Xagee ayuu marayaa geedi socodkii sahaminta shidaalka Somaliland

0
625

Waxay ahayd 19 kii bishii Novembar 2016

markii ay Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu

heshiis shidaal baadhis ah la gashay shirkadda

BGP Inc oo laga leeyahay dalka Shiinaha si ay

sahan shidaal uga samayso meelo ka mid ah

dalka. Sahanka heshiiskaas oo noociisa loo

yaqaan 2D seismic, ahna habka ugu dambeeya

ee shidaal sahaminta ayna ka horeeyeen

sahamo noocyo kale ah sida kuwo jiyoolaji,

kuwo sahano diyaaraddo sameeyeen.

 

Qorshaha sahankan ayaa ahaa in shirkaddu iyadoo qandaraas la gelaysa wasaaradda ay sahamiso dhamaan goobaha 4-ta shirkadood ee dalka kula jira heshiis wax soo saar wadaag (production sharing agreements).  Shirkadahaas oo kala ah Genel Energy, Rak Gas, DNO iyo Ansan iyadoo shirkad waliba ay maalgelinta sahanka ee baloogeedda/balogyadeeda bixinayso.

 

Sahankii ugu horeeyey ee wasaaraddu maamulaysey ayna fulinaysey BGP wuxuu bilaabmay bishii Novembar 2016 wuxuuna si guul ah u soo gabagaboobey 24-kii Janaury 2018.  Sahankan laga fuliyey goobaha shirkadda Genel Energy oo xiligaa uu socdeyna ahaa sahanka ugu weyn ee noociisa ah ee ka socdey qaaradda Africa waxaa lagu soo dhammaystiray 3,500km oo seismic lines ah, wuxuuna ka qabsoomay gobolada Saraar, Togdheer, Daadmadheedh, Maroodi jeex, Hawd iyo meelo ka tirsan gobolka Sanaag.

Ku guulaysigaa mashruucaas weyn ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa marag u noqonaya in wasaaraddaha qaranku fulin karaan mashaariic baaxadaas leh haddii ay taageero iyo wadashaqayn ka helaan laamaha kale ee dawliga ah iyo bulsho weynta Somaliland.

Qaabka sahankaasi u dhacay ayaa ahaa in markii hore la sameeyey layman sahan guud ah ka dibna la sameeyey dhawr weji (ilaa 6 weji) oo dambe oo loo yaqaan infill ama buuxinta laymanka tuhunka muujiyey dhexdooda si loo hubiyo oo si faahfaahsan loogu sahamiyo meelaha tuhunku galay.  Laymankii wejigii ugu horeeyey waxay isu jir jireen 10km laymankii infill-ka ee hubinta tuhunku waxay isku jir jireen 2.5km taas oo ah faahfaahin aad ah.

Muuqaalka hordhaca ah ee sahankaas waxaa ka muuqatay rajo aad u wanaagsan waxaana hadda xogtaa loo qaaday dalka dibadiisa si loogu sifeeyo (processing), turjumaad (interpretation) dhammaystirana loogu sameeyo. Xiliga turjumaadaas la dhameeyo (oo qaadan karta 6-9 bilood) waxaa ku xigi doona qorshayntii qodaalka waxaana la rajaynayaa in qodaalku noqdo sanadka soo socda qaybahiisa hore.

Mashruucii labaad ee sahanka shidaal ee Wasaaraddu hormuudka ka tahay ayaa la saxeexay 31 diseembar 2018, haddana si habsami ah uga socda deegaanada shirkadda Rak gas ee gobolka Saaxil. Sahankan waxaa fulinaysa isla shirkaddii BGP Inc waxaana lagu wadaa inuu qaato mudo 6 bilood ah.  Goobaha sahankani hadda ka socdo ayaa ah meelaha ugu rajada weyn helitaan shidaal maadaama ceelal hore looga qoday deegaandaas laga helay shidaalka balse aanu shidaalkaasi ahayn mid kayd weyn oo ganacsi gal ah. Sahanka hadda ayaa ah mid deegaanadaas lagaga raadinayo kaydkii weynaa ee ganacsi galka ahaa.  Waxaa aad loo filayaa in sahankani ku guuleysto helitaanka kayd weyn maadaama ilaa xiligii ceelashii hore laga qoday deegaanadaas ay aqoonta iyo tignoolojiyadda sahaminta shidaalku si xawli ah u horumartay haday noqon lahayd dhanka sahaminta iyo weliba sifaynta iyo turjumaada xogaha ka soo baxa sahanka. Deegaanadan ayaa sidoo kale ah goobo aad ugu dhow badda iyo dekadda islamarkaana ay sahlanaanayso dhismaha iyo kharashka dhuumaha xeebta gaadhsiinaya wixii shidaal ah ee laga soo saaro deegaanadaas.

Qorshaha wasaaradda ayaa ah in shirkaddihii kalena ay ku xigaan oo sahaminta laga hirgeliyo goobaha ay qandaraaska u haystaan.  Hanaanka geedi socodka sahaminta shidaalka ee Somaliland ayaa markaa la doonayaa inuu laga bilaabo horaanta sannadka soo socda ahaado mid ay isgarab socdaan shirkaddo goobahoodii qodaalkii ka socdo, kuwo xogtii sahankooda la turjumayo, kuwo sahankii wadda iyo qaar sahankoodii la qorshaynayo si aan wakhti uga lumin xawaaraha Somaliland ku doonayso inay kula soo baxdo shidaalkeeda ugana faa’iidaysato, Maadaama aduunku maanta ku wajahan yahay in mustaqbalka tamar ka duwan ta shidaalka loo guuro ayna tahay xiligii khayraadkaa shidaalka lala soo bixi lahaa lana intifaacsan lahaa. Waxaa xusid mudan in umadda reer Somaliland gaar ahaan bulshada deegaanada shidaalka laga sahminayo la xasuusiyo in hakadkii mashruucii sahanka shidaal ee 2013 la carqaladeeyey uu dib u dhac 4 sanno ah ku keenay geedi socodkii shidaal sahaminta ee dalka, maantana laga yaabo in la mari lahaa marxaladdii wax soo saarka haddii mashruucaasi xiligaas hirgeli lahaa.