Madaxweyne wax la qaado maxaa u culus,? Waxa u culus xil umadeed iyo axdi.

0
771

Jamhuuriyadda Somalilland

Aartikalkan wuxu ku saabsan yahay xil- umadeed ninka dusha u rita.

Madaxweyne wax la qaado maxaa u culus,?

Waxa u culus xil umadeed iyo axdi.

Waxan ahay aqoon yahan konton sano macalin soo ahaa.waxan doonayaa madaxweynaha hada jooga in aan talooyin koob kooban siiyo.

Madax-weyne Ilaahay baa kuu gartay in aad noqotid ninkii Shanaad ee Somaliland madax ka noqda.

Madaxweynayaashii kaa horeeyey hadaan mid mid u soo qaato waxa u soo horeeyey Cabdiraxmaan Axmed Cali aad iyo aad buu u nasiib xumaa. Wuxuu la kulmay dadkiisii iyo dalkiisii oo cagta la mariyey oo aanay daari ka taagnayn. Waxa baabacada loo saaray dhinbiil dab ah.Waa taariikh lama ilaawaan ah.waxa ku xigay Maxamed Ibrahim Xaji Cigaal,

waxan hubaa inuu ahaa halyey afrika siday u dhantahay ka baxay. Wuxuu ahaa siyaasi, geesi go’aan qaadasho leh, ku dhac leh, isku kalsoon. Nin maadiya oo aduunyo u jeeda muu ahayn. Seddex milyan oo dolar ayuu qasnadiisa loogu tegay, waanu ku dardaarmay. Wuxuu doonayey taariikh iyo magac dhaxal gal u noqda oo lagu xasuusto.wuxuu noo qabtay SNM ayuu horta markiiba hubkii ka dhigay, wuxuu sameeyey distoor,baarlamaan, guurti, ciidan isku dhafan oo boolis iyo meliteriba leh,wasaaradihii lagu shaqaynayey oo tafatiran. Wuxuu inoo hindisay asxaabtii dimuquraadiyada lagu gaadhayey, waatan ilaa hada lagu caano maalay cigaal wuxuu ahaa ninkii joojiyey dhidibada lagu taagan yahay. Maanta Ilaahay naxariistii jano ha siiyo. Waxa ku xigay Riyaale wuxuu ahaa nin macaan oo wanaagsan. Weliba degan . shacabkeenu markuu siilaanyo latartamayey Dahir Riyaale Kahin in loo doorto Somaliland waxay ku ahaayeen sax.waayo beryahaa waxa socotay borobogando odhanaysa reerkii ugu badnaa ayaa meeshii qabsaday, taasina meesha way ka baxday, habar habartii dayuusada ahaydna waa laga bogsadey. Doorashadii danbe ee Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ku tartamayey si fiican oo sharaf leh, gobanimo ku jirto ayuu xilkii ugu wareejiyey waa taariikh nin walba oo Somaliland ah ay waajib tahay inuu barto. Waxa ku xigay siilaanyo waxa uu ahaa nin waxbaadan soo halgamay SNM madax ka noqday. Wadanka xoriyadiisana kaalin mug leh ka qaatay. hadana se sidii ladoonayey uma shaqayn xafiisyo waaweyn oo calafaashuusha iska wada madhan oo dadku shaqeeya loo hayn iyo wadooyin ayuu xooga saaray. Hantidii umada lagu buburiyey maamulkii siilaanyo mad madow badan ayaa ka muuqday shicbkuna intiisa badan waxa loo

arkayey maamulkiiba in laga faramaroojiyey. Wuxuu noqday madaxweyne gaboobey oo weliba xanuuno ku jiraan.

Sidaas darteed samax ayuu inaga yahay aniga taladayda. Ninkaan se doonayaa in aan si adag ula hadlo waa madax-weynaha hada kursiga ku fadhiya Muuse Biixi Cabdi. Waxa tahay ninkii shanaad ee ugu nasiibka wanaagsana xaqii aad wadanka ku lahayd ayaa ku hiiliyey. Waxaad gashay doorasho dumuqraadiya oo ah hal qof iyo hal cod. Bari, galbeed iyo dhuuxii hargaysa M/jeex si baaxad leh oo waliba cadaalad ku samaysan ayaa lagugu soo doortay, si nabadgalyo ahna kuugu dhamaatay. Waxan doonayaa inaan ku siiyo talooyin koob kooban. Horta ima taqaanide maan isku kaasheego. Waxaan ahay macalin Aadam dadkeena konton sano iyo wax ka badan wax soo baray, debada iyo gudahaba aad bay dadku ii yaqaan. Waliba waxaan ku magac dheerahay Aadan daafe . Waligay intii madaxayga saantu ku jirtay xumaan marnaba kuma talin kumana fakirin . Carabta imaaraadka waxan macalin ka noqday toban iyo labaatan sano. Hadda se wadanka waxan joogaa afar iyo toban sano. Hasayeeshee hadda waan gaboobay waxan galay Hawlgab ama (taqaacud) ritaayar dadkii aan wax baray waxay ku kala noolyihiin dunida daafaheeda, qaarkoodna hargaysa ayey joogaan iyagoo doctors iyo Engineer ba leh.

Markay meelaha isaga hornimaadno si fiican bay ii salaamaan intaasi aniga waa ii sharaf. Kuwa qurbaha ka shaqaysta qaarkood, waxa lagu yidhi macalin aadan beri hore ayuu ka shubay ama uu dhintay . Hadaba waxaan doonayaa dhalinyarada debeda joogta inaan u sheego weli inaan noolahay aad iyo aadna u caafimaad qabo. Ducadoodiina Illaahay ka aqbalay. Aartikalkan waxaan gelin doona, baraha bulshada, internetka, websitka si dhalinyarada debeda joogta qof waliba u akhriyo. Waxa kale oo aan doonayaa in aan u sheego dadkeena waxaan isu badalay qoraa, waxaan badhtanka kaga jiraa kutub ingiriisi ah oo garaamar u badan iyo kutub taariikhdii Somaliland ka hadlaysa. Taasi waa intii aniga igu saabsanayd. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hadaan kula yar kaftamo waa in tasa oo aad la kulantaa articalkane,

Markaad siilaanyo kursiga ka rux ruxanaysay niman badan oo aad isku reertihiin siyaasadana kaaga faradhuudhuuubnaa ayaa si baas kuu garbinayey. Khaasatan Marka la qayilayo qaarkood waxay odhan jireen muuse muxuu siyaasad ka garanayaa waaba askariye. qaarkoodna waxay odhan jireen waa mujaahid usoo halgamay wadanka oo xaq buu u leeyahay inuu noqdo madaxweyne. Arintaasi sidaas baa loogu kala qaybsanaa. Hadaba wixii tallo aan mooday aan kuu sheego, madaxweyne dadka reer soomaliland dhalinyaro iyo waayeelba waxa lagaga fadhiyaa horuumar balaadhan. Sidaa lawada ogyahay beryahan waxa dhacaya dabayl geeska afrika kusoo ruqaansatay. Isbedel weyn durtaba abuurtay. inaga Ilaahay ha inooga dhigo dabayl caafimaad. Waxase lagaga baahanyahay taxadir weyn. Shicibkeenu aadbay u wanaagsanyihiin waxa keliya ee ay u baahanyihiin waa madaxweyne hogaamiya oo daacad ah, nabad gelyadooda, cadaaladooda, hantidooda, hantida dawladaba ilaaliya. Shuruudihii caalamku doonayey si fiicanbaynu u dhamays tirnay. Nasiib darro, sideed iyo labaatan sano ayuun baa madaxa la inoo salaxayey, indhuhuna cirka inaga jireen. Dadkeenu wuu ku garanayaa sidii roona rabi ayaa og. Dagaalkii sokeeye ee soo noqo noqday waxan odhan lahaa haku mashquulin waa

mashruuc lagugu dhabar jebinayo. Weligiiba geel jire markuu caanaha ka dhergo ayay rasaasta isla dhacaan. Koofiyad bacleh iyo siyaasi ayaa ka danbeeya, waa dad isdhalay waa kugu dhimay oo kaa dhimay , iyaga ayaa iskood u heshiin doona ee dantaada guud qabso. Jeegaanta la sheegayo yaan lagugu beer laxawsan waa lagu siman yahay. Sarkaalka ciidankeena ka goostay ee la baxay hubka iyo baabuurta waa in si deg deg ah loo soo qabtaa. Dawladaha hore u maray waxay cadaadis saareen islaamka waxa laga rabaa in aad noqto islaamka siyaasadiisu qunyar socodka tahay. Waddaada raadhikalka ah ee ina la degan isha ku hay dhaq dhaqaaqooda. Waxa kale oo loo baahan yahay xoog inaad saarto ciidanka jiida hore fadhiya Tuka-raq. Beesha bariga ku nool inay cabasho ka timaado looma baahna hadiise wanaagu u cuntami waayo u Samir. Dhegta hadii lagu jaro daloolka ayuunbaa hadha. Waxaan sidaa u leeyahay siddeeda reer ee walalaha ah waxa lagu yiqiin Gobonimo iyaga ayaa isku xun oo isma indho buuxiiyaan. Dadka kale se way u wanaagsanyihiin. Dadka waxaan u necebahay qabiilka Shaashada tv ka hadla oo yidhaahda beesha reer hebel hadaanu nahay. Taariikhdii ingriisku dhulkeena cagaha soo dhigay waxay ahayd kun siddeed boqol iyo todoba iyo labaatan 1827 . sannadku markuu ahaa odayaashii berbera kula kulmay. Wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaan idinla soo dago dalkiina kuna wada noolaano maamul iyo ciidan idiin sameeyo, lacag badana waan idiin sidaa arintaas bal kawarama. Waxay ugu jawaabeen barbari wax faraq lagu qaado kawayn. Bal horta cagaha dhulka ka qaad oo markabkaaga dushiisa inagee. Bal horta Halkaas baynu kuwada hadli doonaaye. Ingiriiskii wuu ka yeelay. Dushii markabka hadii la tagay waxay ku xidheen shuruudo adag oo lix qodob ka kooban oo uu liqi waayey ingiriiskii, waxay u diideen inuu warqad ku qoro, waxay ku yidhaahdeen saanta xoolaha ku qor lixda qodob. Faahfaahinta buugaan aan qorayo ayaan ku faahfaahin doonaa waa taariikh dhalinyadu ubaahan tahay. Ingiriisku waxa uu ogaaday in afrikaanka aynu ka fiican nahay oo aan la ina gumaysan Karin. Aad iyo aad buuse inooga cadhooday waxa kasii daran Sayid Moaxmed cabdalle xasan oo misane sannado badan la dagaalamayey Tabna uu kala bixiwaayey. Mudo markuu joogay ayuu sibiq sibiq inoo soo dhexgalay. Turjumaano soomali ah ayuu cadan ka keenay. Markan wuxuu qaraar ku gaadhay inuu aar goosto. Wuxuu ogaadey soomalidu geela inay jeceshahay reer guuraana ay tahay. 1954 ayuu dhulkii geeleenu daaqi jiray xabashi u dhiibay wuxuu ku yidhi dhulkan adigu ka tali, dhex u hay inta UN ku go.aan ka gaadhayso waa (Reserve Erea.) Somalida la sheego maaha shan waa afar waayo reserve area waxa ingriirskii ka jaray Somaliland taasi waa in nin walba ogaadaa xisaabtana lagu darsado. Madaxweyne Muuse fursad dahabiya ayaa hortaada Iman doonta illaahay idinkii, caalamku diirada ayaa lagu hayaa Somaliland, iyaga ayaa inoo baahan carabta iyo xabashida yaan dhankooda lagaa xigin, lagaana marin saxeexa dawladuhu way isku xadaan Timir lafbaa ku jirta, duduub haku liqin iska hubso carabta maanta lacagta la ordeysa waxay soo mareen awoow yaashood gaajo iyo darxumo aan la qiyaasi Karin. nin imaaraatiya ayaa beri hore

jaraaidka ku qoray wuxuu yidhi afar nin baan dhalay, laba gaajo ayay u dhinteen, labana waxay u dhinteen dhereg hadaba waxa lagagaga fadhiyaa cumaamada in aad madaxa ku duubato, sidii aad weligaaba yeeli jirtay, markay hawli kula soo deristo. Waxa lagaa rabaa inaad qorshayso boqolka sano ee soo socda caruurteenu waxay ku noolan lahaayeen. Barkhad cas ninkii la

odhan jiray ayaa heeso badan tiriyey heesta xoriyad doonkii. xamar waqtigaa waxay haysteen dawlad daakhiliya. Wuxuu odhan jiray ,

hadaanan oo hadaanan xamar way hadhaysan tahee hargaysaay ku saaran heegada. Lixdankii markii Somaliland xoriyadoodii qaateen waxaan ahaa nin dhalinyaro ah oo si fiican wax u kala garanaya.jibadii shicibka ayaa xamar ina geysay waxay ahayd Rsearve Erea si xabashada dhulkeenii xoog lagaga soo ceshan lahaa inaga oo xamar iskaashanay nasiibdaro waa se lagu khasaaray Waxaan hadalka ku soo gunanadayaa Muuse , hadii guyaal badan nabsi gaabinayaa soomaaliland si gaar ah inoo helay dabayl caafimaad ayaa aniga ii soo urtaye sidaas darteed gurmadkiisa aqoonsiga aduguna ha gaagixin shicibkuna gaabis yuu noqon. Waa macalin Aadan, ku magac dheer (Aadan daafe)

Allaah….Mahad….Leh

Aadan Yuusuf Yaasiin

Tell:0634477905

Hargeisa/Somaliland