Golaha Wakiiladda Somaliland oo jawaab adag maanta ka bixinaya go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya Dekedda Berbera kaga mamnuucayeen  Shirkadda DP World

0
109

Golaha Wakiiladda Somaliland oo Difaaci doona Dastuurka iyo Madax banaanida Somaliland iyo Heshiiyadda Caalamiga ah ee ay gasho

Hargeysa(Waaheen) Golaha Wakiiladda Somaliland oo hore u Ansixiyey Heshiiska Dekedda Berbera lagaga kireeyey Imaaraat-ka Carabta ayaa maanta fadhi deg deg ah oo ay kaga jawaabayaan go’aankii shalay Baarlamaanka Somaliya ka soo saareen Heshiiska Dekedda Berbera.

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa la filayaa inay mar kale ku celiyaan Heshiiska Dekedda Berbera in uu yahay Ansax, cid hor istaagi kartaana aanay jirin. Waxaana la filayaa inay Dawladda Somaliya usoo jeediyaan inaanay lahayn awood ay ku hor istaagi karaan Heshiisyadda ay Somaliland kula gasho khayraadkeeda Dunida kale.

Kulanka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa jawaab u noqon doona fadhi ay xildhibaannada Golaha Shacabka Somaliyaku yeesheen magaalada Muqdisho shalay oo Isniin ah ahayd kana soo saareen xeer dhowraya gobannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ka mamnuucay shirkadda DP World in ay ka howlgasho guud ahaanba Soomaaliya.

Xeerkan ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa Shirkadda DP World inay si badheedh ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Hadaba Akhriso xeerka ka soo baxay Gollaha Shacabka

Qodobka 1aad

Heshiis caalami ah waxaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u geli kara oo keliya xukuumadda federaalka ah ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo hay’adda sharci dejinta JFS uuna madaxweynaha JFS ku meelmarinayo xeer madaxweynaha laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee JFS.

Qodobka 2aad

  1. Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
  2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
  3. Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.

Qodobka 3-aad.

  1. R/ Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya la farayaa inuu si degdeg u gaarsiiyo xeerkan madaxa xukuumadda istutaga Imaaraadka Carabta “UAE” kuna wargeliyo iney ku kaceen falal culus oo xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan si bareer ahna uga horimaanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xaqa shacbiga Soomaaliyeed dowga u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonimadiisa iyo midnimada geyigooda.
  2. Waxaa kaloo la farayaa R/ wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya in uu degdeg ah baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed u hor Keeno tillaabooyinka iyo howlgallada xukuumadda ay ku ilaalneyso sareynta dastuurka iyo badbaadinta midnimada geyiga Soomaaliya.

Qodobda 4aad:

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u istaagaan gudashada waajibka saaray muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada qarabka

Qodobka 5aad

Xeerkan waxaa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ku meel mariyo xeer madaxeyne, laguna soo saaro faafinta rsamiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.