Jawaari Oo Khudbad Maanta Ujeedinaya Golaha Baarlamaanka Somaliya

0
217

Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta ubalansan kulan ay iskugu imanayaan oo lagu wado in uu gudoomiyihii iscasilay ee golaha baarlamaanka Somaliya Jawaari uu khudbad ka jeedin doono.

Khudbadan ayuu kaga dhawaaqidoonaa in uu si rasmiya isku casilay iyada oo ayna ka madhnaan doonin inuu ku soo qaato waxyaabihii uqabsoomay intii uu xilka hayay

Marka uu golaha hortiisa kaga dhawaaqo Jawaari iscasilaada ayaa waxa si ku meel gaadha xilka gudoomiyaha golaha Baarlamaanka uqaban doona gudoomiye ku-xigeenkiisa, waxaana lagu soo dooran doonaa gudoomiye muddo shan iyo tobon cisho gudahood ah.

Kulankan ayaa lafilayaa inuu goobjoog ka ahaan doono raysal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo hore gudoomiye Jawaari usheegay in uu kadambeeyo mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari.

Kulanka maanta oo lagu waday inuu dhaco shalay ayaa baaqday.