Dhibatada tahriibta

iyo mooganaanta dhalinta labo isku laman 1: DHIBAATADA TAHRIIBTA

tahriibDhibatada tahriibtu ma yara, khasaare mooyee faa’ido malah, waa rafaad iyo silic, haajiraadu shay qurux leh maaha, laguma faanee waa laga faanaa, laguma cararee waa laga cararaa, haddana waxa nasiib daro ah in dhalinteenu intaaba iyadoo ogsoon inay naftooda haligaan, u babac dhigaan dhibaato iyo silic, waxay door bidaan dalal aaney lahey, kama fikiraan nimcada ay ka haajirayaan, kuma darsadaan xisaabta dhibta saxaraha yaal, kama fikiraan dhibta ay gaadhsiinayaan naftood iyo qoyskooda, waxaad maqli iyadoo lagu leeyahay hebel halkaas ayaa lagu haystaa, xaafadooduna waxba ma hayso, taasi waxay keentey inay hooyadii suuqa bac la dhex-marto si ay madaxa ilmaheeda u bad-baadiso, RASUULKA AYAA (N.N.K.H.H) XADIIS MACNIHIISU AHAA KU LAHAA ‘’CALAAMADAHA QIYAAMU SACAHA WAXA KA MIDA IN UBADKU ADOONSADAAN HOOYOOYINKA’’  waa maxay adoonsiga ka xun inaad hooyadaa ka yeesho dawarsato, way ku korisey, ku barbaarisey, wax ku bartey, kadib ugu abaal gudey ii soo dawari, maxaan ka xun in qoyskaagu maqlaan wiilkiini waa la diley, doonidaa la gadoontey, xabsi buu ku jiraa, inantii waa la fara xumeeyey, iyo wax la mida, tahriib Eebe ha inaga badbaadiyee waa wax xun,walaakayaw walwal aduunyo iyo walaac ha ku beerin waalidkaa, anfac ayaa lagaa sugayaa, garana xilka manta saaran naftaada, tahriibkuna yaanu noqon shay mugdi geliya noloshada,

 

2: MOOGANAANTA DHALINTA        

Dhalinyaradu waa ubax wadan leeyahay, waa shayga ugu qaalisan ee ummadii  ku faanto, waa kuwa wada maanta horumarka maanta meel kasta ka socda, waa kuwa  isbadel sameeya markey wax qaloocsamaan,  nasiib daro waxa ah  in dhalintii fikiri-lahayd maanta dalkeenii ka baxayso ,  dhagahaagu aroor kasta  ay maqlaan (xalay ayuu baxay) miyaanay ogayn inaaney lahayn halkey tagayaan,  waxaad arkaysaa kuwii joogay oo sheekeysanaya kuna fikiraya kuna foorara , kuna foogan,  siday ugu xigi lahaayeen kii baxay shalay, sheekada dhexmaraysaana tahay gurigaynu gaadhi ka raaci, jaarkana weynu ku sii nasan, laba cishana weynu sii socon, saakuuntana nimcadeynu joogi,  sawir ayeyn soo gali,  markaaba face-ka  ayeynu soo dhigi, inta hadhay ayaana soo bixi markey arkaan dooga iyo nimcada, waana la inaga daba iman, mana oga in arinku sida ay moodayaan inaanu ahayn, dhibta saxaraha yaala kama warhayaan,  umay fiirsan nimcada ay haystaan, kuna darsoo nin gaajoonayaa ma tahriibo, tacliin ku filan ayuu leeyahay, dhibaato ma haysato,  nabad buu seexdaa  isagoo nabdoona wuu soo kacaa, hasa yeeshaa intaasoo dhan wuu iloobay, laakiin wadhaf iyo shinbiri kala war la’aa dhalintii tahriib, xaalkii isbadel, gaadhigii lawaa, oo’hin baa ka danbaysay, dayac iyo rafaad, ciirsi aan meel-lahayn, canaan aan waxba tarayn, sidan maan moodayn,  halkaygi ayaa ii dhaantay,  sidan dhimashada ayaa dhaanta, laakiin  waa goorma, waa goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen,  oo meel aan noqod lahayn, quus la taaganyahay, sidaas ayaa u danbeysay ubixii haajirey, laga yaaba iney naftooda waayaan, kuwa bad-baadana  sidey doonayaan may noqon, nimcadii ay sheegayeen may helin, ballanbal iyo calaacal ayaa ka soo hadhay, waxayna leeyihiin ‘’shalay yaa maanta ka yeela’’ nimcadaan joogney yaa nagu celiya, laakiin kuwa jooga kuma cibra qaataan iyagoo og  waxay la kulmeen kuwii hore ayey baxaan, naftoodana haligaan, horaana loo yidhi (nin meel u cadahay meeli ka madaw)

3: AAMUSNAANTA XUKUMADA

Xukuumadu iyadaa ka masuula dhamaan  shacabi waynaha , iyada ayaa loo doortay inay haqab tirto baahiyaha shacabka,  hadaba dhalinyadu miyaanay ka mid ahayn shacabka?, miyaanay ahayn laf-dhabarta ummada?,  miyaanay ahayn  ubixii wadankan? miyaanay xukuumadu ogeyn in dhalintu tahay kuwii shalay codka ka heleen? walee intaba way tahay dhalinyaradu . hadab maxay xukuumadu afka uga xidhatay ?maxay uga hadli wayday dhalinta raxan raxanta u baxaysa? mise dhalinyarada waa lagu danaystaa?  Miyaanay xukuumadan hadda jirtaa aheyn tii shalay lahayd  ’udub way  tagysaaye ha  tahriibina’’

Hadaba anoo ogsoon kana soo horjeeda Talaabada qaldan ee ay ku dhaqaaqayaan dhalintu, maankana ku haya taagta xukuumada, waan ka soo horjeeda aamusnaanta xukumada, kana xumahay abaalkay dhalinyaradu u gashay inay sidaa ku gudaan, Waxaan kula talinayaa inay xukumadu la timaad qorshe lagu waajahayo arinkan,  kana fikiraan siday uga baajin lahaayeen dhalinta haajiraada,  ugana dhigi lahaayeen dhalinyaro la tartanta qayrkood.

  4: GUNAANAD:

Dhalinyaroy idinkaa talinaya bari, idinka ah ganacsatada bari, idinka ayaa ah cuqaasha bari, ha tahriibin adoo og in samir wax lagu gaadho, maankana ku hayso daaraha cadcad ee aad u hanqal taagaysid inaanad lahayn, ogsoonaw inaanay dadkaasi ka tahriibin dalkooda, hadaba adigu dadaal waad gaadhi himiladaadee, noloshana u qaabil siday tahay, ogow in shay kastoo adag mid fudud xigo, naftaadana runta u sheeg, nimcada ku agtaalna u fiirso kadibna rabigaa  umahadnaq, hana noqon mid la duufsado, waxaana  kugu dhaafi waanadii abwaan Ereyadii abwaan xasan daahir (weedhsame)

‘’Galbeed yurub kuu ma yeedhin

Griiguna kuuma baahna

Adiga gayigaagu waa kan

Qofbaad tahay guul abuura

Qofbaad tahay  guri yegleela

Qofbaad  tahay gaar ahantaa

Kugaaja baxoo iskeena

Gankaa kuma dheera caaro

Aqoontaaduna ma gaabna

Magaangixin aayahaagu

Dadkaagana kama giriifin

Dalkaagana kama go’aysid

Gobaad tahay moog inteed

Dhalaanbaa kugu gadaaman

Xilbaa guudkaaga saaran’’     

 

wirdaani@yahoo.com

Alpha Universty

Hargeisa Somaliland

 

Filed in: Articles, Waaheen Videos

You might like:

gggg Dhagayso: Maayirka Degmada Gabiley oo kulan la yeeshay Guddi hoosadka  Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada  
golaha www Dhagayso: Golaha Wakiilada oo ka dooday Xeerka Ganacsiga Bangiyada islaamka
madaarka Ciidanka Qaranka oo baabi’iyey qayb ka mid ah Dayrka Madaarka Hargeysa oo ay wasaaradda Duulistu dhisaysay
Xasan-CAwaale “Feysal marka uu leeyahay Doorashada Golaha wakiiladda ha la soo horaysiiyo Jamaal baanu waxba u Ogolayn” Xildhibaan Xasan Cawaale
download (1) Maraykanka oo Garoonka Balidoogle ciidamo ugu tababaraya Somaliya
Maayarka-Jabuuti Maayarka Djibouti oo booqasho ku yimi Somaliland iyo Maayarka Hargeysa oo ku soo dhaweeyey

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.