Ismaaciil Buubaa: Puntland Waxay U dagaalamaysaa Shidaalka ku jira Degaanka Hol-hol

0
510

“Damaca Puntland Maaha Harti & Majeerteen Ee Waa Shidaalka Hol-hol Ku Jira,” Ismaaciil Buubaa

Hargeysa(Waaheen) – Siyaasiga weyn ee caanka ah Pro.Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta ku xeesha dheer siyaasadda geeska Afrika, ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ee ka socda deegaanka Tukaraq uu dhaawac u geystay sumcaddii ay Somaliland ku lahayd beesha caalamka, waxaana uu tilmaamay in aduunyadu ay Somaliland u aragto in ay ka mid noqotay sida oo kale na ay ku dhex-milantay qalalaasahii ka taagnaa dalka Somaliya.

Pro.Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Waaberi, waxaana uu tilmaamay in uu waafaqsan yahay in Somaliland ay gaadho xuduudkeeda balse lagu gaadhi karo xal aan ahayn dagaal. Waxa kale oo uu tilmaamay in arrinta dagaalku ka taagan yahay ee xuduudka ay tahay in Somaliland ay keliya kala xaajooto dawladda Somaliya balse aanay maamulka Puntland ku murmin wax xuduud la yidhaahdo.

“Dagaalkaa Tukaraq mid aan loo baahneyn baan u arkaa, Somaliland na xuduudkeeda waa ay tegi kartaa iyada oo aan dagaal gelin laakiin se qoladaa reer Puntland na waa ay ka faa’ideysanayaan oo iyagaa dagaalka soo qaad qaadaya, waxa ay ogsoon yihiin in haddii ay dagaal soo qaadaan in ay carqaladeyn ku sameyn karaan Muuse deedna meeshaa uu dagaal ka dhici karo laakiin se anigu waxa aan doonayaa si degan oo inta Khaatumo State meeshaa la geeyo deedna si wacan loo la shaqeeyo oo deedna Sool oo dhan si wanaagsan gacanta looggu qabto, Xuduudka na si wacan loo gaadho. Wixii Xuduudka ku saabsana Somaliland iyo Puntland shaqo isku ma laha ee waxa isku shuqul leh Somaliland iyo Somaliya oo markaa in arrintan laga la hadlo dawladda Faderaalka oo la yidhaahdo dawladdaa Maamul goballeedka Puntland idinkaa mas’uul ka ah ee hubsada in aanay xuduudka soo dhaafin oo haddii ay xuduudka soo dhaafaana in iyagu ay wadaan dhibbaatada oo caalamka loo sheego.”. Ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa.

Pr.Ismaaciil Buubaa oo sida oo kale ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa tilmaamay in sababta ay Puntland dagaalka u soo qaadeysaa uu keliya tahay siddii ay u qabsan lahayd dhulka shidaalku ku jiro ee deegaanka Hol-hol, waxaana uu yidhi:

“Damacoodu na wax kale maaha oo maaha Harti iyo Majeerteen iyo waxan ay shubayaanee waxa weeye oo ay rabaan in shidaalkaa ku jira Hol-hol ay gacanta ku dhigaan.”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa, waxa uu sida oo kale ku doodey in xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland uu yahay mid aan muran geli karin isla mar ahaantaana loo baahan yahay in keliya lagu gaadho si nabad ah.

“Somaliland in ay xuduudkeeda gaadho aad iyo aad baan u oggolahay oo waan ku raacsanahay in ay laga ma maarmaan tahay laakiin sida lagu gaadhi karaa ila ma aha dagaal runtii oo si nabada ayaa lagu gaadhi karaa xuduudka oo ah mid la yaqaano oo caalamka oo dhammi yaqaano, dawladdaha jaarku yaqaanaan, waana xuduudkii Ingiriiska iyo Talyaaniga u dhaxeeyey oo maaha xuduud cusub oo aynu sameynayno, markaa waxa ay ila tahay in siyaabo kale oo aan dagaal ahayn lagu gaadhi kari lahaa.”. Ayuu yidhi Siyaasi Buubaa.

Ugu dambeyntii, Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, wuxu Xukuumadda Somaliland ku dhaliilay in ay gasho dagaalkaasi isaga oo sheegay in dagaalka Tukaraq uu dhaawac u geystay sumcaddii ay Somaliland ku lahayd beesha Caalamka isaga oo sida oo kale na tilmaamay in dagaalkaasi uu dib u dhigaayo Ictiraafkii ay Somaliland ka sugeysay caalamka.

“Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland waxa ay u eeg tahay wasaarad ma gudbe ah oo runtii wada-hadaladdii Somaliland iyo Somaliya na iyadaa dayacday oo runtii arrintaa Berbera iyo sidey u agaasimtay ayaa keenay isku dhac Somaliland iyo Somaliya ahi in uu yimaado, Caalamkuna waxa ay Somaliland ugu muuqataa cid dooneysa qas, xoog iyo in ay Milatari ahaan ay cudud wax ku muquuniso taasi na Ictiraafka dibbey u dhigeysaa, waxaana ay Somaliland ka mid noqoneysaa qaskii iyo buuqii ka jiray Somaliya oo ay u muuqato in ay ku mil-mayso, waxaana taas sabab u ah sida ay u dhaqmayso Somaliland haddii ay noqoto mid arrimo dibaddeed iyo sidey dawladaha u la dhaqmayso ba.”.