Isbedelka Umaddu Higsanayso Qaybti 6aad By Mukhtar Cilmi‏‏‏‏‏‏

Waxaanu ki jirna sanaad ay siyaasadda dalku ku jirto muran iyo mulaaq, Waxa sanadkan dalka xukumaayey welina xukuma madaxweyne 4 sanno hayay kaas oo ah axmed silaanyo, aan haysan kalsoonidii ummadda maanta waagi ku helay doorashaddi 2010, weliba guux iyo  goolaftan u dheer tahay xukuumaddaisa maanta jirta, sanifaad badan, daandaansina wehesho wadatona, waxa la  maroor saday taladii ay ahyed in dib ummadda loogu celiyey amni la’aan iyo siyaasad xumo.

 

Waxaynu nahay dal dimuquraaddi ah, haddana awooddii shacabku ay ka maqantay,ma jiro cid xaq u leh inay xilkii loo dhibtay kordhisato, ilaa ay u kordhiyaan ciddii xilka u dhiibatay kuwaas oo ah shacabk somaliland !. haddaba waxa la yaab leh in shacbigii doortay Madaxweynahu aan dib waxba loo weydiin oo ay dawladda laga saadalinayo inay ku socoto talabada muddo kordhin loo wado madaxweyne silaanyo waxaasna xaaranti laftiisu ka cabaadi jiray waagi tii Daahir riyaale.

 

Xil gudasho la’aan ayaa lagu abaal mariyaa muddo kordhin waana runt taaso, maamul dimuquraadi ah waxa ugu weyn waajibaynaya qabasho doorasho xaq ah oo xalaal ah, laakin siday ay maanta tahay xaalado ila maaha in musharaxa xisbiga kulmiye madaxweyne solaanyo gali kara doorasho iyaddo kalsoonida shacabku u badan yahay dhanka xisbiyadda mucaaridka gaadh ahaan xisbiga Waddani oo kasbada maalin walba taageeryaal iyo ixtiraan mudan, shacabkuna sida loo wada ogsoon yahay wuu u diyaarsan yahay doorashadda 2015 mana ogolaanayo dib u dhac ku yimaada .

Waxa arrintan igu kalifay inan ka hadlo maanta markan arko Madaxweynehu kolba ku cilenaya anigaa  doorashooyinkii hore dhigay oo ka qayb qaatayna waana diidanahay in dib loo dhigo !!, taas oo macnaheedu yahay inay tahay arrin aan waajib ku ahayn ee sida uu u arkaa tahay mid ogalaan shahiisa o on ku meel maraysa uun ,arinkan waa xaqiiqd dastuurka ka fog, waxayna ka dhigantay xilka aad ii dhiibteen kolka aan doono ayaan ka dagayaa !! dhammaadkiisana aniga isu haya, Ma aha mid gorgortan iyo ogolaansho looga baahan yahay waa mid dastuurtka ku cad inay qabsoonto muddo xadidan doorasho walba, Mana aha mid uu ku faani karo Madaxweynehu la doortay oo waajibkiisa ayey tahay in wakhtigiida dhacdo.

 

 

Xusuusta sanadkan 2014 aan ku soo kobo dhacdooyinkiisa sanad badbaado, sanad dhibaatooyin siyaasadeed, sanad sharci  jebin, sanad dulqaadasho badan, sanad dadweyne u gurmaday badbaadinta qaranka, sanad hogaanka dalku khatar badan dalka galiyey, sanad Golahii Wakiilada shacabku doortayn khilaf laga abuurinayay oo ay xukuumaddu dabada ka waday , kumananka dhalinyaro oo ka tahariiba dalkoodo kuna kaliftay shaqo la’aan iyo mustaqbal xumo awgood, ardaydii jaamacadda hargeysaa oo rasaas lala dhacay oo ay dhimasho iyo dhawac jiray baa, siyaasiyiin la ogaadhsanayo .

 

Waxuu yahay Sanad Madaxweyne axmed silaanyo lagu dirqiyey inuu candhuuftiisa dib u liqo !! ilayen xaalku ma sahalana , laakin waxaan u sheegeya kuwa ku fakaraya in muddo kordhin loo samiyo madaxweyne silaanyo oo ugu horeyo gudomiyaha guurtida saleebaan gaal cidna uma joojinmaayno doorashaddana way dhici doonta waana xaqa muwaadiinnta somaliland ay leeyihiin, waxana xigta wadatashi waana la tolay rabitaanka shacabweynaha, mawqifka axsaabta qarankuna waa cad yahay inay dhacdo wakhtigeeda weeyey, marka waxa hor yaala madaxweyne silaanyo inuu doorashadda wakhtigeeda galo oo soo tartamo maadama oo xisbigiisu u marayo marxalad xun oo saadalinaysa doorasho u galo silaanyo waa mid ku dhici doono dhowr asbaabood awood ,oo ay taa ugu weyn tahay taageeryaashi shalay doortay u taageeradoodii siiyay mucaariidka isbedel dhabta raba oo bulshado badan kiid taageersan tahay oo ah mudane cabdiaxmaan cirro murashaxa xisbiga waddani ahna gudoomiyaha golaha barlamaanka oo shacabku ixtiraamaan oo ay jecel yihiin inuu hago dalka 2015.

 

Khadar2244@hotmail.com

 

Mukhtar Cilmi

Filed in: Articles

You might like:

fidhinle Waxaa Geed dheer iyo Geed Gaabanba loo fuulay oo foox badan iyo Faal lala hoos fadhiyaa sidii loo xaraashi lahaa ee Dilaal looga qaadan lahaa Dekeda Berbera.‏
CiroWadani20 Maal Mahan Waxaa Soo Baxay Qaar Maryo Cad-cad Oo Wixii KULMIYE ka Baxa weeraraya”Guddomiye Cirro
qor Mucaarid Li’ida Jirtaa Waa Hargeysa Mayd Keeda Ha Sidato!!!
IMG_7421-777x437 Wasaaradda Warfaafinta Oo Xarun Cusub Ka Hirgalisay Gobolka Awdal
Capture Daawo: Telesom oo Dhaqaale ugu Deeqday Sadex Mashruuc oo danta guud ah‏
ty Guddoomiyaha Gobolka Marood-jeex Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Kulul U Canbaareeyay Weeraradii Dicisoobay Ee Lagu Qaaday Masuuliyiin Xisbiga WADDANI Ah.‏
© 2015 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.