Safiirad Mareykan Ujoogi Jirtay Dalka Yemen Oo Si Cilmiyaysan Uga Hadashay Qaabka Waxbarasho Ee Dalalka Carabta Iyo Doorka Siyaasad Ay Ka Galaan Shaqsiyaadka Waxbarashada Ka Saaqidaa

0
177

Jane Marriott oo aheyd safiirka dalka ingiriiska u joogta dalka Yeman wax badanna iyadoo dibulamaasi ah ka shaqeeysay wadamada carabta baa tiri hadalkan mar ay ka hadleeysay waxbarashada wadamada carabta:

 

Nidaamka waxbarashada ee wadamada carabta dhanka ardayda dhameysata waxbarashada waxaa ka jira kala duwanaasho aad u weyn.

 

Ardayda heerka koobaad ama kaalimaha koobaad ah ee aadka u caqliga badan ama (cabqariyiinta) ah waxa ay galaan #Caafimaad ama #Enjineerin.

 

Meesha ay kuwa heerka labaad ah ay galaan kuliyadaha #maamulka ama #dhaqaalaha Waxa ayna noqdaan kuwa maamula kuwii heerka koobaad ahaa.

 

Halka kuwa heerka sedexaad ah ay u jiheestaan#siyaasada Waxa ayna noqdaan siyaasiyiinta wadanka Waxeyna xukumaan kuwii ahaa heerka koobaad iyo heerka labaad.

 

Waxaa kuu soo haray kuwa ku fashilmay waxbarashada waxaa ay aadaan #ciidankaqeybahiisa kala duwan iyo Booliska Waxaana lagu xakameeyaa siyaasada.

 

Laakiin mida ugu daran waa in kuwa aanan GALIN waxbarashada ama aan tegin iskuulka ay noqdaan odayaasha #qabiilada Oo amarkooda ay ku shaqeeyaan dadka oo dhan.

 

Haddaba wadamadaas maku jirtaa Soomaaliya??