Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti culus oo maanta u dhoofay Imaaaraatka Carabta

0
221
Shirkadda DP-world oo u soo dirtay diyaarad khaas ah
Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta duhurkii u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doona Madaxda Dalkaasi oo martiqaad rasmi ah usoo diray.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa safarkiisa ku wehelinayey shan wasiir iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu safarkiisu ku soo beegmay xilli dagaal Dublamaasiyadeed ka aloosantay Heshiiska Dekedda Berbera.
war faahfaahsan lagama bixin safarka Madaxweynaha oo aan hore loo sii ogayn, hase yeeshee wararka Waaheen heshay ayaa sheegaya in wefti culus oo ka socday shirkadda DP-world saaka Madaxweynaha kula kulantay Hargeysa, isla markaana sii kaxeeyeen wadahadalo dheer oo ay yeesheen kadib.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hor safarkiisa waxa uu Qasriga Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Shirguddoonada Baarlamaanka Somaliland iyo Guddoomiyayaasha labada xisbi Mucaarad oo ay ka wadahadleen weerarka Somaliya ku hayso Heshiiska Dekedda Berbera.
Hinaasaha ay Dawladda Somaliya ka qaaday Heshiiska Dekedda Berbera ayaa sababay in dagaalkoodu gaadho Dawladdaha waaweyn ee danaha ka leh Mandaqada Geeska Afrika, kuwaas oo ay ugu horeeyaan xulafada Dawladdaha Carabta iyo Dawaladdaha ka soo horjeeda ee Gadar iyo Turkiga oo dhinac ah.
safarka Madaxweynaha Somaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Somaliya uu isna safar noocan oo kale ah ku joogo dalka Qadar, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Dawladdaha Taageersan go’aankiisa lidiga ku ah Somaliland.
Baarlamaanadda Somaliya iyo Somaliland ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey soo saaray go’aamo iska soo horjeeda, kuwaasoo cirka ku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya.
Xukuumadda Somalland ayaa toddobaadkan joojisay wadahadalo la filayey labada Dawladood inay ku yeeshaan Dalka Jabuuti, waxaanay sheegtay muddo bil ah inay hakinayso, hase yeeshee dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dal ayaa u muuqda inay wadahadaladu sii murgi doonaan oo aanay suurtogal noqon doonin.