyey in loo Diiday Fiisihii Waddanka Maraykanka

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2016 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.