Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo Xilka Laga Qaadayo

0
422

Moqdisho (Waaheen):- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari u gudbiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta u Akhriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxaa ay ku sheegeen mid kalsoonida lagala noqonayo guddoomiye Jawaari.

Qodobada ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, ku-xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka ka wada guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa tirodooda lagu sheegay ilaa 100 Xildhibaan.

Sidoo kale ilo xog ogaal ah oo ay heshay shabakada Ilaysnews.com ayaa sheegaya in mooshin ay dabada ka wadaan madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Somaliya

No automatic alt text available.