Su’aal la xidhiidha ictiraafkan bilaa xiisaha ah. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.

Ictiraafku ma masalo siyaasadeed-baa mise waa mid sharci ah. Jawaabtu waa haa labadaba. Laakiin inta ay tahay masalo siyaasiya ayaa ka badan inta ay tahay masalo sharci ah. Halkan sharciga aynu ka hadlayaa, akhriste,  waa sharciga caalamaiga ah(International law), siyaasadda aynu ka haldynaana waa siyaasadda arrimaha dibadda(Foreing policy). Labadoodu waxay isula falgalaan si joogto ah, taasoo marar badan ka dhigaysa sharciga caalmiga ah mid ku sifooba la jiifiyaana bannaan. Mararka qaarkood waxa ba aad is odhanaysaa ma jiro wax la yidhaa sharci caalami ah ee arrinkuba waa dano siyaasadeed oo ay dheelayaan quwadaha waawaayn ee adduunku.

 

Ictiraafka Somaliland marka aynu raadinayno ma waxa aynu u marnaa dariiqa sharciga ah mise ka siyaasiga ah? Jawaabta oo kooban wax weeye: mid kastood raacdo ba, wuxu arrinku ku biyo-shubanayaa siyaasadda caalamka iyo sida aad ula jaan-qaaddo. Si kastaba ha ahaatee, waxa fudud dariiqa siyaasiga ah. Maxaa yeelay isagu kula gali maayo iska hor imaad meletari ama arrimo sharci oo adag. Tani waxay u baahan tahay in aad la bahawdo qaar ka mid ah dawladaha gobolka iyo kuw caalamka, kuwaasoo iyaguna dan geo-political ah kaa leh. Laakiin ma sahlana in aad la bahawdo, waayo waxay arrintani u baahan tahay taxadar iyo calool adayg wadajir ah.

 

Dariiqa sharciga ahi wuxu ku bilaabmayaa in Muqdisho la la hadlo—sida immika la wado. Taasina waxay ku danbayn doontaa laba mid:  waa ta kowaade, in Muqdisho  ina aqoonsato. Tani waxay meesha ka saaraysaa dhibkii ku xeernaa arrinka o odhan. Haddii ay ina diido, tani waxay keeni kartaa iska hor imaad melatari muddada dheer. Waxana ay dhalin kartaa khasaare laxaad leh oo soo gaadha labada dhinacba. Waa in laga hortagaa sidii aanay taasi u dhici lahayn wax kasta oo ay ina kallifayso.

 

Haddii isku dhacaasi yimaaddo, waxa dhacaysa in dawladaha shisheeye soo faro-gashadaan iyagoo ku marmarsoonaya dhexdexaadin. Laakiin tani waxay had iyo jeer dhacdaa goor labada dhinacba isla baab’een.

 

Haddaba, maadaama Somaliland ay ka go’an tahay in ay iska tagto, reer xamarka  ayay u taallaa in ay ka  leexdaan dariiqaa dhiiga badan iyo burburka keeni kara. Hadday sidani dhacdo oo la iska hor yimaaddo, arrinku wxu gaadhayaa heer gobol ama caalami. Waxa lagaga hadli doona OAu iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Waxa arrinku xagga danbe ka noqonayaa siyaasad iyo in dawladaha danaha inaga lihi ay uga faa’iidaystaan sida dantoodu ku jirto, iyada oo laga yaabo in dhinacyada is haya ay kala taageeraan, xataa meliteri ahaan.

 

Calaa kulli xaal, waxay taariikhdu ina baraysaa in arrinka noocan oo kala ahi uu ku danbeeyo in la kala gurto oo la kala go’o, gaar ahaan marka adduunku soo faragashado. Maxaa yeelay kala guridda iyo kala goynta ayaa had iyo jeer ka sahlan in la isku qasbo dad aan is doonayn. Haddii intaa ay fahmi kari waayaan reer xamarku, gu’ ba may jirin ee aniga ayuun baa iska daalaya.!!!!!!!!

 

 

www.profabdiali.blogspot.com

 

Filed in: Articles, Sports

You might like:

IMG_2357 Ururka Dhalinyarada Beelaha Ayuub Sh. Isaxaaq oo Dhambaal Tacsi ah u Direy Madaxweynaha Somaliland.
Breaking_News1 Ciidanka RRU-da oo Caawa Xidhay Xog-hayihii Ururka Jiidali, Iyo Ciidan la Dul dhigay Xaflad ay ku leeyihin Hotel Crown.
10516950_988192364530166_865588818_n Hargeysa: Deeq Lagu Soo Hagaajiyey Sheekh Aaden Siiro Oo La Gaadhsiiyey Xarunta SAHAN
0049 Dawlada Maraykanka Oo sheegtay in Jabuuti halis u tahay Falal Argagixiso oo Dalkeeda ka dhaca.
siilaanyo safar Madaxweynaha Somaliland oo Saaxil ugu Baxay Dhagax dhigay Jidka isku xidha Xamaas Ilaa Sheekh.
Hctv Xukuumadda oo Booliiskii ka qaaday Guriga Mulkiilaha HCTV

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.