Wasarada Ciyaaraha oo Abaalmarino kala Duwan gudoonsiisay Shirkado iyo Ciyaaryahano.

ggHargeysa (Waaheen) Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa Maanta Abaal marino kala duwan guddoonsiisay dhammaan shirkadihii  iyo Dadkii ka qayb qaatay Dardargalinta ciyaarihii gobolada ee Somaliland ee dhawan dhamaaday.

Munaasibadan oo ay soo Diyaarisay Shirkada Dahab-shiil Group ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo Agaasimay, waxaana hadalo ka jeediyey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxman Saylici, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi, Wasiirka Maaliyada somaliland Cabdicasiis Maxmed Samaale, wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada, iyo Masuuliyinta Shirkada Dahab-shiil Group iyo dadweyne aad u badan iyo ciyaaroyagii tartankaasi ka qayb galay shirkada Dahab-shiil Group ayaa Abaalmarino kala duwan Guddoonsiyey Shakhsiyad kale duwan oo ka qaybqatay hawlihii ciyaaraha.

Agaasimaha Guud ee wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaraha Mustafe Qodax oo ugu horeyan halkaasi ka hadlay ayaa u mahad Celiyey Dhammaan Dadkii ka Qaybqaatay Dardargalinta Ciyaarihii Gobolada waxaanu Xusay in wasaradoodu ku guuleystay in ay mar walba ka gudbaan wixii caqabado ah ee ka horyimada.

99Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixii Cabdi oo Isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Tartankii Ciyaaraha Gobolada ay Dalkeena Somaliland qiimo weyn ugu fadhiyeen oo ay hoosta ka Xariiqayso sidda aynu wax u wadda Qabsanyno, wax kale oo uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in Dhincayada Caafimadka, Waxbarashada, Shaqaalaysiinta dhalinayrada iyo waxqabad kale oo baaxadle ay qabteen muddadii Saddexda Sanno ahayd ee Xilka hayeen, Wax kale oo uu dhalinyaradii goobta iskugu Timid ee kala socotay Gobolada ugu baaqay in ay iska jiraan Qabayaalda oo uu sheegay in anay faa’iido lahayn, waxa kale oo uu u mahad celiyey Xulalkii ku guulaystay Tartankii Ciyaaraha Gobolada.

Madax Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkada Telesom Maxamed Cabdi (Darbo) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in Kubadu tahay Xidhiidhka Is dhexgalka Dhalinyarada loona bahan yahay in wixii Xidhiidhka Wiiqaya laga ilaaliyo. Waxaanu yidhi “Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Goboladii ku guuleystay Tartanka Ciyaaraha Gobolada Jamhuuriyada Somaliland oo kala ah Gobolka Maroodijeex oo ku guuleystay Koobkii Kubada Cagta iyo Xulka Gobolka Gabiley oo ku guuleystay Koobkii Baaskidboolsha, iyo Gobolka Daadmadheedh oo ku guuleystay Tartankii  Oroda, waxa  kale oo halkan ka Salaamaya Ciidanka Booliska oo iyaguna si fiican hawsha Nabad gelyada u gutay,  Runtii Shirkada Telsom waxay ku guulaystay in si toos ah ay Caalamka ugaadhsiiso Ciyaaraha Gobolada oo laga daawado meel kasta oo caalamka ka mid ah.”Ayuu yidhi

Gudomiye Ku-xigeenka Shirkada Dahabshiil  Cabdi faarax Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shirkada Dahab-shiil Group ay Dib u dhis balaadhan ay ka fuliso Garoonka Ciyaarah ee Hargeysa oo uu sheegay in lacag badan ay ku bixiyeen Dib u dhiskiisa, waxaanu ku nuuxnuxsaday Sidda ay Heeganka ugu jirto  Shirkada Dahab-shiil in bulshadeeda ku celiso faa’iidada ay hesho waxaanu yidhi.

44“Garoonkii lagu ciyaarayey Kubada Cagta waa garoonka ugu baladhan Dalkan Somaliland, marka shirkada Dahab-shiil wax ay Bixisay Dhamman Kharashkii ku baxay Dib u dhiska iyo Casriyeynta Madarkaasi oo runtii noqday mid la jaanqada garoomada caalamka, runtii shirka Somtel waxay Telefeshinada Somaliland sii say oo ay u fududeysay in si toos ah Caalamka looga daawado ciyaarihii ka dhacayey Magaalada Hargeysa oo laga daawado meel kasta oo caalamka ka mid ah, runtii Shirkada Dahab-shiil Group wax ay Macaamisheeda mar walba ku celisaa Faa’iidada ay ka faa’iido dadkeeda waana caddo ay shirkadu leedahay in dadkeeda wax ku celiso, Marka Dhalinyaro intaasi leeg ay isku yimadaan wax ay ka turjumaysa nabada iyo is dhexgalka dalkeena ka jirta.”Ayuu yidhi.

Wasiirka Wasarada Maaliyada ee Somaliland Cabdicasiis Maxmaed Samaale ayaa isaguna ka hadlay faa’iidada ay bulshada ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyarada waxaanu sheegay inay isku bartaan oo ay xidhiidh halkaasi ka bilaabaan, wax kale oo uu u Hambalyey Xulalkii Qaaday kobabkii ee Hargeysa iyo Gabiley. waxanu yidhi “Runtii Sanadkan wax noo surto gashay in aanu dhisayno wasaradii dhalinyarada iyo ciyaaraha oo ay xukumadu ku guuleystay in ay dhisme cusub u dhisto, Runtii waxaan illahay ka Baryayaa in uu sanadka soo socda in suurto galiyo in Garoonka lagu ciyaarayo kubada cagtu  uu noqdo, Garoon caalami ah oo daaqi iyo Doogii lagu beero oo caalamka laga daawado.”Ayuu yidhi Wasiiku.

88Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland Cali Siciid Raygal oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasarada Ciyaaruhu ku guuleysatay in ay qabatay ciyaarihii gobolada oo uu sheegay in si nabad ah u dhacday, waxa kale oo uu mahad celiyey dhammaan shirkadihii ka qayb qaatay hirgalinta Ciyaaraha gobolada dalka.

Gabogabadii wax halkaasi ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa ku dheeraday qiimaha ay leeyihiin ciyaaruhu waxaanu bulshada somaliland ugu baaqay in ay ka shaqeeyan horumarka, waxa kale oo uu hambalyo u Ciyaartooyadii kala duwan eek u guulaystay Ciyaaraha kala Duwan.

Dhanka kale Wasarada Dhalinayrada iyo ciyaaraha ee Somaliland ayaa Baabuur nooca raaxada ah oo shirkada Dahab-shiil ku deeqday u qaybisay Saddex Ciyaartooy oo mid walba dhaliyey Afar Gool oo ka kala socday Xulka Gobolada Daad-madheedh, Sanaag, iyo Hargeysa, isaga oo uu sheegay in ay cadaaldu ku jirto in si siman loogu qaybiyo saddexda Ciyaartooy ee isku Goolasha ah.

Filed in: Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

IMG_0242 Xaflad lagu Taageerayo Musharaxnimada Xasan Gaafaadhi oo lagu Qabtay Burco.
farx WAX KA BARO WADOOYINKA GUUSHA KEENA ISKUNA DAY INAAD KU DHAQANTID QAYBTII 2AAD. W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
wasiir Wasiiradda Arrimaha Dibeda iyo gudaha Somaliland oo Addis ababa kaga qayb galay xafladda xuska dhalashada Boqorada Ingiriiska
131 Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo gaaray magaalada Adis Ababa ee Itoobiya
99 Haweenay Macalimad ah oo Taliyaha Aaga Barri ee Booliska ku Eedeysay in uu kula Kacay Tacdi labba Cishona ay sharcidaro ugu xidhnayd.
kulmiye22 Guddida Qaban qaabada oo si rasmi ah ugu dhawaaqday wakhtiga uu qabsoomayo shirweynaha kulmiye.

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.