Khasaare Dhimasho Keenay Oo Ka Dhashay Darbi Ku Dumay Shaqaale Ka Hawl Galayey Magaalada Muqdisho

0
100

Muqdisho(Waaheen):-Darbi ku yaala magaalada Muqdisho ayaa ku dumay shaqaale ka hawl galayey Dhisme weyn oo laga hir gelinayo agagaarka  KM4 ee magaaladaasi.

Ugu yaraan sadex ka mid ah shaqaalaha ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen darbiga ku soo dumay  halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii shaqaalaha ahaa oo laga hoos baadhayo burburka darbiga soo dumay.

Gudoomiyaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dhimashada dadka shaqaalaha ah  ee darbigu ku soo dumay ay marayso sadex qof.

Ciidamada booliska soomaaliya iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa wada hawl galo ay ku baadi goobayaan dad kale oo laga heli karo burburka gidaarka dumay.