Al-Shabab oo xeelad cajiib ah u adeegsatay weerarkii lagu dilay Ameerikan-ka

0
204

New York (Waaheen) – Wargeyska The Daily Beast ee Maareykanka ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ay xeelad cajiib ah u adeegsatay weerarkii ka dhacay Jubbada Hoose ee lagu dilay askariga Mareykanka.

Ciidmada gaarka ah ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey in weerarkaas lagaga dilay Alexander Conrad, oo ahaa 26 jir kasoo jeeday gobolka Arizona, ayada oo 4 skari oo kalena lagu dhaawacay.

Sida wargyeyka uu qoray, ciidamada sii kordhayey ee dhowaanahan lagu arkayey deegaanka ayaa heegan geliyey kooxda Al-Shabaab, oo kadibna billowday inay usii diyaar garowdo, una dejiso xeelad.

Markii ciidamada Mareykanka, Soomaalida iyo Kenyan-ka ay soo galeen Sanguuni ee ay dhufeysyada sameysteen, waxay Al-Shabaab ku weeciyen webiga Jubba, taasi oo ciidamda ku qasabtay inay aaggooda ka baxaan, kadibna Al-Shabaab ay weerar ku ekeysay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale laba toddobaad ka hor weerarka, waxay qaadeen tallaabooyin kale oo muhiim ah, sida inay dadkii shacabka ka saareen magaalada, iyaguna ay iska dhigeen dharkii ciidanka, oo ay qaateen dhar shacab. Waxay sidoo kale wacdeen ciidamo gurmad ah.

Weerarkan ayaa guul weyn oo boola-xoofto u noqday kooxda Al-Shabaab, oo awood u yeelatay inay jab gaadh-siiso Mareykanka.