Roobab Duufaano Xoogan Wata Oo Galabta Ka Da,ay Magaalada Salaxlay

0
309

Hargeysa (Waaheen):- Roobab wata duufaano iyo dabeylo xoogan ayaa waxaa ay galabta ka da,een magaalada Salaxlay oo dhinaca koonfureed 50 Km kaga began magaalada Hargeysa isla markaana la siman magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd una jirta dhawr iyo toban KM

Roobabkan duufanada watey ayaa shabakada Ilaysnews.com loo soo sheegay in khasaare naf iyo maalba leh uu geystay .

 Waxaa warbaahinta Ilaysnews.com loo xaqiijiyey in ilaa hada la hayo hal wiil oo dhimasho ah isla markaana ay jiraan dad badan oo koomo ku jira .

Sidoo kale Roobkan Duufanka wata ayaa waxaa uu dumiyey dugsigii Salaxlay iyo guro kale oo badan .