Baanka dhexe ee somaliland shaqada uu qaranka u hayo ma ku hagaa xeerka

banaaQODOBKA 32’AAD HAl-BEEGA LACAGTA QARANKA   Lacagta Somaliland iyo hal-beega lacagtaasi waa shilinka Somaliland oo astaantiisu tahay “SL.SH).

Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf
————
Xeerka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer No.54/2012.
Waxa uu Xeerkani Waxa uu Golaha Wakiilada Ka 23/03/2012 Waxana uu Dhaqan Galay Markii Uu Saxeexay Madaxweynaha Somaliland 19/04/2012, Waxana Uu Xeerkani Kala hagayaa dhamaan hawlaha iyo hababka shaqo ee Baanka Dhexe iyo Bangiyada Dawliga ah, Iyo Kuwa Gaarka Loo leyahay Iyo Sidoo Kale Hay’adaha Uu Khuseeyo Xeerkani ee Ku hoos yimaada Habmaamul iyo Mid Shaqo, Sida Xawaaladaha, Sariflayaasha, Iyo Shirkadaha Qaybo Shaqo Lacageed Ku Shaqeeya Sida Shirkadaha Isgaadhsiinta
Waxa somaliland ka jira hay’ado ku hawlgala ka shaqaynta hawlaha lacagaha Sida:- Gudbinta, Sarifka, Dhigaalka, iyo Xafidaada,.
Kuwaas oo adeegsada Qaabab kala duwan oo Qaarkood aanay Dunida saddexaad adeegsan Sida Electronic Money Systam iyo Mobeli Money transfer service, Shirkadahaas oo u mada iyo qaranka u haya shaqo ay u soo kordhiyeen oo loo baahna.
Hadaba Marka ay shaqadaas hayaan waxay ahayd in Bank Dhexe ee Somaliland uu Sameeyo Saaxadii iyo Hab-adeegii sharci ee ay ku dabaqi lahayeen Shirkadahaasi Shaqadan ay hayaan ee Adeega lacageeed Sida ay dhigayaan Qodobada 4 iyo 5aad ee Iyo Inta Qodob ee Aan Idiinka Soo Xulay XEER NO.54, ee Ay ahayd in la dabaqo Maalintii uu xeerkani dhaqan galay Maadama oo ay Xeerka ka hor abuurmeen Hay’adahani

Xeerka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland
Hadaba Maxaa hortaagan inay Hirgalaan Ama uu Baanka Dhexe Dabaqo Xeerkan Si loo helo Saylado maaliyadeed oo uu masuul ka yahay Baanka Qaranku

QODOBKA 3’AAD. Faqradiisa 3AAD
3. Baanku wuxuu yeelanayaa dhamaan hantidii awal hoos iman jirtay (Baankii dhexe ee Somaliya) sida Baanka Ganacsiga iyo kaydka iyo Baanka horumarinta ee ku yaala Gudaha Somaliland.

Marka aad eegtid Qodobadan iyo dhamaan xeerka waxaa kuu muuqanaysa Masuuliyad darada iyo xil-gudasho la’aanta ay ku sugan yihiin masuuliyiinta ay shaqadani khusayso ee qaranka masuulka uga ah adeegyada maaliyadeed ee Dawliga ah iyo kuwa gaarka ahba,
QODOBKA 4’AAD UJEEDOOYINKA IYO WAAJIBAADKA AASAASIGA AH EE BAANKA SOMALILAND

1. Ujeedada ugu muhiimsan waa inuu gaadho joogteeyona degenaanshaha sicirka gudaha.
2. Waa inuu kobciyo dareerinimada (liquidity) rasamaalka iyo si habboon u shaqaynta hab maaliyadeed saylad ku dhisan deggani iyo kor u qaadida habka lacag bixinta qaranka oo ammaan ah wax-qabad fiicana leh.
3. Iyadoon wax loo dhimayn ujeedadiisa ugu muhiimsan ee ah inuu ilaaliyo degaanshaha sicirka gudaha, Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuu taageeraa siyaasadaha guud ee dhaqaalaha dawladda Somaliland waxna ku kordhiyo Koboca dhaqaale joogta ah.
4. Waajibaadka asaasiga ah ee Baanka Dhexe ee Somaliland si gaar ah mas’ul uga noqonayaa waa inuu :-
b)Sameeyo, qaato iyo inuu fuliyo siyaasadda lacagta ee Somaliland.
t) Sameeyo qaato iyo inuu fuliyo siyaasadda sarifka lacagaha qalaad iyo nidaamka lacagaha la isugu bedelo ee Somaliland.
j) hayo oo maamulo kaydka lacagaha qalaad ee Somaliland.
x) Daabacaa, soona saaraa lacagta waaraaqaha iyo qaadadiicda Somaliland.
Kh) Habeeyo lacag bixinta ama isweydaarin (clearing) iyo dhaqdhaqaaqyada deyn bixinta iyo lacag bixinta la isticmaalayo lacago kala duwan, deyman maaliyadeed ama damaanado ee lacag kasta.
d) noqdaa Baanka xukuumada, iyo la taliyaha xaga lacagaha
r) ruqsad siiyo, ama diiwaangeliyo iyo inuu nidaamiyo, korjoogana Baananka, sariflayaasha lacagaha qalaad, adeeg bixiyeyaasha lacagta, hawl wadeenada habka lacag bixinta, adeeg bixiyeyaasha dammaanadaha, hawlwadeenada habka wareejinta dammaanadaha iyo wixii kale ee loo soo gudbiyo inuu masuul ka noqdo ee waafaqsan xeerkan.
s) Qaabeeyo, qabyo tiro, korna u qaado habab lacag bixineed oo casri ah wax ku oolna ah, wareejinta damaanadaha ay soo saarto dawladu ama Baanka Dhexe ee Somaliland iyo habka isu gudbinta dhaqdhaqaaqyada lacag bixinta iyo dhaqdhaqaqyada la xidhiidha damaanadaha.

Masuuliyiinta Sharcigan ka dhigay fadhiidka ee ku shaqayn waayay, Ma ka sugaysaa Inay soo saaran xeer-nidaamiyahan iyo wixii la halmaala? Oodo Dhacameed Siday u kala sareeyan ayaa loo kala guraa, Xeerku Intuu degal yaal yahay Xeer-nidaamiye hay danbeeyo.

QODOBKA 5’AAD AWOODAHA MADAX BANAAN EE BAANKA SOMALILAND
1. Marka uu gudanayo waajibadkiisa, Baanka Dhexe ee Somaliland awoodo madax banaan oo uu wax ku maamulo oo ay ku jirto
inuu soo saaro shuruuc lagu fududeeyo dhaq-dhaqaaqyo nidaamsan oo awooda korontada (electronic transections) ku shaqeeya oo u dhexeeya Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Baananka kale iyo macaamiisha ay kala leeyihiin.
2. Dhamaan shuruucda, tilmaamaha iyo amarada uu soo saaro Baanka Dhexe ee Somaliland ee ku aadan wax ka badan hal hay’ad waa in lagu daabacaa faafinta rasmiga ah waana inuu dhaqan galaa taariikhda ay faafinta ku soo baxda ama tariikhda kale oo lagu cayimo sharciga, tilmaanta ama amarka Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuu geliyaa diiwan guud shuruucdaas, tilamaamahaa iyo amarradaa.

3. Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu awood u leeyahay inuu geli karo xafiisyada baadhina karo, xisaabaha, Bugaagta, qoraalada iyo kayd- qoraal (records) Baanka, sariflaha lacagaha qaalaad, hawl wadeen hab lacag bixineed, adeeg bixiye lacageed, adeeg bixiye daamaanadaha, hawlwadeenka habka wareejinta damaanadaha ama qof kale oo ruqsad ka haysta ama ka diiwaangashan Baanka Dhexe ee Somaliland si uu uga helo xog cidaas hadii Baanka Dhexe ee Somaliland u arko in xogtaasi lagama marmaan u tahay mas’uliyadiisa korjooganimo.

{Hal-beega Lacageed Maxaad u Taqaana, Masuuliyadaas Yaa Dayacay!!! Bal adba?

QODOBKA 32’AAD HAl-BEEGA LACAGTA QARANKA
Lacagta Somaliland iyo hal-beega lacagtaasi waa shilinka Somaliland oo astaantiisu tahay“SL.SH).

{Bal Maxaynu Wax Ku kala amaahanay? Qiimaha Banka Dhexe iyo Suuqu Ma siman yihay, Keeba Saameeya Sayladaha Wax iibka Dalka!!!?}
QODOBKA 44’AAD HESHIISYADA
1) Heshiis kasta, iib, lacag bixin, qaansheeg, ballanqaad agab ama daamaanad lacageed iyo dhaqdhaqaaq oo lacag la xidhiidha ama deyn lacag lagu bixinayo waa in lagu saleeyaa ama lagu fuliyaa shilinka Somaliland.

Maxaa Baylah taal Qodobkani Sow Maaha Mana Hayo Mana Filaayo Iimana Maqna
QODOBKA 61’AAD SIYAASADDA LACAGTA
1) Baanka Soomliland wuxuu masuul ka yahay samaynta, isticmaalka, iyo hirgelinta habdhaqanka siyaasadda lacagta ee Somaliland.

{Bal Sow tani Maaha Xujo iyo Yaab Yaa Xukma suuqa xortaa Maanta?}
QODOBKA 62’AAD KA HAWL GELIDDA SAYLADAHA FURAN
1) Iyadoo la raacayo ku dhaqanka siyaasada lacagta Baanka Dhexe ee Somaliland, wuxuu Baanku ka hawl geli karaa sayladaha furan isagoo iibsanaya ama iibinaya xaalad markaa taagan ama mustaqbalka ama heshiis dib u iibsi lacago qaaad ama heshiisyo dayn.
Lacago kale ama heshiisyo saami looma isticmaali karo ujeedadan.

Dhigaalka Lacageed Iyo ee Qodobkani sheegayaa Ma Yihiin Qaar Ka Muuqda Inuu Baanku Diyaar U yahay, Ilama aha Inay Talada Iyo Qorshaha idiinku jiro kani.

QODOBKA 63AAD DHIGAALKA LACAGEED EE BAANANKA LOOGA BAAHANYAHAY
1. Isagoo ku dhaqmaya siyaasadiisa lacagta, Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu ka dalban karaa Baananka inay kayd ku yeeshaan Baanka Soomaliland, iyadoo loo eegayo heerka kayd ee Baan kasta looga baahan yahay.
Heerka kaydka ee baan Waxaa xadidaya, xaddiga, nooca ama cimriga (Maturity) lacagta uu soo amaahan karo iyo lacagta uu amaahda u bixin karo waxay waafaqsanaan doonaan shuruucda Baanka Dhexe ee Somaliland u dejiyo Baananka gaarka ah.
Kaydka looga baahan yahay marka amaahda qaadanayaan Baananku way u siman yihiin.

Ma filaayo Inuu Ganaax Qaaday Baanka Dhexe, Waayo Mee Xeerkii uu ku ganaaxi lahaa!
QODOBKA 64’AAD KA BAAQSASHADA JOOGTAYNTA DHIGAALKA LOO BAAHAN YAHAY
1) Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu kusoo rogi karaa khidmad islamarkaana ka qaadi karaa ganaax Baanka ka baaqsada inuu joogteeyo heerka ugu hooseeya ee kaydka looga baahan yahay sida waafaqsan qodobk 63aad khidmadaas waxay ku salysnaan doontaa shuruucda Baanka Soomaliland.

{Hay’adaha ama shirkadaha haya Shaqo Lacageed Maxaa Uga meelyaala baanka dhexe ee somaliland Ma Sameeyay Ama Ma ku Maqan yahay Xeerarka iyo Xeer nidaamiyayaasha uu Ku Waajibinaayo Qodobkaani?}. Bal eeg Qodobkan,

QODOBKA 69’AAD MAS’UULIYADAHA BAANKA SOOMALILAND

Si khaas ah Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu mas’uul uga yahay:
B) Soo saarida Shuruucda iyo amarada looga baahan yahay hirgelinta Siyaasadda sarifka iyo socodsiinta hawlaha sarifka qalaad ee gudaha dhulka Soomaliland.
T) Diiwaangelinta, bixinta ruqsadaha, sida lagu maamulayo iyo kormeerka sariflayaaasha lacgaha qalaad oo ay ku jiraan Baananka iyo hay’adaha maaliyadeed ee kale iyadoo la raacayo qod.74aad.
J) Dejinta xadiddaada xaddiga lacagaha qalaad ee sariflayaasha iyo Baananka.

{Jawaabtu Waa Maya Intaynu Ognahay Wixii Qarsoona Cidii Inooga Masuulah ayaa inoo sheegi Hadii Ay jirto}.

Bal Yaa Maqlay Ama Arkay Baan Ruqsad ka haysta Baanka Dhexe ee Qaranka ama Hay’ad uu ku xidhay shuruudan? Mooyi

QODOBKA 83’AAD RUQSADSIINTA, MAMULIDA IYO KORJOOGIDDA
1) Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuuu mas’uul ka noqdaa ruqsad siinta, diiwaangelinta iyo hagidda Baanyada ka shaqaynaya Soomaliland.

Baylahda iyo Qabyada Baanka Taala Markay Sidan tahay Maxaa Haboon?
Maadaama oo uu xeerkii loo sameeyay ee samato bixin lahaa baadida Masuuliyadeed ee ku dibootay Dagal aan ka durug sanayn Baanka Dhexe,
Masuuliyada Baanka dhexe Ma waxay ku ururtay Qabashada iyo bixinta Dhaqaalaha yar ee ka soo hoyda kastamada iyo cashuuraha, Markaad eegtid xeerkan waxaa kuu muuqanaysa Masuuliyad daro, dayacaad, Iyo Xil-gudasho La’aanta Baahsan ee dul hoganaysa Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee somaliland, Taas oo hadii ay sidan sii ahaato, Noqonaysa Ceeb Qaran iyo Cawaaqib xumo.
Maanta Ganacsiga Dalku wuxuu marayaa meel aad u fiican oo gaadhsiisan heerarka caalamiga ah ee ku shaqeeya Hababka Casriga ah, Balse waxaa maqan Kaalintii Baanka Dhexe ee lagu jaangoyn lahaa ama lagu maamulilahaa Dhaqdhaqaaqyada Maaliyadeed ee casriga ah ee ay adeegsadaa Hay’adaha Ku shaqeeya Aaladaha Lacageed.
Dhankale hadii aynu ka eegno Mushkiladaha ka dhasha Dhaqdhaqaaq Maaliyadeed oo ay maamusho Hay’ad aan ruqsad iyo ogolaansho ka haysan Baanka Dhexe ee Qaranka, Sida Aynu Ku Aragno Qodobkan

QODOBKA 88’AAD SIYAASADDA HABKA LACAG BIXINTA
1. Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu qaabaynayaa, hirgelinayaa, faafinayaa, dabagalayaa dushana kala soconayaa fulinta siyaasadda lacag bixinta.

B) Siyaasaddu waa inay ku jiheysnaataa u faa’iideynta bulshoweynta Soomaliland iyadoo ku qotonta qaababka lacag bixinta ee caalamiga ah ee ugu wanaagsan iyo inuu suurtogeliyo degenaanshaha habka maaliyadeed.
T) Waa inuu kor u qaadaa badbaadada lacag bixinta iyo inuu yareeyo khataraha ku iman kara habka lacag bixinta.
J) Siyaasaddu waa inay kobcisaa meelaha danta guud khuseysa oo weliba gaar ahaan wax ku biirisaa kor u qaadida tartanka saylada adeegyada lacag bixinta, iyo ilaalinta dadka isticmaala habka lacag bixinta.
2. Kor u qaadida badbaadada iyo hufnaanta habka lacag bixinta, Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuu iskaashi la sameeyaa hawlwadeenada hababka lacag bixinta, baananka dhexe ee kale iyo hay’adaha la xidhiidha ee kale ee gudaha iyo debedaba.

waxaan Ku soo uruurinayaa Qoraalkaygan, In Laga Hawlgalo toosinta iyo sixida Hanaanka Maamul iyo Ka masuuliyadeed ee uu Baanku Hada ku sugan yahay si aanay inoogu imanin ILaahay Iaguma keene, Mushkilado maliyadeed, IWM.
Isla markaana la sugo Masuuliya Baanka, Si looga hortago khataraha ka Iman kara Hay’adaha, shirkadaha iyo sariflayaasha ku adeega ama u shaqeeya hab Baan iyo Macaamiishooda ama bulsho weynta somaliland ee ay u adeegaan.
Waxaan Ku adkaynayaa masuuliyiinta Baanka Dhexe Inay Sida ugu dhakhsaha badan u Hawlgaliyaan xeerkan ku shaqayntiisa hadii ay daacadnimo jirto.
Waa Inoo Qormadan Qormada xigta Iyo Wixii Hadhsan Naaqishaada Xeerkan oo aad u dheer isaga laftiisuna Iimo Badan leh

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Filed in: Articles, Contact Us, Feature Slide, Videos

You might like:

dhal Dhagayso: Dhalinyarada Sacad Muuse oo Gudidii Horu Marinta Beeshooda ku eedeeyey inay ka leexdee Ujeedadii loo asaasay.
qor Is-aamin Darrada Dhextaal Reer Togdheer
siilaanyo Madaxweyne Siilaanyo oo Qadar ku Hambalyeeyey Maalinta Qaranimadooda.
solja Ogaysiin Shirweynaha 5aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA‏
Suldaan Xiiray Dhagayso: Suldaan Xiiray oo madaxdhaqameedka ugu baaqay inay Siyaasada ka dheeraadaan.
saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo gaadhay Borama

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.