Xukuumadu maxay ka tidhi Xadhiga Boqor Buur madaw?

0
138

Hargeysa (Waaheen) – Xukuumada Somaliland oo la hadashey idaacada laanta afka Somaliga ee BBC-da ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu xaqiijisay in xabsiga la dhigay Boqor Buurmadow .

Xukuumada ayaa waxaa ay sheegtay in sababta loo xidhay Boqor Buurmadow ay tahay kadib markii uu dhawan hadalo dhaawac ku ah madax banaaninda Somaliland u ka jeediyey deeganka Carmo ee ay maamulaan Puntland oo uu kaga qeyb galay caleemo saar beel daaje

dhinaca kale Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland ayaa  waxaa ay waxaa uu warbaahinta u sheegay sababta ay xukuumadu xabsiga u dhigtey Boqor Buurmadow .

Afhayeenka ayaa sheegay in Boqorku uu ku kacay falal qaran dumis nimo ah isla markaana cadeymaheedii la hayo maxkamadana la hor geyn oo uu mudan doono ciqaabteeda

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Boqorka lagu soo qabtey waaran qabasho ah