Miyey Somaliland ka Ilduufaysaa dal xiisaynaya danahooda?

0
325

Maraakiibta dagaalka ee Qaarada Yurub wakhtigii ay bilaabeen inay ku soo xidhaan dekeda Berbera waxay ahayd xilli dalka Faransiisku madax ka ahaa guddiga Yurub ee danaha Soomaalida.

Sida lagu baahiyey wargeyska EMA, oo ka faalooda arrimaha Milateriga Faransiiska, 20/12/2013, waxa dekeda Berbera, ku soo xidhay markab dagaal Siroco, oo qeyb ka ahaa ciidamada la-dagaalanka budhcad-badeedka, iyadoo Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici, Madaxweyne-xigeenka Somaliland la kulmay Etienne de Poncins, madaxa Midowga Yurub u qaabilsan (EUCAP Nestor), kulankan oo imanaya markii koowaad ee Ciidamada Faransiisku hogaamiyaan hawlgalka.

Xiisahii Faransiiska shirkadiisa Bollore ku doonaysay maalgashiga dekeda Berbera, keliya kuma koobnayn faa’iidada laga heli lahaa balaadhin deked iyo koboc dhaqaale iyo shaqo abuur bulshada Somaliland gaar ahaan dhalinyaradu ka helaan, balse waxa ka weynaa helitaanka aqoonsiga dalkeenu mudadda 27 sannadood raad-raaca ugu jirtay oo madaxda dalkaasi go’aankoodu gaadhiisnaa inay u badheedhaan bixintiisa, hadii danahooda Somaliland lala fahmo inaynu dhaafsano danaheena, ama dan la’aan-ba ugu fududeynee?

Ogolaanshaha xafiis JSL ka furato dalka Faransiiska waxuu ku yimi natiijadii ka dhalatay kulan Sannadkii 2010 Madaxweyne Riyaale waxuu la kulmay laba nin oo u dhashay dalka faransiiska oo isku sheegay inay yihiin Khubaro dhinaca dhaqaalaha ka socda, waxaanay yeesheen wada xaajood dhinacyo badan ah, kulanka ka dib, nin ka mid ah xubnaha oo xilligan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Faransiiska waxuu qoray buug uu kaga hadlay madax caalamka ah oo waxtar geystay, Madaxweyne Riyaale qeyb ayuu ka yahay madaxdii lagu qoray buuga? Isweydiintu waa waa maxay danntii masuuliyiinta faransiiska ka socday u yimaadeen, Somaliland, haddaanay jirin danno ay ka leeyahiin, oo doonayaan in madaxda Somaliland wakhtigaa ila aiyo xilligan dalka soo xukumayey la fahmaan,

Shirkad laga leeyahay dalka faransiisku waxay heshiis la saxeexdeen wasiirkii Arrimaha Gudaha claahi ismaaciil Cirro la xidhiidhay in ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland fuliyaan hawsha ilaalinta maraakiibta maraya xeebaha Somaliland, isla markaana geeyaan ilaa xeebta kale ugu amaan wanaagsan ee markabku doorto, iyadoo shaqadoodu tahay inay dhaafiyaan budhcada maraakiibta ku dhaca xeebaha Soomaalida, taasoo askarta markabka la socda maalintii u qaadanayey kharash dhan 150$, isla markaan hubka (qoriga AK47) ee askarigu sito sidoo kale shirkada hawsha fulinaysa ku kiraysanaysay kharash dhan 200$, nasiibdaro, markii xukuumadii Axmed Siilanyo xilka qabatay wasiirkii Arr Gudaha u horeeyey & ninkii bedelay oo labaduba ku guuldaraysteen inuu sii socdo heshiiskaasi, sababo aan la caddayn? Isweydiintu waa heshiiskaasi faa’iido ma u lahaa ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo guud ahaan dalka, runtii jawaabtu waa haa, balse, waxa lumiyey masuuliyiin danno gaar ahaaneed uga hormariyey dantooda, waxayna natiijadii noqotay in maraakiibta Midowga Yurub ka faa;iidaysteen fursadaa, xilligana iyagu jid-mariyaan maraakiibta adeegsada marinka xeebaha Somaliland, hadda akhriste garro, shirkada fursadaa u wadday dalka iyo dadka waxay ahayd Faransiis.

Hadii jawaabtii beesha caalamku noqotay talaabada u horeysa ee aqoonsiga Somaliland ha qaado Midowga Afrika, midkee ayaa wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska si fudud u heli kara, ama u diyaar ah inuu furahooda helo wadammada afrika inuu ka dhaadhiciyo fududeynta iyo bilowga aqoonsiga Somaliland? Waxaan qabaa inuu keliya yahay dalka Faransiiska, marka la eego taariikhdiisa iyo waaya-aragnimada uu u leeyahay wadamadda Afrika?

Ma isweydiiyeen madaxda dalkeenu sababta keentay in safiirka dalkeena u jooga dalka Faransiiska Dr. Cali ismaciil, u soo fududeeyey, isla markaana madaxda Faransiisku u ogolaadeen in warfidiyeeno ka socda Idaacada Qaranka faransiiska (RFI) iyo wargeysyada ugu afka dheer midkood Le Monde u yimaadaan tebinta doorashadii ka dhacday dalkeena, uga diyaariyeen warbixino kala duwan oo dhamaantood si toggan uga waramayey qaabka dimoqraadi ee doorashii uga

dhacday dalka iyo dareenka bulshada reer Somaliland ka filayeen doorashada iyo madaxweynaha cusub eek u soo baxa ka filayaan inuu ka bedelo dalkooda?

Ma filayo in dalna danno la’aan ugu bixiyo inuu hay’adihiisa qaranka ugu diro wadan labaad, ilaa, haduu sameeyo waxa marag-ma-doon ah inuu jiro danno dhinacyo kala duwan leh oo uu xiisaynayo inuu ku yeesho dalka, laakiin waxay ku xidhnaan doontaa sida dalka labaad, waa sida Somaliland oo kale xilligane, u dareemaan, isla markaana uga faa’iidaystaan?

Xukuumada Faransiiska ayaa laga dheehan karaa siyaasadaheeda u janjeedha inay danno la wadaagto Jamhuuriyadda Somaliland wada shaqeynta dhow ee ay la wadaagaan Wakiilka JSL ku leedahay dalka Faransiiska Md. Cali ismaaciil iyo Xafiiskiisa, isla markaana loogu martiqaado sida safiirada caalamka, uguna dambeeyey kulan loo qabtay shirkadaha cusub ee dalka ka abuurmay, oo joogitaanka wakiilka Somaliland u saamaxaysa inuu galangal u helo la macaamilkooda iyo inay maalgashi ku sameeyaan dalkeena, oo ka dhaadhiciyo wax la qabsiga shirkadaha dhigooda wallow aynaan maqlin kulan keliya oo madax ka socota dalka Soomaaliya lagu casuumay, shirarka iyo dood-cilmiyeedyada xukuumada Faransiisku qabato iyo kuwa hay’adaha kale dalkaasi qabtaan, taasoo isweydiiteeda leh, ma qorshe la’aan ayey dalka Faransiisku sidaa u samaynayaan, inkastoo abuuritaanka fursadahaa loola macaamilayo xafiiska Somaliland ee faransiiska Ilaahay sokadii, ku timi dedaalka iyo tacabka uu geliyey wakiilka inoo jooga, jawaabtu waa maya, balse waa siyaasad mal-dahan oo dalkaasi doonayo in madaxda JSL fahmaan, isla markaana bilaabaan, hanaankii iyo siyaasadahii ay kula jaan-qaadi lahaayeen!

Akhristow, hadda ogow, wallow la yidhaahdo dadka qof abaal guda inyar baa la arkaa, halkan waxaa jira dal dhan oo askartii la gashay dagaaladii aduunka ee koowaad iyo labaad ee soomaalida ahaa, weli xidhiidhiya, isla markaana dhaqaale xaqeed ka helaan eheladii askastaasi, waa dalka faransiiskee, halka wadan kaloo dhigooda ah, ilaaway xidhiidhinta, iska daa xuquuq hawlgab uu siiyee, waa dalka Ingiriiskee!

Saamaynta wadanka Faransiiska iyo Ingiriiska ee Qaarada Yurub si weyn ayey ku kala duwan yihiin, isla markaana wallow xilligan Ingiriisku lumiyey danno badan oo qaarada Yurub ku lahaa, su’aal kama taagna in dalka faransiisku wax badan ku soo kordhin karo isbedel ku yimaada dannaha Somaliland ee caalamka, hadii ay madaxda dalku fahmaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha uga banaan.

Gebagebadii, hadii hore madaxda Somaliland u lumiyeen danno badan oo ay la wadaagi lahaayeen dunnida, gaar ahaan dalka Faransiiska, waxaan qabaa inay maantana gebi ahaanba lumiyeen joogitaankii iyo saamayntii siyaasadaha Somaliland ugu dhex-wareegaysay dalka Faransiiska, ka dib qoraal ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibeda Somaliland dhowaan.