“Heshiiska DP World Xisbiga Waddani hore uma taageerin haddana ku taageeri maayo” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani

0
314

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay inaanu xisbigiisu taageersanayn heshiiska xukuumaddu la gashay DP World.

Guddoomiyaha oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu tilmaamay in mawqifkoodu yahay kii ay hore uga taagnaayeen heshiiskaasi.

Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Xukuumadda Somaliland waxaanu sheegaynaa inay u igman tahay  iyada oo ka wakil ah shacbigeeda inay heshiisyo la gasho dalal shisheeya ama shirkado shisheeye awoodaasina waxa siieyey dastuurka iyo xeerarka Somaliland”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Xisbiga Waddani hore uma taageerin haddana ku taageeri maayo, xukuumadda Somaliland heshiisyo aanay u marin dariiq haboon oo daah furan oo aanu mugdi iyo mad madaw toona ku jirin, heshiisyada xukuumaddihii kala dambeeyey la galeen dalka aynu jaarka nahay saaxiibkana nahay ee Imaaraadka waxa ka muuqda mad madaw fara badan, iyada oo aan shacbiga si dhab ah loogu soo bandhigin heshiisyadaasi, waxa ka marag kacaya mugdaasi in la sameeyey shirkad loogu magac daray Somaliland Investment Company oo aan sharciga samayskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland horena aanu uga hadalnay shirakadaana mawqifka xisbigu waa mawqifkii uu hore u cadeeyey, heshiiskii hore ee aan rasmiga ahayn ee aan Originaladiisa la keenin ee golaha Wakiiladu ansixiyey, heshiiskan cusubi wuu burinaa oo heshiiskaasi hore laba dhinac ayuu ahaa Dhinaca Somaliland iyo dhinaca DP World, heshiiskaasi qaybtiisa saamileyda qodobkiisa shan iyo tobnaad waxa uu sheegayaa inaanu labada dhinac midkoodna aanu iibin karin saamigiisa shanta sano ee u horeeya labada dhinacba heshiiskaasi waa ay jabiyeen, Somaliland waxa ay lahayd 35%, Halka DP World lahayd 65%, Somaliland ma ay cadaynin waxa ay 5% u bixisay iyo waxa ay ku bedelatay, waxaanu u soo jeedinaynaa heshiisyadaasi ay xukuumaddu gashay in Baarlamaankana la keeno Shacabkana loo soo bandhigo si looga saaro mugdiga kalsoonida shacbigana ay u hesho”.