Saamaynta Uu Heshiiska Ereteriya Iyo Itoobiya Ku Yeelan Karo Somaliland

0
275

Hargeysa (Waaheen):- Magaalada Abu-Dhabi ee dalka  Imaaraadka Carabta waxa shalayka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea. Wuxuu gunaanad u ahaa dedaal aan si rasmi ah loo garanayn cidda dabada ka riixaysay oo ay ugu dambayn labadan wadan ku saxeexeen heshiis taariikhda galay.

Dad badan oo isweydiinayay su’aal ahayd dalka dhexdhexaadiyay Ereteriya iyo Itoobiya, ayaa shalay helay jawaabta oo ah inay guulaysatay diblomaasiyadda Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga oo u muuqda in Maraykankuna hoosta kala wado.

Dhaxalsugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid ayaa qasriga madaxtooyada kula kulmay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Aferwerki, waxaanu ammaanay heshiiska dhex maray Ereteriya iyo Itoobiya, isagoo bilad sharafta ugu saraysa dalka UAE guddoonsiiyay labadan hoggaamiye.

Heshiiskan labadan wadan oo ay dunidu si weyn u soo dhawaysay waxa la aaminsanyahay inuu wax weyn ka tari doono degenaanshaha mandaqada gobalka Geeska Afrika, waxaanu geesta kale gobalka Geeska Afrika ku soo kordhin doonaa isbedelo siyaasadeed oo cusub.

Meelaha la aaminsanyahay in heshiiskani saamayn ku yeelan doono waxa ka mid ah Somaliland iyo Djibouti.

Djibouti waxa ay la baaxaa degaysaa walaac siyaasadeed oo ay ka qabto heshiiskan. Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraaq u diray bishan safiirada djibouti ee dibadda u jooga, waxaanay Djibouti ka digaysaa in si fudud Ereteriya looga qaado cunaqabataynta.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa warbixin uu shalay qoray oo ku saabsan walaaca Djibouti ka qabto heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya wuxuu ku yidhi

“Toddobaadkii hore, diblumaasi reer Jabbuuti ah [wasiirka khaarajiga Djibouti], ayaa ka murugooday in Itoobiya ay kursiga ay ku fadhido ee xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, u isticmaashay in ay ka dhigato cadaadis ay ku doonayso in cunaqabataynta laga qaado Eriteriya.”, wuxuuna wargeysku intaas raaciyay “Haddii Ereteriya cunaqabataynta laga qaado, wasiirka khaarajiga Djibouti Maxamed Cali Yuusuf wuxuu qirsanyahay inuu saamayn taban ku yeelan doonaa wadankiisa.”

Wargeyska Daily Nation oo warbixintiisa sii wataa, soona xiganaya warqadaas wasiirka khaarajiga Djibouti oo ay saxaafadu heshay wuxuu yidhi “War kooban oo uu siiyey ergadiisa dibadda [safiirada], oo warbaahintu heshay, Maxamuud Cali Yuusuf [Wasiirka khaarajiga ee Djibouti] waxa uu ku andacooday in Ereteriya weli laga rabay in ay joojiso habdhaqankeeda-dagaalka u eeg ee ay kula macaamilayso deriskeeda iyo in Itoobiya ay khalad ku geli karto aqbalaaddaas degdegga ah ee ay ku soo xerogelisay.”

Djibouti waxay dareensantahay inaanu heshiiskani war wanaagsan u ahayn. Qodobka koowaad ee Djibouti warwarka geliyay ayaa ah dalka dhexdhexaadiyay Itoobiya iyo Ereteriya oo ah Imaaraadka Carabta oo heshiiskan hirgeliyay dhawr bilood uun ka dib markii ay Djibouti laashay heshiiska ay shirkadda DP world ee dekeda Dooraale. Waxa ay Djibouti arkaysaa in Imaaraadku heshiisiinta labadan wadan ku bixiyay maalgelin iyo dedaal diblomaasiyadeed, ujeedadiisuna u weynina tahay inuu Djibouti wiiqo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Dhowaan markii khilaafka khaliijku qarxay, oo ay Jabbuuti u baydhay dhinaca Sucuudiga, ayaa ay dawladda Qatar la baxday ciidamo ka joogay xadka u dhexeeya Djibouti iyo Eriteriya. Waxaa fursaddaas ka faa’iidaystay Ereteriya oo qabsatay dhul dheeraad ah oo ay Jabbuuti leedahay. Taas oo sii adkaysay colaadda dhinaca xuduuda ah, muddada dheer labada dal u dhexeysay, iyada oo ay Djibouti dhowaan sheegtay inay Ereteriya xuduudka la isku haysto soo dhoobtay ciidamo.

Qodobka labaad ee walaaca ku abuuray Djibouti ayaa ah in Itoobiya u wareegto dekedda Ereteriya, maadaama oo ay Djibouti kooto ku qabsatay ganacsiga Itoobiya ee Djibouti ka dhoofa ama ka soo dega, taas oo macnaheedu yahay in Djibouti tahay dalka keliya ee ka faa’iiday colaadda Itoobiya iyo Ereteriya. Sidoo kale waxa suurtogal ah in dalal reer galbeed ah oo uu Maraykanku kow ka yahay ay saldhigyo milateri ka samaystaan Ereteriya, taas oo wiiqaysa saldhigyada hadda ka furan Djibouti, ayaa iyana noqon doonta dhaawaca kale oo soo gaadha Djibouti.

Imaaraadka Carabtu hore ayay u balan qaadeen inay Djibouti ku celin doonaan noloshiisii hoosaysay ee ay ku sugnaayeen intii aanay DP world cududeeda ku biirin horumarka dekeda Djibouti. UAE waxay u muuqataa inay doonayso inay si uun u dhabayso hanjabaadaas.

Dalka labaad ee uu saamaynta ku yeelanayo heshiiskani waa Somaliland. Waxa dhawaan si rasmi ah dekedad Berbera ula wareegay shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP world, oo saami dhan 19% ka siisay Itoobiya maalgashiga dekedda Berbera. Suuqa ugu weyn ee ay DP ugu tallo gashay dekedda Berbera waxa weeye Itoobiya.

Dad badan ayaa aaminsan in heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya uu saamayn ku yeelanayo fikirkii DP world ay ku doonaysay in kadinka Itoobiya noqdo Berbera. Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxa ka dhexeeya xidhiidhka sababta u noqday in UAE ay la wareegto dekedda Berbera islamarkaana saldhig ciidan laga siiyo Berbera. Waxase iyana xiiso leh in Imaaraadka Carabtu uu ka soo shaqeeyay heshiiskan, iyadoo DP world ay tahay shirkad ay leedahay UAE, waxaana markaas soo baxaya arrin u baahan fasir badan oo ah ujeedada rasmiga ah ee Imaaraadka Carabta iyo DP world ka leeyihiin dekedda Berbera,iyadoo ay marka horeba jireen dad reer somaliland ah oo su’aalo ka qabay dhumucda xidhiidhka Somaliland iyo UAE.

Si kastaba ha ahaate, Djibouti iyadoo dareensan halista soo waajahday waxa ay bilowday dedaalo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay kula heshiiso dalka Ereteriya. Waxaanu wasiirka khaarajiga Djibouti safaro ku marayaa wadamo badan si uu taageero ugu helo dalabka ay Djbouti u gudbisay Qaramada Midoobay ee ah in la dhammeeyo khilaafka xuduudeed ee Djibouti iyo Ereteriya.

Djibouti waxa laga dareemayaa in ay doonayso inay ka gaashaamato inaanu saamayn taban ku yeelan heshiisku, haddii uu ku yeeshana ay saamayntaasi noqoto mid khatarteedu yar tahay ama la xakamayn karo.

Laakiin waxa muuqata inaanay Somaliland weli dareemin amaba si culus u garwaaqsan saamaynta uu heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya ku yeelan karo. Waxa dawladda Somaliland looga baahanyahay inay samaysato qorshe iyo diyaar garow ay kaga gaashaman karto saamayn kasta oo taban oo uu heshiiskani ku yeelan karo, waxaanay arrimahan kaga gudbi kartaa habacsanaanta diblumaasiyadeed ee waayadan dambe ka jirta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland oo meesha laga saaro iyo la tashi ballaadhan oo uu madaxweynuhu arrinta kala yeesho saaxiibbada iyo dadka aqoonta u leh arrimahan si loo raadiyo xal ay Somaliland kaga baxsan karto dhib ka dhalata isbedellada xawaaraha ku socda ee gobalka ka taagan.

Source:- Geeska