Golaha Wasiiradda oo Fadhi aan caadi ahayn ku Ansixin doona Miisaaniyadda 2018-ka oo laba jeer Dib u dhacday

0
73

Hargeysa(Waaheen) Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa la filayaa maanta inay fadhi aan caadi ahayn ku Ansixiyaan Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka, taasoo muddo laba jeer ah laga celiyey Golaha Wasiiradda si wax ka bedel loogu soo sameeyo.

Toddobaadkii ugu danbeeyey ayey Golaha Wasiiraddu dib ugu celiyeen wasaaradda Miisaaniyadda Buuga Odoroska Miisaaniyadda, kadib markii aragtiyo kala duwan ay Golaha wasiiraddu ka bixiyeen Miisaaniyadda, taasoo sababtay in dib loogu celiyo wasaaradda iyo Guddida Miisaaniyadda.

sidoo kale, Toddobaadkii ka sii horeeyey ayey Golaha Wasiiraddu dib ugu celiyeen wasaaradda Maaliyadda sidan oo kale, kadib markii sida la sheegay Doodii ay ka yeesheen ay ku arkeen inaanay ka muuqan mashaariicdii horumarinta ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku baaqay.

Ansixinta Golaha Wasiiradda kadib waxa ay Miisaaniyaddu si dhakhso ah ugu gudbi doontaa golaha Wasiiradda si ay iyaguna u ansixiyaan inta aanay dhamaan Bisha March, hase yeeshee waxa la filayaa inay Dood ka gali doonaan Miisaaniayadda 2018-ka oo sida muuqata aanay guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladdu aanay wax ba ka ogayn samaynteeda, halka Xukuumaddihii hore ay wasaaradda Maaliyaddu kala tashan jirtay xildhibaanada qaarkood si ay Ansixinteedu ugu fududaato.

Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka ayaa la filayaa inay ka badato tii sanadkii 2017-kii qiyaas ahaan Boqol kun oo Milyan, walow walaac weyn laga qabo dakhliga soo xeroon doona, duruufaha dhaqaale xumo ee ka jirta dalka iyo ganacsiga oo hoos u dhacay darteed.

sidoo kale, Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka ayaa sida ay saadaalinayaan khubarada dhaqaalaha ee dalku waxa ay farta ku go’dayaan inay saamayn ku yeelanayso Dayn farabadan oo ay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay Xukuumadda Muuse Biixi, taasoo wali huursan wasaaradda Maaliyadda dhexdeeda.