Waaheen

Mudaharaadyo xalay Gil-gilay New Hargeysa, xukuumadda oo Ciidamo dhoobtay iyo Wasiiro ka qaxay xaafadihii ay ka deganaayeen
Xukunkii Maxkamadda Ciidamadda oo Xalay Hurdada u diiday Reer New Hargeysa iyo Xukuumadda oo Cabsi ladi weyday

Wasiir Duur iyo Wasiir Xirsi oo la sheegay cabsi awgeed inay ka qaxeen xaafadahoodii iyo kuwo kale oo Amnigooda la adkeeyay

Hargeysa(Waaheen) Kooxo is abaabulay Dhawaqii Xukunka Maxkamadda Ciidamadda kadib ayaa xalay xidhay Jidka dheer ee dhex mara Xaafadda New Hargeysa ee bariga Hargeysa, waxaanay ku gooyeen Taayiro ay gubeen, hase yeeshee waxa markii danbe la tacaalay Ciidamo badan oo Booliis ah oo ay Xukuumaddu ku filqisay xaafadaasi iyo Madax dhaqameedka beesha degtam inkasta oo ay ku guulaysan kari waayeen inay seexiyaan.

Dhinaca kalena warar aanu xalay ka helnay xaafadaasi kadib markii ay xaaladdu sii cakirantay ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X Cali ay cabsi darted guryahoodii faaruqiyeen oo ay u qaxeen meelo aan la garanayn.

Xukunka Maxkamadda ayaa Soomal haad iyo soo jeed ku riday dadka xaafadaas degan oo ka cadhooday Go’aankaasi, halka Xukuumadda Somaliland-na xalay oo dhan ay Heegan ugu jirtay inay xakamayso dadkaasi si aanay khasaare kii doraad ka dhacay Xerada Ciidanka u sababin.

Dad goob jog ahaa oo aanu ka waraysanay siday wax u dhacayeen xalay oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa yidhi “ dadku aad bay u gadoodsan yihiin waxaanay taagan yihiin Jidka iyo xafadaha Taayiro ayay gubeen, Ciidamo Booliis ahbaana lagu soo daadiyay si ay u kala kaxeeyaan, waxaase yimi Suldaan Yuusuf Xiiray iyo Suldaan Saleebaan oo isku dayay inay kala kaxeeyaan laakiin way diideen oo gidaarada ayay wali tuban yihiin dadkii “ ayuu yidhi

Waxaanu intaa raaciyay “ Suldaan Xiiray dadkii way ku gadoodeen oo way eryadeen laakiin Suldaan Saleebaan ayaa ku beerlaxawsaday imikaan Madaxweyanaha ka soo baxay xukunkani maaha mid la fulinayo waxa la doonayaa uun inaanay dad danbe Xero Ciidan weerarin anigaa idiinka balanqaadaya oo Madaxweynaha imikaaban ka socdaa” ayuu yidhi wuu ku tiraabayay

Mid kale oo aanu isna khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa yidhi “ Guriga Wasiir Duur baan hor taaganahay sadex Laydh oo kuwa banaanka ah ayaa shidan laakiin gurigu wuu bakhtiisan yahay, waxaana la ii sheegay inaanu joogin. Imikadan dad Telefoon ii soo diray ayaa igu leh wuu ka qaxay oo xagaa iyo Dunbuluq buu u sii socday, Xirsi-na isna gurigiisu waa faaruq” ayuu yidhi

Goor danbe oo aanu isku daynay inaanu la socono xaalada ayaanu helnay qof kale oo goobta joogay “ taayiraa la gubayaa imika oo qiiqii iyo Ololkii baa is qabsaday Ciidamo Booliis ah ayaa soo weeraray oo rasaas ku riday dadkii gubayay markaa way kala eryeen waxaana ii muuqda Askar badan oo Bilays  ah oo iyaga laftigoodu baqaya oo feejignaani ka muuqato”ayuu yidhi.

Mid kale oo ka mid ahaa dadka u dhaw jidka New Hargeysa ayaa yidhi “ waxaan ka baqayaa xaaladu inay sii xumaato, dadkii way is abaabulayaan Xukuumadduna Xoog bay adeegsanaysaa oo Ciidamo dhar cad ah iyo kuwo qoryoolay ahba way soo dhoobtay xataa kuwo kale oo xaga Dararweyne ka soo socda ayaan maqlayaa inay Haleeya soo gaadheen markaa mooyi si waaguba ku baryi doono” ayuu kaga baxay

Saacadihii danbe ee xalay ayaa lagu daad gureeyay Ciidamo Tikniko wata si ay u ilaaliyaan Amaanka masuuliyiinta iyo dadka magaca leh ee xaafadaas degan si aan waxyeelo loogu geysan, waxaana xaafadaha qaarkood la geeyay ciidan xoogan oo sugi kara Amnigooda.

Si kasta ha ahaatee go’aanka Maxkamadda sare ayaa xalay dood dheer dhaliyay marka laga yimaado dhacdooyinkii xaafadda New Hargeysa xalay ku gedaanaa, waxaanay dadka qaarkood u arkayeen talaabo loo baahnaa oo lagu abaal marin karo cidii falkii waxashnimada ahaa ee Xerada Ciidanka weeraray geysatay, halka ay dad kale go’aanka Maxkamadda u arkayeen mid lagu dajinayo khasaarihii dhacay oo aan la fulin doonin.

Hase yeeshee waxa loo wada fadhiyi doonaa halka uu ku danbeeyo Go’aanka Maxkamaddu iyo sida ay XukuumaddA Somaliland uga dabaalato khasaare danbe oo intii hore ka balaadhan oo dhaca.

Dhinaca kale xukuumada oo aanu isku daynay inaanu Dhacdooyinkan wax ka waydiino ayaanay noo suurto galin

Lafo-gurka Weedhihii Wasiir Duur U Adeegsaday Rabashadihii Sariibada Inji Iyo Warshada Kabista
“dawladdani way dhaaftay markii innamo yaryar oo koox ah meel xidhay looga yaaci lahaa”Duur 16.4.2012

“Dadka direyska inoo sita ee amnigeena ilaalinaya inaga oo shacab ah hala ixtiraamo”Duur 15.05.2012

Hargeysa (Waaheen) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa wejiyo kala gedisan ku qaabila shaqaaqooyinka nabadgalyo daro ee ka dhaca caasimada Hargeysa iyo guud ahaan dalkaba.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ah masuulka xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo shacabkaba uga masuulka ah arimaha la xidhiidha amaanka guud ee gudaha dalka, ayaa shaqaaqooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Magaaladda Hargeysa  siyaabo kala duwan u waajahay isaga shaqaaqooyinkaasi qaarkood uga hadlay si adag, isaga oo adeegsanaya weedho falaadh ku ah cida ka masuulka ah dhibaatada dhacday, taasi oo mararka shacabku warbaahinta ka daawanayaan ay u arkaan masuul xilkiisa u gudanaya si wanaagsan, kana hor-tagaya dhibaato amaanka waxyeesha oo timaada, balse wasiir Duur kalmadaha uu rabshadaha ka hadalkooda u adeegsadaa maaha kuwo dhacdo kasta uu u isticmaalo, balse rabshadaha qaarkood oo laga yaabo inay ka khasaare badan yihiin kuwa uu sida adag uga hadlay ayaa ayuu uga hadlaa si daciifnimo iyo habrasho badani.

Wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo inta uu xilka wasaarada daakhiliga la wareegay ay dalka ka dhaceen rabshado badan oo galaaftay nolosha dad badan oo ciidan iyo rayidba isugu jira isla-markaana ah masuul jecel in fariinta uu gudbinayaa noqoto mid shacabka iyo cida dhibaato wadaaba ay ku camal falaan ayaa kalmadihii ugu adkaa ee afkiisa ka soo baxa uu u adeegsaday dhalinyaradii rabashada ka samaysay Sariibada Inji ee xaafada Dumuluq 16-kii bishii April ee sanadkan, kuwaasi  oo rabashada ay sameeyeen ka sakow ciidamada boolisku ay afar dhalinyaradaasi  ah ay dhaawaceen ka dib markii ay u adeegsadeen rasaas nool,  ayaa wasiirka oo og isla-markaana isha ku haya dhibaatada gaadhay dadkaasi uu haddana u hadlay sidan “Waxaanan idiin sheegayaa in cid kasta oo tallaabooyin nabadgelyada dalka iyo dadka waxyeelaya ku kacda tallaabo sharci ah laga qaadayo, ciidankuna waajibkoodii ayay gudanayaan”ayuu yidhi isaga oo dhex taagan dad badan oo ka murugaysan dhalinyarada rasaasta lala dhacay, waxaanu intaa ku daray maalintaasi hadalkiisa “Dhammaan dadkii halkaas lagu qab-qabtay waa dembiilayaal, dawladdani way dhaaftay markii innamo yaryar oo koox ah meel xidhay looga yaaci lahaa. Looga baqan maayo in ay innamo yaryari wax u dhimaan”

Wasiir Duur oo looga baahan yahay inuu shacabka kii dhibaato sameeya iyo kii kaleba u sinaado, ayaa isaga oo hore dhalinyaro boolisku badhna dhaawacyo gaadhsiiyeen badhna ay u qabqabteen sidaa adag ula hadlay, kuna tilmaamay inay yihiin dhalinyaro dambiilayaal ah,   ayuu haddana dhacdadii doraad ka dhacday duleedka warshada kabista ee ciidamada qaranka ee kooxda ciidanka kaga duushay xaafada uu deggan yahay Hargeysa ay ku laayeen saddexda askari uu ku qaabilay si ka duwan sidii uu uga hadlay dhacdadii hore ee marta tan la barbar dhigo ka fududeyd.

Wasiir Duur oo la filayey inuu si ka adag sidii hore uga hadlo dhacdadan oo ahayd mid ugub ah isla-markaana fadeexad iyo ceeb ku ah dalka iyo dadkaba uga hadlay is-dhul-dhigid iyo jilayc badani ka muuqdo, waxaanu si taxadar badani ka muuqdo ugu baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo “Somaliland maanta maan moodayn inay halkaasi marayso, laakiin isku heli-mayno qaranimo iyo qabiilnimo oo labada midbaynu qaadanaynaa oo ay noqono qaran amni ah oo aynu dadka direyska inoo sita ee amnigeena ilaalinaya inaga oo shacab ah la ixtiraamo, maaha inaynu noqono qabiilooyin qoryo la kalaha”ayuu yidhi waxaanu intaa ku darayaa isaga oo adeegsanaya kalmado nabad ilaalineed oo aan hore ugu badnayn isla-markaana aanu mar kaliya u adeegsan cid hore rabshad u samaysay “Waxaan leeyahay shacabka tan oo kale maynaan filayn ee aynu nabadgalyada dhowrano ilayn Tacsi iyo tiiraanyo ku jiri-maynee”

Kala duwanaanshaha hadalada wasiir Duur ee la xidhiidha rabshadaha dalka ka dhaca ayaa muujinaya in shaqada uu qaranka u hayaa ay tahay mid dhinac ka raran isla-markaana ay jiraan dad uu si gaar ah uga dhowro afkiisa iyo adinkiisa, halka dadka qaarkoodna bartilmaameed u yihiin, taasi oo meesha ka saareysa dhexdhexaadnimadii masuuliyada uu hayo, ceebna ku ah milgaha dawladnimo ee calanka Jamhuuriyadda ee la wada hoos joogo.

Mahiga Oo Ka War-warsan Fulida Qorshaha Nabada Somaliya Oo Burbur Ku Dhow
Nairobi (Waaheen) – Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Dr Augustine Mahiga ayaa bulshada caalamka dhaqaale uga raadinaya qorshaha loo yaqaano khariirada nabada Somaliya, kaasi oo uu qayb ka yahay shirka Muqdisho ka socda ee lagu xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya.

Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya waxa uu walaac ka muujiyey dad uu sheegay inay doonayaan inay fashiliyaan qorshaha nabada ee Somaliya, kaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in la hirgaliyo, isaga oo bulshada caalamka ka dalbaday dhaqaale lagu hirgaliyo.

Dr Mahiga waxa uu tilmaamay inay jiraan dad doonaya inay khariirada nabada caqabad ku noqdaan “Waxaa jira dad doonaya inay caqabad ku noqdaan Roadmap-ka iyagoo wadiiqooyin kala duwan isticmaalaya si ay uga hortagaan guulihii laga gaadhay heshiiskaas”ayuu yidhi.

Hadalkan ka soo yeedhay Mahiga ayaa muujinaya in qaramada midoobay ka warwarsan tahay fulitaanka qorshaha loo yaqaano khariirada nabada Soomaliya, kaasi oo ah qorshaha kaliya ee la doonayo in Somaliya nabadgalyo lagaga dhaliyo.

Somaliland oo daadifeysay in Ardayda Reer Sool ah oo diidan Imtixaanaadku inay tageen Buuhoodle
15o Arday ayaa la sheegay in doraad lagu soo dhaweeyay Buuhoodle, Wasaaraduna waxay sheegtay inaanay arday ahayn

Hargeysa(Waaheen)-Ardaydii Dugsiyada dawlada ee fasalada sare iyo kuwa hoose dhexe ee Magaalada Laascnood ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay si is-daba jooga uga baxayay Magaaladaasi isla markaana u yaacay dhinaca magaalooyinka Buuhoodle, Taleex iyo Boocame, halkaasoo laga qaadayo Imtixaan sida la sheegay ay ka qaadayso Kooxda Khaatumo State .

Ma cadda ilaa hada sababta keentay in ardaydani kaga soo horjeesteen Imtixaanka ay dawlada Somaliland ka qaadayso ee ay ugu talaabeen dhinaca Maleeshiyada Khaatumo, hase yeeshee horaantii bishan ayay ahayd markii uu Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Sool ugu magacownaa Somaliland ku dhawaaqay inaanay Ardayda Gobolkaasi ee ku jira heerarka kala duwan ee Waxbarashadu ka qayb galayn Imtixaanada iyo Manhajka waxbarashada Somaliland, taasoo ay ku diidanyihiin Taariikhda SNM ee lagu daray manhajka waxbarashada dawlada.

Ardayda u talaabay dhinaca Deegaamada Buuhoodle iyo Boocame oo 150 ka mid ahi ay doraad talaabeen ayaa dhawr jeer oo kala dambeeyay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalooyinkaasi, waxaana loo sameeyay Xaflado lagu dhiiri-gelinayo si kuwa kale ee ku hadhay laascaanood uga dabayimaadaan, taasoo dhalisay in labadii todobaad ee ugu dambeeyay Raxan-raxan ugu baxaan dhinaca deegaamadaasi.

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ka ee arimisa magaalada laascaanood iyo inta badan Deegaamada hoos-yimaada ayaa arintaasi ku tilmaantay war aan sal iyo raad toona lahayn, sidaasina waxa sheegay Madaxa imtixaanaadka Qaranka ee Wasaaradda waxbarashadda Somaliland Md Daa’uud Axmed Faarax oo magaalada Burco ugu waramay warfidiyeenadda“ Runtii waxaanu saxaafadda gobolka ugu yeedhnay in aanu ka hadalo war xalayto laga sii daayay T-V Somali-Sat oo ku saabsanaa qolo arday sheegatay oo inta suuqa laga soo ururiyay la doonaayay waxbarashadda gobolka Sool in lagu majara habaabiyo, oo runtii aad iyo aad uga socota gobolkaasi, ardayda ay sheegayaan ee ay leeyihiin waa ardaydii gobolka Sool oo imtixaanka ma galayaana runtii waxaan doonayaa in aan halkan dhukumantigooda iyo sawiradooda idiinku soo bandhigo oo aan idiin cadeeyo in ay imtixaanka u fadhiisanayaan “ ayuu yidhi Md Daa’uud Axmed Faarax.

“ Markan guud ahaan idiin sheego horta Laascaanood waxa ka furan sedex Secondary oo imtixaanaadka nala gala waxaaney kala yihiin dugsiga sare ee Nugaal, Ilays iyo Muuse Yuusuf Sidaa awgeed hadaba waxaan halkan ka cadaynayaa nin ku farxa iyo nin ka naxaba ma jirto arday reer Laascaanood ah oo imtixaan diiday, dhamaan ardaydaasi dugsiyadaas dhigata sawiradoodii iyo dhukumantiyadoodii ayaanu haynaa oo Aaroogoodu nuu soo gudbiyay waxaanan mar labaad cadaynayaa in aan imtixaanaadka wax iska bedelayaa jirin ,masalan Buuhoodle ayay ka hadlayeen ardayda Buuhoodle-na sawiradoodii shandadaas ayay iigu jiraan markaa waxa la yidhi nin daad qaaday xunbo cuskay waana nasiib daro dadka beentaasi sheegaya ,”ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.

Xukuumadda oo si gaabis ah u wada Xuska 18 ka May
Afhayeenka Madaxtooyada ayaa todobaadkan bilowgiisii sheegay in Madxada Gobolada lagu amray diyaar-garowga 18 May

Hargeysa(Waaheen)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay joojisay munaasibadihii loogu talo galay in lagu xuso 18 May ee dalka gudihiisa , taasoo ku beegan maalinta beri ee jimcaha ah.

Ma cadda ilaa hada sababta keentay in la joojiyo xafladaha lagu weynayno 21 guurada ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay gooni-isu taaga Somaliland, hase yeeshee ilo wareedyo madaxbanaan oo Wargeyska waaheen helay ayaa sheegaya inay dawladu amartay inaan wax munaasibada oo maalintaasi lagu xusayo aan loo qaban doonin sababo amniga la xidhiidha.

Munaasibadaha la tibaaxay inay xukuumaddu baajisay qabsoomidooda ee 18 May waxa ka mida Xafladihii lagu qaban lahaa Fagaarayaasha waaweyn ee wadanka, gaar ahaana Beerta Xoriyadda ee Hargeysa oo ah meesha ugu badan ee laysugu soo baxo iyo tii habeenimada lagu dhigi lahaa qasriga madaxtooyada.

Warkan ayaa soo baxaya xili ay maanta oo kaliya inaga xigto 18 May, taasoo sida muuqata aanay ilaa hada dawladu wax shax-shax ah oo loogu diyaar garoobayo muujin, waxaanay taasi dhalisay hadal hayntan shalay soo baxday ee sheegaysa in la joojiyay guud ahaanba munaasibadihii lagu xusi lahaa maalintaasi qaranka.

18 Bisha May ayaa sanadkii hore si weyn looga xusay guud ahaanba dalka iyo dibadiisa, waxaanu diyaar-garowgeedu socday ilaa kowda bisha May , hase yeeshee sanadkan oo ku beegan sanad guuradii 21aad ayaan u muuqan mid la mida ama ku dhaw-dhaw tii sanadkii hore, marka loo eego wakhtiga ka hadhay iyo dhaqdhaqaaq la’aanta dawlada ee xuskaasi.

Hadii ay dhacdo in la xusi waayo 18 May ee sanadkan waxa meesha ka baxaya war todobaadkii hore ka soo baxay aqalka madaxtooyada oo sheegayay in dawladu door weyn ka ciyaarayso xuska 18 May, kaasoo uu sheegay Afhayeenka madaxtooyada C/lahi Maxamed Daahir Cukuse.

Laba Wariye oo maalintii sadexaad u Xidhan wasiiraad sawirteen
Hargeysa(Waaheen)-Waxa maalintii sadexaad saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ku xidhan laba Wariye oo ka hawl-gala Wargeyska Madaxa banaan ee Yool, kuwaasoo maalintii Salaasada ee aynu soo dhaafnay laga qabtay Agagaarka Warshada Kabista Magaalada Hargeysa, ka dib markii ay sawiro ka qaadeen Wasiiradda Madaxtooyada iyo Arrimaha Gudaha oo halkaasi u tegay Rabshadihii sababay Iska hor-imaadka Dhimashada iyo Dhaawaca keenay ee dhex maray Ciidamada Qaranka iyo dablayda hubaysan ee Dhulka ku muransanaa.

Labada wariye oo kala ah Tafaftirihii Wargeyska Yool Maxamed cabdi Curad iyo Khadar Hayaan Xuseen oo ka mida hawl-wadeenada Wargeyskaasi ayaan ilaa hada la ogayn sababta loo haysto mudada intaasi le’eeg, hase ahaatee wararka aanu helayno ayaa sheegaya inay u xidhanyihiin Sawirrada ay labadaasi masuul ka qaadeen oo kaliya.

Suxufiyiintan ayaan sidoo kale ilaa hada wax Maxkamad ah la keenin, taasoo noqonaysa arin gef ku ah Madaxbanaanida Saxaafada, milgaha dawladnimada iyo Xuquuqda mawaadiniinta dalka u dhashay ee dastuurka Somaliland jideeyay inaanu mawaadinku xukun la’aan xidhnaan Karin wakhti ka badan 48 saacadood.

Xadhiga labadan wariye ayaa sidoo kale ah mid sharci daro ah oo ka hor-imanaya Madaxbanaanida Saxaafada iyo Xoriyatul-qawlka, kuwaasoo ay si toosa u qeexayaan dastuurka dalka u yaala iyo Xeerka Saaxafada Somaliland ee tirsigiisu yahay 27/ 2004, kaasoo si cad u xaarantimaynaya inaan qof wariye ah lagu xidhi Karin Mihnadiisa shaqo isagoo gudanaya hawl-qabadkiisa suxufinimo hadii aanu ku kicin fal ka baxsan xayndaabka Xeerka iyo qawaaniinta wadanka u yaala.

Joomitirada Dawladda Hoose ee Berbera: Caqabad hortaagan Dhismaha iyo Fiditaanka magaalada
Faalo: Weriye Maxamed Xaraggo

Berbera-(Waaheen)-Magaalo-xeebeedda Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee guud ahaan dhaqaalaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka soo xaroodo, ayaa labadii sano ee u danbeeyay ka soo kabatay dib-u-dhac ballaadhan, dayac iyo burbur ku habsaday dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay, taasoo qarka u saarnayd inay isu bedesho bahalo-galeen.

Darxumada iyo dayacaasi wuxuu sababay inay dadkii ehelka u ahaa uga hayaamaan dhinaca caasimadda Hargeysa iyo magaalada Burco, kuna hadhaan oo keliya shaqaale degaanno kala duwan ka kala yimi iyo safarro ganacsi habeen-dhaxeedu ku adkaa. taasoo aan tobankii sanno ee u dambeeyey guri cusub gudaheeda laga binnayn, mid ka duma mooyee.

Addeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida caafimaadka, laydhka, biyaha iyo waxbarashada, ayaa la rumaysanyahay inay xuddun u ahaayeen sababta reer Berbera uga hayaameen magaalada, ka dib markii gabaabsi iyo qaaliyow isu barkadeen.

Masuulliyadda magac-xumada Berbera cidii doontaa ha yeelatee waxa laysku raacsanyahay inay Berbera eersatay masuulliyiintii xilalka kala duwan ka soo qabatay oo indhaha ka laliyay inay hoos u eegaan magaalada, waxa kale oo iyaguna dib-u-dhaca Berbera laf-dhabar u ah Goleyaashii deegaanka ee codka shacabka ku yimi sannadkii 2001, oo ahaa Doorashooyinkii ugu horreeyay ee shacabku codkooda ku soo saaraan xildhibaannadii goleyaasha Deegaanka oo ay masuulliyad gaar ahi ka saarantahay haggaajinta addeegyada bulshada.

Tan iyo intii ka dambaysay isbeddelkii siyaasadeed ee uu talada dalka kula wareegay xisbiga KULMIYE 1-dii July sannadkii 2010, waxa magaalada Berbera laga hirgeliyay mashaariic door ah oo dib u soo celiyey cammirnaantii dadka iyo ganacsiga, waxana si xawli ah wax looga qabtay horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismeyaal tiro badan oo lagu kordhiyey xarumaha hay’adaha kala duwan ee ku yaal magaaladaas iyo guryo waaweyn oo dadweynuhu ka dhisteen.

Waxaa sannadkii u dambeeyey sii kordhayey dib-u-dhiska dhismeyaashii hore ee magaaladaas oo tobankii sannadood ee la soo dhaafay caaradu dabooshay oo aanay cidi gelin, sidoo kalena waxa gudaha iyo daafaha Berbera laga binneeyey dhismeyaal cusub oo isugu jira dabaqyo iyo daaro fiilooyin ah oo aan noocooda oo kale laga hirgelin magaalo-xeebeedda Berbera ku dhowaad labaatankii sanno ee Somaliland jirtay.

Isbedelka ka muuqda Berbera ee ay hormoodka u yihiin maamulka cusub ee Gobolka Saaxil iyo masuulliyiinti hore u joogay oo isla-jaan-qaaday waxa barbar taal arrin dhabar-jab ku ah horumarka iyo cammirnaanta magaalada Berbera, oo ah koox shebakad isku xidhan oo ku mamay laaluush iyo dhaqaale ay ku xidhaan muwaadin kasta oo doonaya inuu Berbera ka dhisto guri, waa Joomitirada dawladda Hoose ee berbera oo iyagu laf-dhuun gashay ku noqday dhismaha iyo korodhka magaalada Berbera.kuwaasoo shacab badan ku riday niyad-jab, ka dib markay war wareejiyaan muddo dheer amma weydiiyaan dhaqaale xad-dhaafa oo aanu muwaadinku bixin Karin.

Dad badani waxay ka niyad-jabeen daba-wareega iyo leel leelka kooxda Joomitirada dawladda Hoose ee Berbera iyo waaxda dhulku kula kacaan, waxaanad subax kasta indhahaagu qabanayaan boqollaal qof oo faylal ay guryo ku dhisan lahaayeen la hor tuban Xarunta Dawladda Hoose ee Berbera. Kuwaasoo la’ hawlwadeennadii u shaqayn lahaa, oo suuq-madow ka sammaystay magaalada, islamarkaana dhaqaale badan weydiiya ciddii guri doonaysa inay dhisato.

“Sanad baan daba-socday in lay sharciyeeyo guri aan doonayay inaan Berbera ka dhisto, ka dib markii aan waayay cid iga qabata faylasha iyo lacagta cashuurta igu waajibtay. Way adagtahaya sidaad ku hesho cid kuu shaqaysa, waxaanay sammaysteen goobo cayiman oo iyaga u gaara, oo cidda ay doonayaan ugu shaqeeyaan. Markaan muddo dheer daba socday ee aan ku daalay waxaan go’aansaday inaan ka hadho, anigoo gurigiina ka dhistay Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, haddii aan joomitirada iyo hawlwadeennada dawladda Hoose ee dhulka ku shaqo leh ummadda laga qabana waxa iman doonta in dad bulshadu niyad-jab darted u joojiyaan guryo badan oo ay dhisan lahaayeen.” Sidaa waxa yidhi Muwaadin ka mid ah dadweynaha niyad-jabka ka qaaday shebekaddaas oo aan kula kulmay magaalada Berbera, kaasoo magaciisa ku soo gaabiyay Ayaanle.

Kooxda Joomitirada Dawladda Hoose ee Berbera waxay ku mameen lacago xad-dhaafa oo ay ka helaan muwaadiniinta ay wadnaha qabteen. sidaa daraadeed Maamulka Gobolka Saaxil, Golaha Deedaanka iyo cidkasta oo ummadda u tudhaysaa waa inay meel uga soo wada jeestaan kooxdan caqabadda ku ah horumarka oo tallaabo adag ka qaadaan.

Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago)

Bulshada Ceerigaabo oo Kalsooni Ka Muujiyey Hawlaha Amniga Ee Boliiska
Ceerigaabo(Waaheen) Muddo ku siman dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey ayaa kasokow isku xidhnaanta dhexdooda ah waxa si weyn wax isaga beddeleen hawlgalaha dhinaca amniga gudaha Ceerigaabo ee boliisku gacanta ku hayaan taasoo loo aanaynayo boliiska oo si weyn kor ugu qaaday wax badanna ka beddeley sidii xilliyadii hore ay u shaqayn jireen.

Waxa xusid Taliyaha Qaybta Boliiska G/Sanaag Xasan Ismaaciil Yuusuf (Bulay) oo dhawr bilood ka hor xilkan xukuumaddu u magacawday ayaa ah mid  had iyo jeer askarta iyo xeryaha dhexdooda ku sugan, taasoo xagga saraakiishiisa iyo askarta kaleba ku beertay kalsoonida taliyahooda islamarkaasna fududaysay wada shaqaynta boliiska dhexdooda iyo wax kastoo  soo kordhaba si deg deg ah in boliisku uga hawl galaan, ilaa imminkana xilliga taliyahani cusub aan wax guuldarro ah kala kulmin hawlgallada dhinaca amniga ee ay ku tallaabsadaan.

Waxa sidoo kale qaybsamay shaqada gudaha magaalada gaar ahaan xilliyada habeenka oo boliisku si waaxyaysan ugu kala qaybsan yihiin amniga magaalada iyagoo wixii lasoo dersana ay ka siman yihiin oo adeegsanayaan telefoonnada gacanta (mobile)  halka taliskoodana ay ku sugan yihiin Taliyahan qaybta iyo weliba gaadiid hawlgal diyaar u ah inta bandanna ciidanka oo gaadiidka saarani habeenkii waxay kormeer ku maraan daafaha magaalada.

Waxa meesha ka baxay dhibaatooyin inta badan habeenkii dhici jirey oo xataa mararka qaarkood dhac iyo boob bulshada lagula kici jirey laga yaabo arrimahaasi in ay sababi jireen dhibaatooyin intaas kasii badan.

“Habeenkii dumarku waa ka cabsan jireen suuqa weliba telefoonnada inta badan maannu qaadan jirin ama waa qarsan jirney laakiin imminka meel kasta askari boliis ayaad ku arkaysaayoo wax cabsi ah ma qabno ilaahna belo nama tuso”. Sidaas waxa tidhi mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Ceerigaabo.

Waxa taas bar bar socota hawlaha bulshada dhexdeeda soo kala dhex mara ee ay uga dacwoodaan boliiska oo xilliyadii hore xil iska saariddoodu aad u yaraan jirtey ama ayba mararka qaar aad u yarayd sidii cid joogto ah oo bulshadu cabashooyinkooda u gudbin karaan ama wax uga qaban kartaba looga heli jirey saldhigyada bulshaduna had iyo jeer kaga caban jireen ayaa xilligan waqti kastaba waxa saldhigyada boliiska Ceerigaabo si joogto ah ugu sugan waaxyaha ku shaqada leh hawlaha sharci ee bulshada dhexdeeda ah.

“Waxa dhici jirtey mararka qaarkood inaad saldhiggaba adigoo dacwoonaya cid wax kaa qortaba weydo ama xataa qofkii aad dacwaysey lasoo xidhi waayo ama haddii lasoo xidho marka aad baxdo lasoo deyn jirey laakiin imminka taasi ma jirto waana mid boliiska loogu mahadnaqo”.  Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dillaaliinta xoolaha nool iibiya ee Ceerigaabo.

Arrimahaasi waxay sabab u noqdeen in boliisku sugeen amniga gudaha ee magaalada Ceerigaabo taasoo guud ahaan bulshada halkaas ku dhaqani xataa haddii ay qabaan tabashooyin gaar ahaaneed aanay marnaba qarinayn kana mahad celinayaan isbeddelka boliisku ka muujiyeen dhinaca amniga magaalada Ceerigaabo.

Waxa iyaduna in la xuso mudan taliyahan boliiska Sanaag kuma koobna gudaha Ceerigaabo balse sidan oo kale wuxu uga hawl gala oo isagu gaadhigiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ku tagaa dhammaan degmooyinka gobolku ka kooban yihiin mar kastoo loo baahdo iyo xataa mararka qaarkood oo uu kormeerrada shaqo ee u gaarka ah ku tago.

Sikastaba ha ahaatee xilligan ayaa bulshada magaalada madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo waxay si weyn kalsooni uga muujiyeen isbeddelka wanaagsan ee boliisku ka muujiyeenguud ahaan dhinacyada amniga iyo kala danbayntaba.

Madaxa Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo sheegay in la masuq maasuqo Gar-gaarka loogu talagalay
QM oo aduunka ugu baaqday sii wadidda gargaarka ku wajahan Soomaaliya

Hargeysa(Waaheen) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la musuq maasuqo Raashinka gar-gaarka ah ee loogu talagalay in la siiyo dadka ku dhibaataysan Soomaaliya.

Steven Poriate, Madaxa Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in la masuq maasuqo gar-gaarka loogu talagalay dadka ay Macluusha ku hayso gudaha dalka Soomaaliya.

Mas’uulkani ayaa waxa uu sheegay in gurmed gar-gaar  ah oo loogu talagalay dad shacab ah la leexsaday, islamarkaana sidii loogu talagalay aan loo gaadhsiin dadkii u baahnaa.

Sidoo kale Mas’uulkani ayaa sheegay in QM ay u qorsheysay dadka dhibaateysan in bishii qofkiiba uu helo 80-dollar iyo raashin, hase ahaatee la musuq maasuqo waxyaabihii loogu talagalay dadka u baahan gar-gaarka ee ku sugan dalka Soomaaliya taasi oo ay ugu talageen inay ka faa’ ideystaan ilaa 15-kun oo qof.

Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa xillli dhawaan Qaramada Midoobay ay sheegtay in Malaayiin qof oo Soomaali ah wali ay hayso dhibaatooyin bini’aadannimo islamarkaana ay u baahan yihiin in la caawiyo.

Dhinaca kalena Qaramada Midoobay ayaa aduunka ugu baaqday in la sii xoojiyo gargaarka la siiyo Soomaaliya, halkaasoo ay wali dad dhan 2.5 milyan u baahan yihiin taageerro bani’aadannimo si looga hortago macluushi sanadki tagay oo kale.

Kalkaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada, ahna Ku-xigeenka Isku-xidhaha Gargaarka Degdega ah, Catherine Bragg, ayaa sheegtay inay muhiim tahay in diiradda la saaro sidi gacan loogu siin lahaa dadka hanashada qaab nololleedkooda, taasoo lagama’maarmaan u ah dhismaha adkeysi ku aadan abaaraha iyo sammeynta kale.

“Waxaan ugu baaqay dhammaan saamileyda inay markale muujiyaan ka go’naasho ku aadan illaalinta kuwa ugu nugul oo ay xaqiijiyaan in baahidooda aasaasiga ah la wajaho,” ayey Catherine ku tiri warbixin lagu shaaciyey Nairobi.

Catherine ayaa Sabtidi tagtay soo gabagabeysay socdaal shan cisho ahaa oo ay ku soo kala bixisay Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay ku qiimeyneysay habsami u socodka dadaallada bini’aadannimo ee lagaga jawaabayo saammeynta abaarti 2011.

Dalka Soomaaliya ayey ka jirtaa cabsi ku aadan in abaarti sanadki hore ay dib u soo noqoto, taasoo ay sabab u tahay roobabka xilligan oo gaabis ah.

QM oo ka digtay inay dib u dhac ku timaado doorasho Soomaaliya ka dhacda marka la gaadho bisha August
Hargeysa(Waaheen) War murtiyadeed ka soo baxay shirkii ay golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda dawlada Soomaaliya looga digayo inay dib u dhigaan doorashooyinka madaxtinimo marka la gaadho bisha August ee sanadkan.

Warkan ka soo baxay golaha amaanka ee QM waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka walaacsan tahay inuu dib u dhac ku yimaado in Soomaaliya ay doorasho ka dhici waydo isla markaana ay jiraan qodobo badan oo aan dawladu ku guul daraysatay inay wax ka qabato kuwaasoo ahaa go’aanadii ka soo baxay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkan.

“Waqtiga dawlada wuu uu ku socdaa dadaaladana siyaasadeed ee dawladu wadana waxaa ay marayaan marxalado adag” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M.

Safiirka dawlada Maraykanka u fadhiya QM haweenayda la yidhaahdo Susan Rice oo kulankaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in dib u dhac ku yimaada in doorasho dhacdo bisha August ay tahay wax aan la aqbali Karin

Susan Rice waxa ay tilmaamantay in inkastoo ay dawladu ay guulo ka gaadhay amaanka dalka haddana loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin siyaasadeed oo muhiim ah si looga baxo xilliga KMG waxaanay intaa ku dartay in xilligaan aanay aqbali Karin in waqtiga dawlada KMG la kordhiyo.

“Dib u dhac kasta iyo waqtiga oo dhamaada waa wax aan loo dulqaadan doonin waana in la sameeyaa dadaal klasta oo looga gun gaadhayo in ku meel gaadhnimada laga baxo” ayay tidhi Susan Rice oo dawlada Maraykanka u fadhisa Q,M.

Safiirka dawlada Faransiiska u fadhiya QM Gerard Araud iyo ku xigeenka safiirka Ingiriiska ee QM Philip Parham ayaa iyaga tilmaamay in loo baahan yahay in todobaadyada soo socda la fuliyo qodobo dhawr ah kuwaasoo muhiim u ah fulinta qorshaha tubta nabadda ee Road-Map-ka la yidhaahdo.

Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjira Augustine Mahiga iyo M/weyne Sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in dawladu u baahan tahay dhaqaale ay ku fududeyso waxyaabaha looga baahanyahay ka hor inta aan la gaadhin bisha August ee sanadkan.

Ururka Midawga Yurub ayaa dhawaan sheegay inay iyana ay ka soo hor jeeedaan in dawladu waqti korodhsi samaysato.