Dallada SYNA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Dhibaatooyinka Dhalinyarada ku habsaday Wakhtiyadan Danbe ee isugu jira, TAHRIIBKA, QABYAALADDA IYO SHAQO LA’AANTA.

synDhalinyaradu waxay ka mid tahay Tiirarka Qaran walibak u taagan yahay, waxan waddanka Somaliland dhalinyarteedu astaan u noqonayaan guud ahaanba dhalinyarada afrika iyo caalamka kale, haddii la helo  dhalinyaro iskuduuban oo isku hadaf ah, Dallad SYNA (Somaliland Youth Network Awareness) Waxay ka mid tahay Dalladaha Dhalinyarada ee Dalka ka jir, taas macnaheedu maaha inaan leeyahay waxanu  metelnaa Dhalinyarada Dalka oo dhan, ama ummada nooc kasta leh uma sheegayno been ah inaan Dhalinyarada Dalka oo dhan metelno, Dabcan waynu ognahay inaan shakhsiyaad kooban iyo kooxo toona meteli Karin dhalinyarada baaxadda leh ee noocyada badan, qaar qurbaha joogaan , qaar dalka joogaan, qaarna baadiyaha joogaan, balse waxanu nahay Dhalinyaro olole ugu jirta badbaadada dhalinyarada, iyo inaan Da’yarta ka qabanno wax kasta oo naftooda, caqligooda iyo garaadkooda ba baabiin kara, uguna yeedhno iskaashi, wax wada qabsi iyo inaan u midowno danteena.

 

Waxaynu wada ognahay baaxadda aqoonta la ina geliyey ama la inna baray, waxaynu ognahay in manta ay dhalinyaradu ku sugan tahay wakhtigii ay awoodda, maskaxda iyo firfircoonida ugu badan lahayd, markaad qiimayso, Dhinaca tacliinta, Hay’adaha samafalka ee waddaniga ah, Small Bussines ka ama ganacsiga yaryar, ee dhammaan ay dugsiyada ikhtiraacaayaan dhalinyaro saamaxaysana shaqo abuur badan iyo in la helo dad aqoon leh, ee Ururada samafalka ka shaqaynaya ee tirada badan leh oo badankooda aan u garaabayo maadaama ay shaqo la’aantu dadkii aqoonta lahaa saamaysay inay ururo iyo waxkasta oo dalkooda iyo dadkoodana waxa ugu qabanayaan naftoodana ku horumarinayaan inay ikhtiraacaan iyo weliba ganacsiga yaryar ee aqoonta ku dhisan sida xarumaha ITga lagu iibiyo, Goobaha internet café yada ee Computerada na lagu hagaajiyo kuwaaso dhammaan ay ikhtiraaceen dhalinyartii Masxkadooda tuujisay ee jeclayd waddankooda, camal la’aantuna heshay iskuna khasbay inay naftooda ku maaweliyaan waxyaabahan aynu soo sheegnay oo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba faaido iyo wax tar u leh, waxan yaqiinsanahay inaan wakhtigan la joogin wakhti dhalinyaradu ka quusato nolosha, kuna fekerto jidka dheer ee xanuunka iyo rafaadka badan ee loo maro tahriibka.

 

Waxan SYNA ahaan ku baaqayna Dhalinyarooy isku imaad, xidhiidh joogto ah, iskaashi iyo inaan u midowno danteena, mana joogno wakhtigii manta la ina harowsan lahaa ee aan garaadkeen,aqoonteena iyo xooggeenaba isla kaashano una midowno sidii aan u dhisi lahayn nafteena iyo mustaqbalkeenna.

 

Waxan u taagannahay Annaga SYNA ahaan Wacyigelinta iyo isku xidhka Dhalinyarada Somaliland, waxan jecelnahay inaan Connection(Network) isku xidh u samayno dhammaan Da’yarta Somaliland, una aragno in danteena iyo badbaadadeenu gacanteena iyo ta ilaahay ku jirto, ee aanay cid kale waxba inoo qaban Karin, xukuumaddana aynu tusno innagoo midaysan meelaha aynu u aragno inay faaido inoo leeyihiin hadday wershado tahay, haddi beero tahay, hadday xafiisyo tahay iyo hadday wax kale oo dhalinyarada shaqo loogu abuuri karo ba tahay, Go’aanka iyo taladu innaga ayay nagu xidhantahay, maaha inaan shakhsi shakhsi wax u doonno, maaha inaan koox koox wax u doono, mana ahaa inaan reer iyo qabyaalad wax ku doonno, waa inaan wax u doonnaa caam ahaan, aynuna xoojinna ka shaqaynta isku xidhkeena, midnimadeen, wacyigelinta dhexdeena iyo iska war qabkeenaba.

Gebogabadii waxan leenahay Dhalinyaro aynu qabyaaladda iska ilaalino ka dhowrsanaano, magaceena sharafta leh ee dhalinyaro na aynu ceebta iyo xajiinta ka dhowrno,si aynaan u noqon dhalinyaro aakhiru saman ama dhalinyaro la eedo oo taariikh mugdi ah isu horseedda, sannadba sannadka ka danbeeya waxa sii xoogaysanaya siina badanaya aqoonteena iyo garaadkeena aynu siday yihiin uga shaqaysiino iskuna dayno inaynu noqono dhalinyar wixii xunna Diidan oo ka midaysan, wixii wanaagsanna si midaysan u wada doonta,

 

Halkudhigga SYNA Waa:

 

Dhalineey Dedaaloo

Magaciina Doonoo

Tiigsada Daruuraha

Yaan la idin kala Dilin

Dabinada iska Ogoow

Digniin SYNA weeyee.

 

NB: Qabyaaladdu waa qudhun ayuu yidhi Rasulkeenii Muxamad CSW. Iyadoo Tahriibkuna yahay Qofka bini aadamka oo naftii ilaahay u dhiibtay si badheedh ah ugu tacaddiyaya ilaahayna kala xisaabtami doono qiyaamaha qof kasta oo Badda u badheedha oo ay baddu liqdo, sido kalena shaqo la’aantu waa wax u baahan iskaashi iyo in dhalinyaradu Dantooda u midowdo, una muujiso in Dalka78% ay ka yihiin isla markaasna  aan laga faaidaysan tafaraaruqooda.

 

Mustafe Osman A/rahman

Agaasimaha Guud ee Dallada SYNA

Burco/ Somaliland

Syna.org@hotmail.com

063,4411480/ 97930003

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

saylici Daawo: Safarkii Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Ee Saaxil
GetAttachment xisbiga kulmiye muxuu dalka iyo dadka uga tegi doonaa ?‏
wasiiro Daawo: Wasiirka Ciyaaraha oo kulan is xog wareysi ah la yeeshay maamulka Gobolka saraar
xirsi Daawo: Somaliland iyo Somaliya oo Turkiga ku wada Hadlaya
rakad WAKHTIGAAGU YAANU NOQON MID KU LUMA CUNISTA QAADKA IYO SIGAARKA. :- W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
ax Jidkii Hooyashada! Amal Maxamed Maxamuud MM.

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.