Somaliland: Xukuumadda oo Lacag Cusub soo Daabacday

0
145

Hargeisa(Waaheen) Xukuumada Somaliland ayaa lacag Cusub Oo Somaliland Shilin ah soo Daabacday, Lacagtan oo Maanta Dalka Soo gaadhay ayaa laga soo Dejiyey Madaarka Caasimada Hargeisa ee Cigaal international Airport.

Kadib markii lasoo Dejiyey Lacagtan ayaa loo soo Xamaalay Bangiga dhexe Ee Somaliland, waxaana lagu soo qaaday laba gaadhi oo waawayn kuwaasi oo ah nooca Xamulka ah.

Qiimaha doolarka ayaa in dhawaydba aad qaali u ahaa iyadoo uu maalmihii u dambeyey marayey 1050,000 boqolkii Dollar. Qiimaha sarifka ee kor usii kacaya ayaa inta badan loo sababeeyaa Lacagta Somaliland shilin ka oo suuqa ku badan iyo Dollarkii oo yaraaday. Inkasta oo isku dayo badan ay samaysay Xukuumada haatan talada haysa iyo tii ka horaysay ee Siilaanyo, hadan ilaa haatan ma jiro oo hoos u dhac ah oo ku yimi qiimaha isku badalka shilin ka SL iyo Dollar-ka