Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Sheegay in Heshiiskii Dhawaan Dubai Lagu Kala Saxeexday Noqday Dhul Gariir Cadawga Somaliland Dibada u soo saaray

0
172

Hargeysa (Waaheen) Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee dhawaan lagu kala saxeexday Dubai uu noqday dhul gariir cadawga Somaliland dibada u soo saaray.

Gudoomiyaha ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay ka hadlayey shir lagu darsayey qorshaha afarta sano ee wasaaradda Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha.

Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wasiirka arrimaha dibadu in uu shir noocan oo kale ah soo qabto oo aynu is weydiino ma haboon tahay inaynu Somalia la hadalo iyo inaynaan la hadal, maxaa Somalia inagaga xidhan, Soamlia waynu kala adkaanay waynu ka adkaanay way iska tageen, hadana dawladdi ma jirto, maba jirtee ma inaynu la hadalaabaa oo suaasha inoo taalaa waxa weeyi ma wadnaa wada hadaladii aynu 20120-kii Ingiriisku inagu cadaadiyey ee waliba uu ixtiraamay dawlad aan jriin oo maanta iska daa ixtiraama arsaaqada inoo diidaysa oo odhanaysa maxay u noolaanayaan iska daa ixtiraame inaynu taasi ka jawaabno oo aynu dood ka yeelano weeyi, shalay Muqdisho ayey la dhex mar marayeen ka waran Muqdisho arinteeda, maxaa ciyaalka Muqdisho ka galay Berbera iyo arinteeda, la hadli mayno oo ha la inaga joojiyo dalkeena aynu horumarkiisa iyo midayntiisa ka shaqayno aynu is jeclaano oo aynu wada jir u shaqayno Ayaan leeyahay, fursad fiican ayeynu haysanaa maalgashi ayaa yimid, waad aragtay maanta aduunka headlineka ayeynu ka haysanaa, dhul gariir ayuu noqday markaasuu cadawgeenii dusha u soo saaray, markaasaa la ogaaday inaynu nahay dal haboon oo la isku halayn karo oo jira inaynu nahay waa inaynu taasi ka shaqaynaa, laakiin dal aan jirin in la inagu maaweeliyo oo hub loo samaynayo oo ilaa intay xoog yeelanayaan oo sidii Tawmal taygariska qab qabsanaysaana anagu taasi ma nihin waxaanu nahay dadkii dilay Maxamed Siyaad Barre dawladii ugu xooga weynayd Afrika”.