Siilaanyo Oo Cirka

Siilaanyo1Ku Sii Laalay Go’aankii Wasaaradda Duulistu Hargeysa, May 24, 2013 – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cadeeyay inaanay Somaliland ka noqon doonin go’aanka ay xayiraadda ku saartay duulimaadyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee iman jiray Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo uu 19 May, ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu kaga hadlay go’aankaas Somaliland ee la xidhiidha hay’adda ICAO oo ku wareejinaysa hawada Somaliland iyo Somaliya, dawladda federaalka Somaliya. “Xayiraadda ay Somaliland saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, lama qaadi doono ilaa aanu heshiis ka gaadhno.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalka kooban ee uu ku qoray bartiisa twitterka.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo isla maalintaas Twitterka geliyay, farriin kooban oo uu u diray beesha Caalamka, “Bulshada caalamku waa inay fahantaa inaan rabitaanka iyo himilooyinka reer Somaliland la iska indho tiri karin.”

Go’aankan uu Madaxweyne Siilaanyo ku ladhay xayiraadii uu wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, saaray duulimaadyada Qaramada Midoobay, ayaa u muuqda mid uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii adkaynayo xayiraadaas, islamarkaana uu ku muujinayo inuu go’aankaasi yahay mid rasmi ah oo ay hirgelintiisu dawladda Somaliland ka go’antahay

 

 

Filed in: Articles, Home, Sports, Videos, Waaheen News

You might like:

breaking-news-file-jpg Deg Deg :-Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Go,aamo Ka Soo Saartey Khilaafka Xisbiga UCID
maxkamad Maxkamada Sare oo Go’aan ka gaadhay Murankii Xisbiga Ucid
3 Shir-ballaadhan ay iska kaashadeen Hay’adaha Shaqodoon, Spark iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo laga wadatashanayey dhibaatada haysata ardayda jaamacadaha ka soo baxay oo lagu qabtay Hotelka Ambassador (Sawirro)
14441096_1368628349844158_5009615034930339527_n1 Shirkadda Telesom Oo Carwo Casri Ah Ku Soo Bandhigtay Adeegga Casriga Ee 4G++
wiil QISO CAJIIBA AH :- MAXKABADA DEGMADA HARGEYSA OO GO,AAN KA SOO SAARTAY WIIL 16JIR AH OO LABA QOYS ISKU HAYSTEEN ISIRKIISA + MUUQAAL.
hqdefault Shirkaddaha Laydhka oo isku khilaafsan xadhkaha Dabka ee ay dhulka hoos Marinayaan

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2016 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.