Gudida Doorashooyinka oo kala Saaraya Laba Xubnood ee ku muransan Kursiga Golaha Wakiilada.

0
335

Hargeysa (Waaheen) – Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaagoor dhaweyd isugu Yeedhay Warbaahinta Kala Duwan ee ka hawl gasha Somaliand.

Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees oo labaduba Kulmiye u ahaa xil sugeyaasha Golaha wakiilada, kuna hadhay Doorashadii dalka Ka dhacday sanadkii 2005 ayaa muran xoog lihi uu u dhaxeeyaa midka ku soo xiga isla markaana Buuxin doona.Ilo wareedyo u dhuun Daloola Gudida Doorashooyinka ayaa U sheegay Hadhwanaagnews in ay qorshaha loogu yeedhay Warbaahintu uu yahay sidii ay u kala saari lahaayeen laba xubnood oo isku haysta Kursi ka banaanaday Golaha wakiiladda, kaas oo uu baneeyay Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiye Marxuum Ibraahim Axmed Haybe.

in kasta oo ay gudida doorashooyinku la habsaameen buuxinta Jagadaasi, maadama uu xeerku u ogolaanayo in ay 14 cisho gudahood ku soo Buuxiyaan, hadaa wali kamay hadal sababta, hasayeeshee waxa jira warar sheegaya in Gudida doorashooyinku ay hore sheegeen in aanay haynin xogtii ku saabsanayd xil sugeyaasha iyo sida ay u kala horeeyaan.

si kastaba ha ahaatee go’aankooda ayaa loo wada dheg taagayaa, iyo waxyaabaha ka soo bixi doona, ka dib markii ay dalbadeen in ay warbaahintu gudaha xaerunta guddida doorashooyinka soo galaan.