Daawo : Ururka SOLJA oo soo Gabo-gabeeyey kulan 2 cisho ah iyo Qodobo laga soo saaray

0
268

Hargaysa (Waaheen) Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ayaa magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay kulan lagu xusaayay xuska maalintan, kaasi oo ay kasoo qayb-galeen wariyeyaasha magaalada Hargeysa, madaxda Garsoorka iyo ururada udoodda xuquuqda saxaafadda.

Waxaana xusid mudan in muddadii afarta bilood ahayd ee ay xilka haysay xukuumadda haatan in Somaliland lagu xidhay 13 Weriye wallow markii dambe lasii daayay qaarkood.