Guddida Dhaqaalaha iyo kor u qaadista Shillinka Somaliland oo Ka warbixiyey halka ay marinayaan Kor u qaadista Lacagta Qaranka

0
198

Guddida dhaqaalaha iyo kor u qaadista Shillinka Somaliland ayaa go’aan kama dambays ah ka soo saaray arrimaha sarifka iyo xal u helida qiimo dhaca Shilinka Somaliland.

Guddida oo shir jara’id ku qabatay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in ay dedaal badan ka sameeyeen oo ay kulamo is daba jooga ka yeesheen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Arinta qaadka Xukuumad ahaan waanu ka hawlgalnay, madaxweynuhu markii uu Itoobiya tagayna guddidan dhaqaalaha iyo kor u qaadista Shilinka Somaliland way kala hadleen, laakiin ganacsatada qaadka waxa ku soo rogtay uun dawladda Itoobiya, dadkooduna inay Dollar ku iibiyaan iyo inay Bir ku iibiyaan iyaga ayey u taalaa oo anagu arrimaha gudahooda ma maamulo, laakiin in arinkaasi culays dhaqaale inagu hayo waa lagala hadlay xukuumadda Itoobiya, waxa kale oo jira in wasaaraddaheena wax soo saarka sida Kaluumaysiga ay iyaguna ku gudo jiraan sidii aynu wax ugu dhoofin lahayn oo taasi iyaduna hawsheedii ay socoto”.

Faahfaahin dheeraad ah halkan ka daawo