Xukunka Boqor Buurmadaw iyo Qodobada loo cuskaday

0
210

Hargeysa (Waaheen):- Maxkamada gobalka Maroodi –Jeex ayaa waxaa ay maanta xadhig 5 sanno ah ku xukuntey boqor buurmadow oo dhawaan xabsiga la dhigay balse damaanad ku joogay magaalada .

Boqor Buurmadow ayaa isla iminkaba loo dhaadhiciyey jeelka weyn ee magaalada Hargeysa .

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in xadhiga Buurmadow yahay saddex dambi oo lagu helay.

 1 waxa lagu helay in uu hadal ka dhan ah Somaliland iyo qaddiyaddeeda jeediyay

2 in uu madaxweynaha Somaliland ka been abuurtay

3 iyo in uu garsooraha xukunka ridayay aflagaadeeyay isaga oo yidhi ” Ku dhawaaq xukunka waa laguu soo dhiibaye,”

Boqor Buurmadow ayaa dhawaan degmada Carmo ee Puntland ka jeediyay hadal intiisa la dhibsaday nuxurkeedu ahaa in uu ku socdo heer qaran kana wakiil yahay madaxweynaha Somaliland ergo nabadeedna uu yahay waxaanu dalbaday in la kala qaado ciidamada isku hor fadhiya Tukaraq waxaana hadalkiisa ka mid ahaa in shacab ahaan dadku walaalo yahay laakiin siyaasiyiintu kala qoqobeen.