Madaxweynaha Somaliya Oo Amar Lama Filaan Ah Ka Soo Saarey Fadhigii Saaka Loo Balansanaa Ee Baarlamaanka

0
125

Moqdisho (Waaheen):- Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyay kulankii maanta oo sabti loo balansanaa ee Baarlamaanka, xilli ay cirka isku shareertay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu baajinayo qalalaase iyo fowdo ka dhex bilowda Baarlamaanka, haddii uu kulanka furmo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay hadalo dhiilo ah oo labada dhinac ay hawada isku marinayeen.

Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin xiisada ka dhex bilaabatay Golaha Shacabka ayaa haatan u muuqda mid ku soo baxay oo soo farageliyay xaalada cirka isku shareertay., kaddib baaqyo kala duwan oo ka soo baxay siyaasiyiinta iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ku taliyay in xaalada la dejiyo, loona tanaasulo danta dalka.