Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Arrinta Jigjiga Amarna Bixiyey

0
789

Hargeysa (Waaheen):- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo  maanta khudbad u jeedinaayey ardeyda ka qalin jabiyey ardeyda Jaamacada Camuud ayaa waxaa uu ka hadley xaalada cusub ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal jaar la ah Somaliland isla markaana jaarka uu ilaahay dooro isla markaana ay Somaliland nabad galiyo iyo walaal tino kula noolaaneyso , isla markaana waxii dhexdooda ka soo cuboonada ee ay tan maanta jirtaa ay kamid tahay na ay u rajeynayaan in ay nabad ugu dhamaado .

Sidoo kale madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu amar ku bixiyey shacabka reer Somaliland na bari iyo Galbeed ba uu ka codsadey in la nabad galiyo shacabka reer Itoobiya ee dalka Ku nool oo ay ilaaliyaan magantu waxay tahay oo aan la wax yeeleen