Gudoomiye ku Xidheenka UCID oo laga Eryey Jaamacada Camuud

0
329

Hargaysa(Waaheen)Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ah ee ucid Cabdinaasir Buuni ayaa qoraal ka soo baxay jaamacadda Camuud oo uu arday ka ahaa isla markaasina ka dhigan jaray kuliyadda shareecadda laga eryay.

Qoraalka Jaamacadda ayaa lagu sheegay inuu guddoomiyahu isaga oo Arday ah ixtiraami waayay shuruudaha u yaala jaamacadda isla markaasina hadalo uu jaamacadda ku dhaliilayo ka jeediyay warbaahinta kala duwan.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee xisbiga Ucid ooWarbaahinta qaar la hadlayey ayaa ugu waramay inuu Maqlay Warqada jaamacadda lagaga eryayo balse eedaha ay cuskadeen ayuu ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin.