Golaha Wakiiladda oo ay soo wajahday caqabadihii dib u dhigi lahaa Doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Deegaanka

0
173

Guddoomiyihii guddida Arrimaha Gudaha iyo Difaaca oo isku casilay khilaaf ka dhex qarxay shirguddoonka

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyihii guddi hoosaadka Arrimaha gudha, Difaaca iyo Nabadgelyadda Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa shalay iska casilay xilkii uu ka hayey guddidaasi kadib markii uu culays kaga yimi shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo guddidooda ku khasbay inay Golaha horkeenaan xeerarkii ay ku qabsoomi lahaayeen Doorashooyinka Wakiiladda iyo Golayaasha Deegaanka Somaliland oo u qorshaysan 2019 ka inay dalka ka dhacaan.

Xildhibaan Rayte oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa sheegay in uu shirguddoonka iyo guddida ka dhex jiro Tafaraaruq, isagoo u foodsaaray keenida afar xeer oo uu sheegay inay gacanta ku hayeen oo lagu khasbayo inay golaha horkeenaan, kuwaas oo uu sheegay inaanay suurtogal ahayn muddada loo qabtay.

Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay xeerarka ay gacanta ku hayaan inay kala yihiin Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda, Xeerka Doorashada Golaha Deegaanka, Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaangalinta iyo  Xeerka kala xadaynta Goboladda iyo Degmooyinka oo dhamaan ah kuwa ay ku qabsoomayaan labada Doorasho ee Golaha Wakiiladda iyo Deegaanku.

Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay sababta uu isku casilayaa inay tahay xil gudasho la’aan iyo xeerarkaas oo aan illaa hada waxba laga qaban lana doonayo wakhti aan munaasib ahayn in Golaha lagu horkeeno si loom eel mariyo.