Somaliland ma Guwaatanaamo ayay noqotay? Faallo

xabsigaXabsiga Guwaatanaamo oo ku caan baxay in lagu ururiyo dadka Reer Galbeedku u yaqaanaan Argagixisada ama Xag-jirka ayaa ah xabsi dunida oo dhan farta ku fiiqday sharcinimadiisa, markii si shuruucda Caalamka ka baxsan loogula dhaqmay dad daafaha dunida laga soo ururiyay iyada oo an Garsoor la horgeyn intooda badan.

Wali xabsigaasi wuu sii furan yahay sida dhawaan laga baahinayay warbaahinta, iyadoo dadka ku hadhay ay tiradoodu gaadhayso ilaa boqol iyo lixdan, kuwaas oo wali dawladaha caalamku ka bixinayaan dhawaaq dheer oo ay ku dhaleecaynayaan sababta loogu sii hayo.

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama waxa uu balanqaaday wakhtigii Ololihiisa in uu albaabada u laabi doono, hase yeeshee balanqaadkaasi sidiisii umuu fulin, wallow uu maxaabiistii ku jirtay qaarkood sii daayay, hadana maaha mid sidii la rabay loo suuliyay.

Taas bedelkeeda Dawladdaha Maraykanka iyo Ingiriisku waxay u muuqdaan in ay xeelad kale xabsigaasi Dunida dacaladeeda uga samaysteen, iyagoo ka carbistay wadamo badan oo ay saamayn ku yeesheen ciidamo khaas oo uu hawlgalkii dadka guwaatanaamo lagu gayn jiray oo kale wada.

RRU iyo SPU, oo dhawaan ku sii biiray ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa u  muuqda kuwo qayb ka ah qorshaha Dawladdaha Maraykanka iyo Ingiriisku u adeegsadaan qorshaha la dhalan rogay ee Guwaatanaamo, waxaanay Somaliland ka fuliyaan hawlgalao ilaa hada dadka lagu qab qabto aan sharciga la horgeyn, iyadoo lagu xabiso meelo aan saldhigyo ahayn mararka qaarkood.

Ku xabisida dadka la qab qabto lagu xabisayo meelo gaar ah isla markaana la haynayo muddo aan la garanayn, waxa ay Somaliland ku soo kordhisay walaac la mid ah kii Guwaatanaamo dunidu ka muujisay, ilaa hadana ma jirto saamaynta ay Xukuumadda iyo Garsoorka Somaliland ku leeyihiin arrintan.

Taliyaha Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo doraad saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay tobaneeyo qof ka qab qabteen Dalka, hase yeeshee muu sheegin cida qab qabatay iyo sababta loo qab qabtay, iyo mudada sharci lagu horkeeni doono.

Qaar ka mid ah dadka la qab qabtay ayaa muddo shan bilood ah xabsiyada isaga jira, qaarkoodna maraan mar iyo waraysiyo meelo lagaga qaaday aan la garanayn kadib siyaabo bahdilaad ah ayaa Xorriyadoodii loogu celiyay. Iyadoo aan ilaa hada wax garawshiiyo ah laga bixin, marka laga reebo gabadh Borama laga soo qabtayaa dhawaan oo $700 loo siiyay sahay ay ku noqoto.

Dhacdooyinka iyo facaa’ilka Ciidamadda hawlgaladan wadaa ku dhaqmaan iyo qorshaha ay fulinayaan dawladaha samaystay waa kuwo Somaliland ku soo leexin kara Indhaha kooxaha Somaliya Nabadgelyo darada ka wada, maadaama ay bisad iyo Jiir isku yihiin.

Sidoo kale, Xabisaada Budhcad badeeda ayaa la mid ah kuwa Argagixisada, waayo labada qoloba waa kuwo ay dagaal toos ah kula jiraan dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku, xabsiyayntooda Somaliland sida ay sheegtay waxa ay ku bedelatay mashariic hase yeeshee mashaariicdii ilaa hada wax ka fulay oo faa’iido ah oo ay Somaliland ka heshay ma jirto, waxaana ugu war danbaysay iyadoo Madaxda Hawshaa ku mashquulsani ay ka dar daar warinayeen.

Faa’iido la’aanta Xabsiyaynta dadka la xidh xidhayo waxa ugu danbeeyay Guul darada ay Somaliland kala kulantay shirkii ugu danbeeyay ee Faransiiska oo aanay ka qayb gelin kadib markii UNDP iyo Dawladda Faransiisku is hortaageen Dal ku galkii weftiga Somaliland ka tagi lahaa.

Si kasta ha ahaatee Somaliland waxa ay dad badan isweydiinayaan ma waxay noqotay Guwaatanaamo oo kale, maadaama dadka la qab qabanyo isla markaana aan sharciga la horgeynayn, taasoo baal marsan qawaaniinta Caalamiga ah.

Filed in: Sports, Waaheen News

You might like:

dhuxul Dhagayso: Afhayeenka Madaxtooyada JSL oo beeniyey wararka suuqa ku jira ee isku- shaandhaynta Madaxweynuhu soo wado.‏
images Jadeeco ka dilaacday Deegaanka Qurilugud.
iid jciiiiiiiir Xukuumadda M/weyne Siilaanyo Waa Tii Ugu Musuqmaasuqa Iyo Eexda Badanayd, Waxaanan Leeyahay Haka Noqoto Sharci Darada Ay Ku Iiibinayso Warshada Laydhka Ee Hargeya…. Muj IID JICIIR
duqa Dardaraankii Maayarka Iyo  Dabuubtii Guddida Ee Gabo-gabada Wajigii Koowaad Ee Jidka Ceerigaabo
jid Qeybaha Dhismay Ee Jidka Ceerigaabo Oo La Soo Bandhigay
News Khilaafka Madaxda Kililka shanaad oo Jiitamaya iyo labada garab oo Loolankooda taageero uga raadsaday Addis ababa iyo Herar

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.