Madaxweynaha Somaliland iyo Labada Xisbi Mucaarad oo isla qaatay in loo diyaar garoobo Gardarada Dawladda Somaliya

0
187

Waxay go’aansadeen Difaacida Qaddiyadda Somaliland iyo Horumarkeeda

Harg eysa (Waaheen):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanay ka wadahadleen dagaalka Dublamaasiyadeed ee Dawladda Somaliya iyo qaar ka mid ah dawladdaha Carabtu ku diidan yihiin Heshiiska saddex Geesoodka ah ee Dekedda Berbera.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka ah oo shalay ka  dhacay, Qasriga Madaxtooyadda ayaa salka ku hayey sidii wada-jir iyo isku duubni loogu abbaari lahaa arrimaha waqtigan dalka ka taagan iyo kuwa mustaqbalka soo socda, isla markaana mawqifyo isku mid ah looga qaadan lahaa hawlaha taagan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo labada Guddoomiye ee Axsaabta Mucaaradka ahi waxay go’aamiyeen in shacabka Somaliland iyo Dawladdu ba u diyaar garoobaan gardarada Dawladda Somaliya ku carqaladaynayso horumarka Somaliland, isla markaana ay difaacan doonaan Heshiiska DP-world iyo Ethopia.

Saddexda Masuul waxa kale oo ay ka wadahadleen sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland sidii loo dar dar galin lahaa Doorashooyinka Wakiiladda iyo Golayaasha deegaanka ee 2019-ka ka dhici doona Somaliland.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland waxa uu tilmaamay sadexda Xisbi inay isla qaateen inay hawlaha doorashada ka wada shaqeeyaan guddidii ka koobnayd sadexda Xisbi Qaran.

 

Kulankan ayaa noqonayaa kii afraad ee ay saddexda masuul isugu yimaadaan tan iyo markii la soo doortay Xukuumadda cusub, waxaanay ka turjumaysaa in mawqif midaysan ay ka taagan yihiin Difaaca Qaranka Somaliland.